Kooxdan dablayda ah ayaa ka hor intii aanay weerarka ku soo qaadin xarunta waxa ay qarax laxaad leh oo ay u adeegsadeen gaadhi ay ka buuxiyeen walxaha qarxa la beegsadeen afaafka hore ee laga galo xaruntan, waxaanay qaraxa ka dib dagaal kala hor tageen ilaaladda xarunta UNDP.
Muqdisho - Rag hubaysan ayaa goor dhaweyd waxa ay weerar balaadhan ku soo qaadeen xarunta UNDP ee Qaramadoobay ay ku leedahay Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Dalka Somalia.
Kooxdan dablayda ah ayaa ka hor intii aanay weerarka ku soo qaadin xarunta waxa ay qarax laxaad leh oo ay u adeegsadeen gaadhi ay ka buuxiyeen walxaha qarxa la beegsadeen afaafka hore ee laga galo xaruntan, waxaanay qaraxa ka dib dagaal kala hor tageen ilaaladda xarunta UNDP.
Ciidam adda Dawladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa goobta soo gaadhay, waxaanay gaadh ka qabteen islaxarunta uu dagaalku ka dhex qarxay ee UNDP, kuwaas oo hubka noocyadiisa kala duwan ridaya.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga Khasaaraha Dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse waxa ay ilo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen in uu jiro khasaare labadda dhinacba soo kala gaadhay.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment