Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji
Xasan ayaa sheegay in xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya uu
yahay mid soo jireen ah isla markaana dadka Somaliland ay xusuusan
yihiin in dalka Itoobiya tahay meeshii ay ku qaxeen markii ay dhibaatadu
haysatay.
Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad lagu
xusayay sanad guuradii 22 ee ka soo wareegtay markii talada dalka
Itoobiya laga tuuray xukunkii Mingiste Xayle Maryam 1991-kii oo xalay
lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa waxana uu wasiirku
hambalyo u diray ummada dalka Itoobiya.
isaga oo Wasiirku arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Aniga oo
ku hadlaya magacayga, afka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo afka
bulshada Somaliland waxaan hambalyo halkan uga dirayaa shacbi weynaha
Itoobiya iyo maamulka dawlada Itoobiya guud ahaan, inta halkan
joogta iyo inta Itoobiya joogtaba”.
Waxaanu intaasi raaciyay wasiir Xirsi “xidhiidhka Itoobiya iyo
Somaliland waa mid soo jireen ah, waana mid dadka Somaliland xusuusan
yihiin dhibaatadu markii ay haysay inay ahayd meeshii ay ku baxsadeen,
halgankuna ka soo bilaabmay” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment