Kulan xasaasi ah oo maanta ay ku yeesheen magaalada
Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, siyaasiyiinta, aqoonyahannada,
saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda beesha
Xawaadle ee Hawiye ayaa laga sheegay in beesha kalsoonidii kala noqtay dowladda
federaalka Soomaaliya, iyaga oo eedeyn balaadhan u jeediyay Wasiirrka
wasaarrada Arrimaha gudaha ee dawladda Muqdisho C/kariiin Xusseen Guuleed.
Kulanka oo gabagabadiisii laga soo saaray bayaan loo
qebiyay warbaahinta ayaa u dhignaa sidan:
1. In habka iyo qaab dhismeedka loo soo magacaabay
maamulka gobollka Hiiraan uu yahay mid ku dhisan cadaalad darro, colaad abuur
iyo kala fogaasho ku yimid dowladda federaalka iyo beesha Xawaadle, tusaalle
ahaan in beesha laga siiyay 2 xubnood 18 xubnood oo loo soo magacaabay maamulka
gobollka Hiiraan.
2. In ciidamada beesha oo u soo taaagnaa muddo dheer
difaaca gobollka Hiiraan iyo ka xoreynta kooxaha nabad-diidka ah oo in badan oo
ka mid ah naftooda ku waayeen, halka tiro kalana ay ku cuuryaameen, ilaa
waqtiganna u taagan in ay ka shaqeeyaan amniga iyo nabad-galyada gobollka,
iyaga oo gacan siinaya ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM,
aysan ka hellin dowladda xuquuqdii ay ku laheyd, iyadoo ciidamada gobollada
kale ee dalka dhowr jeer loo qeybiyay mishaar.
3. In mas’uuliyiinta ka socday dowladda federaalka
Soomaaliya ee dhowr jeer oo hore soo booqatay magaalada Baladweyne odayaasha
iyo aqoonyahannada beesha siiyeen talooyin ku aadan qaab dhismeedka maamulka
gobolka, laakiin mas’uuliyiinta sare ee dowladda ku gacan seyreen arintaa iyada
ah, taasoo muujineysa in aysan wax dan ah ka laheyn gobollka Hiiraan.
Sidaa daraadeed markii aan aragnay tacadiyada dowladda
federaalka gaar ahaan wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka
uu ka wado gobollka Hiiraan, waxaan go’aansanay qodobada soo socda :
1. In Beesha Xawaadlle laga bilaabo maanta oo ay
taariikhdu ku beegan tahay 29/5/2013 kalsoonidii kala noqtay dowladda
federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Max’uud.
2. beesha Xawaalle fidisay gogol lagu dhisayo maamul
gobol oo cadaalad ku dhisan, ayna ka soo qeyb-gallayaan dhamaan beellaha ku
dhaqan gobolka.
3. In mudanayaasha ama xildhibaannada baarlamaanka ee ka
soo jeeda beesha mucdo 7-10 cisho ah ku soo gallaan magaalada Baladweyne, si
looga arinsado maamul cusub loo dhisayo gobollka Hiiraan.
4. . In laga bilaabo maanta ciidamada la dayacay ee ka
tirsanaa dowladda iyo hubkoodaba shaqo ku laheyn dowladda, wixii xiligan ka
danbeeyana yihiin ciidamo beelleed si toos ah u hoos imanaya beesha oo
daryeelkooda iyo mishaar siintoodaba ku fillan.
5. Iyo ugu danbeytii in dhaqaallaha laga qaado dhamaan
deegaannada ay degan tahay beesha lagu soo wareejin doono guddi dhaqaalle oo
arintaa loo saaray, halkii markii hore ay ku xaroon jirtay Qasnada maamulka
dowladda ee gobolka Hiiraan, si loogu daryeello ciidamada.
Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka,
aqooyahannada iyo saraakiisha ciidamada kulanka ka qeyb-gallay, ayaa sheegay in
arintan ay la socod siinayaan ogeysiisna ka siin doonaan isla maanta
saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya, iyaga oo ku
war-gallinaya in laga bilaabo maanta ciidamada beesha aysan dowladda federaalka
ka mid aheyn.
Nabadoon Max’ed Cabdi Raaxooy oo ka hadllay kulanka ayaa
arin nasiib darro ah ku tilmaamay in wasiirrka arrimaha gudaha uu dhagaha ka
fureystay tallooyin faro badan oo sida uu hadalka u dhigay u jeediyeen
waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha, isaga oo taan ka doorbiday ayuu
sheegay in uu dhibaato ka dhax abuuro beellaha wada dega gobolka Hiiraan.
Nabaddoon Faarax Cabdi Waare oo isagana sheegay in
dowladda federaalka Soomaaliya ku dhisan tahay dastuur, sidaa daraadeed iyaga
oo taa taxi-raacaya dhawaan fidin doonaan gogol lagu dhisayo maamul gobolleed
cadaalad ku dhisan.
”Dowladda iyada ayaa ku tumatay sharciga, dastuurka,mana
aqbaleyno in dhibaato iyo colaad gobolka laga abuuro, annaga oo odayaashii
dhaqanka gobollka ah ayaa arintaa u taagan in aan ka hor tagno, fariintan waxaa
toos ugu dubineynaa madaxda sare ee dowladda, waxaan leenahay beeshu waa ay
tashatay, sidaa daraadeed dowlad aan aqoonsannahay ma jirto,” ayuu yidhi Faarax
Cabdi Waare.
siday faafisay shabakadda Hiiraan Online Dhinacyadii ka
qeyb-gallay kulanka dhamaantood sheeegay in arrintan ay muddo dheer ka
fikirayeen, laakiin ugu danbeytii qaateen go’aankan kadib markii ogaadeen waxa
ka dhalan kara sida wasaarrada arrimaha gudaha u maareysay dhismaha maamulka
gobolka.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment