Thursday, June 6, 2013

Wafti Culus oo uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo u Kicitimay Ethiopia iyo Khuburo ka tirsan Gaashaandhiga Masar oo Muqdisho ka Degay

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeyo Gaas Ismail Mohamed Shaqale

Hargeysa – Taliyaha guud ee Ciidamadda Qaranka Somaliland Sareeyo Gaas, Ismaaciil Maxamed Shaqale iyo wafti saraakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa shalay safar ugu kicitimay Magaaladda Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kuwaas oo iyagu shalay ka duulay Madaarka Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan hogaanada ciidanka oo uu ka  mid yahay hogaanka tababarka Ciidamada Korneyl Axmed Tansaani in socdaalkoodu ka dhashay marti qaad rasmi ah oo qaada doona mudo 4 maalmood ah ay ka heleen Wasaarada Gaashaandhiga dalka Ethiopia.

Warku waxa uu intaasi raaciyay in waftiga uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland mudada uu joogo Magaaladda Adis-ababa kula yeelan doono kulamo xasaasi ah Madaxda sarsare ee Ciidamadda Ethiopia isla markaana ay ka wada hadli doonaan xidhiidhada iyo cilaaqaadka dhinacyada iskaashiga amaanka, difaaca iyo guud ahaan sugida amniga mandaqada ee u dhexeeya labadda dal. Sidoo kale waxa ay xogahaasi intaasi ku darayaan in Socdaalka Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale uu ku tagay dalkaasi inay la xidhiidho sidii ay labada wadan sii kobciyaan xidhiidhkoodii dhinaca amniga maadaama oo mandaqadu gashay wakhti aad u xasaasi ah xaga amniga. Dhinaca kale kulankan xasaasiga ah ee Madaxda Ciidamada Somaliland iyo Ethiopia ee wakhtigan ayaa ku soo beegmay xili Xiisad cakirani oo ka dhalatey biyaha Webiga Niilka ay ka dhextaagan tahay dalka Masar iyo Ethiopia.

Dhinaca kale wararka aanu ka helayno dalka Somalia ayaa daboolka ka qaadaya in  Magaaladda Muqdisho ay maalintii shalayto 5/6/2013 ay soo gaareen Saraakiil Miratani oo ka socda wasaarada Gaashaandhiga Dalka Masar, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Faarax Sheekh Cabdilqaadir, oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada xukuumada Federaalka Somalia iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigu Somalia oo loo xil saaray soo dhawaynta khuburada Miratani ee ka socda dalka Masar.

Sarkaal u hadley Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Jeneraalada dalka Masar ay gacan ka geysan doonaan dib u dhiska ciidanka Qaranka Somalia, hase yeeshee Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa xili ay sii adkaaneyso xiisadda u dhexaysa dalalka Itoobiya iyo Masar kadib markii Itoobiya bilowday in ay biyaha Webiga Niilka uga faa'iidaysto dhinaca tamarta iyadoo ka dhisaysa  Biyo-xidheenkii ugu weyn Qaarada Afrika. Madaxwaynaha Dalka Masar ayaa labo maalmood ka hor ugu hanjabey in ay dagaal la geli doonaan Itoobiya haddii ay xidho ama leexiso biyaha Niilka oo inta badan nolosha dadka Masaarida ah ay ku tiirsan tahay, waxaana ay hoosta ka xariiqdey in heshiisyada caalamiga ah ay u oggolaanayaan in ay dagaal la geli karto dalka biyaha ka xidha. Heshiis la gaadhay sanadkii 1929 muddadii Gudmeystaha ayaa xaq u siinaya Masar iyo Suudaan xuquuqda Biyaha Webiga Niilka Sadex meeloodow laba.

Dalka Masar ayaa hore loogu eedeyn jirey in Soomaaliya ay u haystaan qafaal ay ku cabsi geliyaan dalka Itoobiya, isla markaana u isticmaalaan siyaasadda Biyaha Niilka.

Maalintii shalay ayaa Younis Makhyoun, ee hoggamiya mid ka mid ah ururada Islaamiga ah ee dalka Masar, sheegay haddii Biyaha Wabiga Niilka ay Itoobiya ku yarayso Masar, in markaasi ay waajib ku noqonayso dalka Masar in uu taageero buuxda siiyo Jabhadaha ka soo horjeeda xukuumada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha dalka Masar ayaa u saarey guddi gaar ah oo baadha saameynta ay ku yeelan karto Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ay dooneyso in ay ku leexiso biyaha Niilka ee dalkeeda ka soo bilowda.

Itoobiya ayaa dhankeeda xasaasiyad weyn ka qabta galaangalka cusub ee Masar ay ku bilowdey Dowladda Soomaaliya, waxaana dadka qaarkiis isweydiinayaa in ay dib u bilaaban karto Proxy War, kaas oo ah Dagaal Soomaaliya aan dan ugu jirin oo loo isticmaalo dano kale.

No comments: