Wednesday, June 19, 2013

MAGACAABISTA WARBAAHINTU HADAL HAYSO EE XILKA XEER ILAALIYAHA GUUD CID UGU HABOON AADAN AXMED MUSE MA JIRTO



Maalmihii u dambeeyay warbaahinta Somaliland ayaa baahinaysay in Madaxwayne Siilaanyo damacsan yahay in uu buuxiyo Xilka Xeer Ilaaliyaha Guud, kadib markii muwaadinkii uu u magacaabay mudo dheer ku maqnaa dalka Ingiriiska oo uu dano shaqsi ah u tagay. Xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa Halbowle u ah hawsha dhinaca Ilaalinta Xeerarka iyo Garsoorka Dalka, waana xil aanu Qaranku ka maarmi karin dayacnaanta intaasi le’eg waxanu u baahan yahay xilkan oo kale in uu helo masuul aqoon ahaan, hawlkarnimo, wadaninimo isku darsday.

Baaxda Xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Baahida Somaliland u qabto in xilkani helo masuul hanan awgeed, waxan Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ aan u soo jeedin lahaa in uu Xilkaasi u magacaabo Shaqsi maanta la oran karo waa kan aqoon ahaan, waayo aragnimo ahaan iyo hawlkarnimo intaba leh ee dalka ku sugan kaasi oo waliba ah masuulka udub dhexaadka u ahaa hawl socodsiinta xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud 20 sanadood ee ugu dambeeyay Masuulkan oo ah Aden Axmed Muse, haddii xilkan loo magacaabona la hubo in Qaranku kaga nasan doono.
Aadan Axmed Muse, 40kii sanadood ee u dambeeyay waxa uu noloshiisa ku dhamaystay hawlfulinta Xafiiska Guud Xeer Ilaalinta laga soo bilaabo bilowgii todobaataneeyadii ayuu shaqadan bilaabay ilaa maantana uu gacanta ku hayaa, dhaqan uma aha in uu shaqada kaga maqnaado dano shaqsi ah waligiina fasax shaqadiisa kama uu qaadan.

Sidaasi awgeed, Mudane Madaxwayne inkastoo aanaan isku beel ahayn Aaden Axmed Muse, haddii aad isaga u magacwdo xilka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, waxad taasi markhaati u noqon doontaa sida aad dalkaaga iyo dadkii ku doortayba lexejeclada ugu leedahay.
Aqoonyahan Hassan H. Daud
 
London UK

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment