Sunday, June 16, 2013

Aragtida Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad Doonka Somaliland ee Hawlgalada Ciidamada RRU


Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyagoo ku baraarugsan wakhtiga xaasaasiga ah ee ka aloosan mandaqada uu eebe ku abuuray umadda Somaliland isla markaasina xogogaal u ah duruufaha dhinaca amniga ah ee jira iyo tabaha cadowga gudaha iyo kan dibada, waxay shacbiga Somaliland uga digaynaa in aan loo bahalo galin lana nacsiinin wixii ay naf iyo maalba u soo hurteen.

Sida aynu la wada socono beryahan dambe waxa warbaahinta ku soo noqnoqonayay eedo iyo dacaayado lid ku ah ciidamada Somaliland ee loo yaqaano Ciidanka sida Degdega ah ee Adag u Jawaaba (Rabid Re-action Unit) loona soo gaabiyo RRU.

Anagoo ah ururada bulshada rayidka ah ee ka madaxabanaan Xukuumada waxanu umadda Somaliland waxanu xogogaal u ahayn fashilaado badan oo ciidamada amaanka ku yimi marar kala duwan oo ay fulinayeen hawlgalo la xidhiidha dhinaca sugida amaanka, waxa ka mid ah hawlgalkii guri ku yaalay bariga Hargeysa maalmo yar doorashadii baarlamaanka 2008, Gaadhi kireeye reer Burco ah oo bixiyay xog ciidamada amaanku ku qabteen nin sita Shandad ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, iyadoo ninkii Aaladaha Qarxa sitay si fudud uga fakaday ciidankeena mudo yar kadibna uu badhtamaha magaalada Burao ku dilay Gaadhi kireeyihii xogtiisa bixiyay isla markaasina uu fakaday ilaa hadana aan la qaban. Fashiladaasi iyo weeraradii is miidaaminta ahaa ee lala eegtay Madaxtooyada Somaliland, Safaarada Itoobiya ee Hargeysa iyo Xafiiska UNDP Hargeysa ayaa sababay in la dhiso ciidanka loo yaqaano RRU.

Sidaasi darteed, Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay aaminsan yihiin ciidamada RRU-du ay ka samaysmeen dhiigii iyo dheecaankii ka dhacay shacbigii lagu xasuuqay qaraxyadii dabayaaqadii October 2009 Hargeysa. Sidoo kale waxanu si xoog leh u rumaysanahay in maanta nina aanu ku dhaaran karin kuwa ay yihiin mabaadii’da ay caruurtiisu rumaysan yihiin.

Way dhacday waanay oo dhici kartaa in dad aan waxba gaysan kuna jirin in waxyeelo ka soo gaadho hawlgalada ciidanka RRU-da, laakiin shacabku ha ogaado in Dab munaafiq shiday Muumin ku gubto, maanta dambiyada dal kasta oo dunida ka mid ah ciidamadiisa amnigu la tacaalayaan ee baadhayaan maaha dambiyo muuqan kara ama la taaban karo waa dambiyo quluubta dadka ku jira sida lagu ogaadaana kaliya tahay hadba sida ay iskugu xidhan yihiin shacbiga dalkaasi iyo ciidamadiisa amaanku.

Gabogabadii waxanu aaminsanahay in maanta ay Somaliland ka amaan badan tahay ka hor markii aanay jirin Ciidamada RRU. Waxana aanu uga mahadcelinaynaa cid kasta oo taageero ka gaystay abuuridii ciidankan oo ay ugu horayso Xukuumada Somaliland, iyo Dalalka UK, US iyo Itoobiya.

No comments: