Warar dheeraaad ah ayaa waxay ka soo baxayaan qaraxii
miino ee maanta ka dhacay Isgoyska KM4 ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Telefishinka Al Jazeera ayaa wuxuu tabiyay in gaari laga
soo buuxiyay walxaha qarxa la soo dhigay Shaneemo ku taala Isgoyska KM4,
waxaana lagu doonaayay in lagu qaarajiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga
Qaranka C/Kariin Xuseen Guuleed iyo wefdi Ajnabi ah oo la socday.
Iyadoo Wasiirka iyo wefdigiisa ay marayaan Isgoyska KM4
ayaa waxaa lagula eegtay qaraxaan, oo si weyn u gil gilay Isgoyska KM4 iyo inta
badan Magaalada Muqdisho.
Balse qaraxaan ayaan wax yeelo ka soo gaarin Wasiirka iyo
xubnihii kale ee ku wehlinaayay socodkaan, hase ahaatee taasi bedelkeeda ayaa
waxay wax yeelo ka soo gaartay dad masaakiin ah.
Ciidamada Dowladda oo soo gaaray goobta uu qaraxu ka
dhacay ayaa waxay ku guuleysteen inay xiraan, sidoo kalana ay goobtaasi soo
gaaraan gawaarida dab damiska loo yaqaano, kuwaa oo ku guuleystay inay
dambiyaan dab ka kacaayay gaarigii qaraxa laga soo buuxiyay.
Majirto wax war ah oo ilaa iyo iminka ka soo baxay
dhinaca Dowladda Soomaaliya, oo ku aadan qaraxa culus ee maanta ka dhacay
Magaalada Muqdisho.
No comments:
Post a Comment