Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in Saraakiil Ajnabi ah lagu dilay weerarkii UNDP.
Muqdisho - Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada Somaliya C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa wuxuu soo goor dhow uu soo gaaray Xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho.
Kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay laayeen raggii hubeysnaa ee maanta weeraray Dhismaha Xaruntaan, ayaa waxaa soo gaaray C/Kariin Xuseen Guuleed.Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu shir jaraa’id ku qabtay Xarunta la weeraray, isagoo sheegay in weerarkaan lagu dilay Saraakiil Ajnabi iyo Soomaali ah, oo ka wada tirsan Hay’adda UNDP.
Wasiirka ayaa wuxuu kala cadeeyay sida ay isugu jiraan Saraakiisha weerarkaan lagu laayay, isagoo sheegay in afar kamid ah ay Cadaan ahaayeen, halka afar kalana uu sheegay inay Soomaali ahaayeen.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wuxuu kaloo sheegay in la laayay 7 kamid ah raggii weerarkaan fuliyay, iyadoo qaarkood uu sheegay inay isku qarxiyeen goobtaasi, markii ay rasaasta ka go’day.
Wasiirka ayaa wuxuu ammaan iyo bogaadinba uu u jeediyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, oo ku guuleystay inay weerarkaan soo gaba gabeeyaan, sidoo kalana ay wada dileen dhamaanba raggii weerarka soo qaaday.
No comments:
Post a Comment