Search This Blog

Wednesday, June 26, 2013

Somaliland oo soo jiidatay Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano heer Caalami ah: (Daawo Warbixinta Prof. Samantar)

Dhawaaqa Prof. Samatar uu Shaaca kaga qaaday in Qaranimada Somaliland uu aaminsan yahay iyo Magacaabista Wasiirka Cusub ee Arimaha Dibada Somaliland Dr. Mohamed Bihi Sheil ayaa daaha ka rogaysa in Dalka Somaliland soo jiidanayo Haldoorkii Umadda ee dhinaca aqoonta iyo siyaasiyiin heer caalami ah oo dad dunida kalsooni badan ka haysta Hargeysa.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday mawqifka uu ka aamminsan yahay qaddiyadda Iyo Gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo waxa uu ku dhaqaaqi doono.

Prof. Samatar ayaa shaaca ka qaaday hadal in badan dadweynaha reer Somaliland ka sugayeen afkiisa in uu mar uun ka soo baxo, ka dib markii uu soo dhammeeyey badi gobollada dalka Somaliland. Waxaanu Prof. Axmed Samatar sidaa ku sheegay Waraysi Gaar ah oo uu siiyey Telefishanka qaranka somaliland “Dalka Soomaaliya 53 sannadood oo uu xor ahaa Madaxweyne Somaliland ahi ma qaban jagada Madaxweynennimada Soomaaliya, taasina waxay caddaynaysaa in aanay halkaa hambo siyaasadeed mooyee wax kale u oollin.

Aniguna waxaan caddaynayaa inaan Somaliland Qarannimadeeda meel walba gaadhsiiyo.” Waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “Somaliland Geeska Afrika Dal ka jira in ay noqoto ayaan rabaa, aniguna aan wixii aan la qaban karo la qabto.”ayuu yidhi Pro.Axmed Ismaaciil Samatar.

Hadalkan ka soo yeedhay Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee soo afjara warar ay Warbaahinta Somaliland si weyn u qaadaa-dhigaysay maalmihii ugu dambeeyey, isla markaana Siyaasiyiinta dalka qaarkood ku dhalliileen inaanu caddaynin mawqifka uu ka aamminsan yahay gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay shacabkuna dhegta u taagayeen.


No comments: