Fadhiga ay shalay Maxkamaddu ka yeelatay Dacwadan oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu Garsooraha Kiiska ku qorani dhagaystay tan iyo maalintii Xeer ilaalintu ka dalbatay Xayiraada Wargeyskaasi saaran ayaa lagu dhagaystay Eeda Xeer ilaalintu ku oogayso wargeyska, iyagoo Qareenada Wargeyska u doodayaa ku tilmaameen dhamaan Eedaymaha Xukuumadda oo ah saddex Eedaymood oo is barkan qaar sharciga baalmarsan.
Garsooraha Dacwada gacanka ku haya Cismaan Fanax oo labada dhinacba dhagaystay ayaa fadhi danbe u qabtay dhagaysiga Dacwadan oo uu u mudeeyay 27-ka bishan, taasoo si rasmi ah dacwada loo guda geli doono.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment