Search This Blog

Wednesday, June 26, 2013

JAWAABTA MASUULIYIINTII XAQSOOR EE XILALKA LOO MAGACAABAY WAXAY WAJIGABAX KU TAHAY XASAN CIISE

Wasiirka Cusub Oo XAQSOOR Ka Tirsanaan Jiray Oo Ka jawaabay Hadal Ka Soo Yeedha Gudomiyihii Xaqsoor Xasan Ciise

Hargeysa - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dibu-dejinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee Ururkii XAQSOOR ayaa ka hadlay sida uu u arka masuuliyada cusub ee loo igmaday.

Md. Axmed Cabdi Kaahin oo xalay u waramay warbaahinta qaar ka mid ah, waxa uu sheegay in xilka loo magacaabay uu yahay masuuliyad culus, isla markaana uu u gudan doono si daacadnimo Ah,waxaanu u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland.

"Waxaa la isaaray xil culus naxdintiisuna way igu badan tahay, runtiina waan ka warwarsanahay xilkaas, balse xilkaa la ii igmaday inaan sida ugu haboon u guto ayaan rajaynayaa." ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka cusub ee Dibu-dejinta ayaa hadalka Xasan Ciise Jaamac ku tilmaamay mid uu ku degdegay, isla markaana waxa uu inay filayaan in natiijada wada-hadalka ay wax ay ku qancaan ka soo baxdo, waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas ka hadlaya. "Waxaan u arkaa hadalka Guddoomiyaha Xaqsoor arrin lagu degdegay, wada-hadalkana waa la sugayaa in qodobo ka soo baxaan."

Hadalkan uu Wasiirka cusub ee Dibu-dejintu ku daadifeeyay hadalka quusta u muuqda ee ka soo yeedhay Xasan Ciise ayaa loo macnaysan karaamid ay kula mawqif duwanaan doonaan masuuliyiintii ugu sareysay Ururka Xaqsoor ee doorashooyinka dawladaha hoose ku hadhay kaasi oo dhawaana wada-hadal kula jiray Xukuumadda talada haysa.

No comments: