Thursday, June 6, 2013

Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa U soo Daawasho Tagay Tartanka Goboladda Ee Kubbadda Kollayga

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kubadii lagu ciyaaraya kor u haya Garoonka Timacade oo uu caawa u daawasho tagay


Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa booqday oo kormeer ku tagay garoonka kubadda Kollayga ee Timacade ee Magaaladda Hargeysa, halkaasi oo ay ka socdaan Tartanka ciyaaraha kubadda kollayga ee goboladda dalka. Waxa caawa tartanka kubadda Kollayga Isku haleelay xulalka goboladda Maroodi-jeex iyo Sanaag.


Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii uu garoonka soo galay 8:30 cawaysnimo ee caawa waxa mar qudha is qabsaday sacab aan kala go’ lahayn oo ay muddo daqiiqado ah u tumayeen Boqolaalkii qof ee u soo daawasho tagay garoonka kubadda Kollayga Timacadde ee Caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ku weheliyay booqashadiisa garoonka Timacade Wasiirrada Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal, Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Kalluumaysiga Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Marwadda Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.

No comments: