Friday, May 10, 2013

Qaramadda Midoobay Oo Shaacisay Tiradda Askarta AMISOM Ee Ka Dhintay Ilaa Bilawgii Hawlgalka Somalia


3000 oo askari ayaa lagu dilay Somalia afartii sanadood ee la soo dhaafay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya halka Ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ee lagaga dilay hawlgalada nabad ilaalinta dunida 65-kii sandood (1948 ilaa 2013) askar tiradoodu dhan tahay3,096
Muuqaal ka mid ah Askarta lagaga dilay AMISOM gudaha Somalia oo ay Al Shabaab soo bandhigtay
New York - May 10, 2013. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 3,000 oo askari oo ka tirasn ciidamada AMISOM lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007 oo uu howlgalkan billowday, iyadoo sheegtay in askarta ugu badan ee la dilay ay ka socdeen dalalka Uganda iyo Burundi.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa u sheegay Reuters in dalalka ka tirsan AMISOM ay naftooda qaaliga u hureen sidii ay Soomaaliya nabad uga dhalin lahaayeen, isagoo sheegay in tirada ay tahay mid aad u badan.

“Waad ka argagaxaysaa markii aad ogaato in 3,000 oo askari oo nabad ilaaliyayaal Afrikaan ah oo ka tirsan AMISOM  lagu dilay howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, askartan oo dhan waxaa la dilay intii uu howlgalku socday,” ayuu Eliasson yidhi.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu dhamayd 17,700 oo askari, kuwaaso ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Sierra Leone.
Deputy Secretary-General Jan Eliasson. UN Photo/Rick Bajornas
“Dalalka Uganda iyo Burundi ayay askarta badankood ka dhinteen,” ayuu ku daray hadalkiisa. “Ciidamada Kenya ayaa iyaguna qayb ballaaran ka ah AMISOM kuwaasi oo ay soo gaartay soo dhimashodu.”

Afartii sanadood ee la soo dhaafay tirada ciidamada AMISOM ee lagu dilay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa waxay la mid tahay tirada ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ee lagu dilay hawlgalada nabad ilaalinta ee ka socday daafaha dunida 65-kii sandood (1948 ilaa 2013) oo lagaga dilay askar tiradoodu dhan tahay3,096 askari.

Howlgalka AMISOM ayaa wuxuu ka caawiyaa dowaldda Soomaaliy a sidii ay isaga difaaci lahayd Al-shabaab, iyadoo labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka qabsadeen ciidamadan isbahaysanaya Al-shabaab dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Cadadka ciidamada AMISOM ee ku dhintay dagaallada lagula jiro Al-shabaab ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee la shaaciyo, iyadoo dalalka ay AMISOM ka socdaan sida Uganda iyo Burundi ay dhowr jeer beeniyeen tiro la sheegay in looga dilay dagaallada Soomaaliya ka socda.

Hadalkan ayuu Eliasson ka sheegay shirkii London lagu qabtay ee yabooha loogu raadinayya Soomaaliya, iyadoo kooxda ay AMISOM dagaalka kula jirto ee Al-shabaab ay weli awood u leeyihiin inay fuliyaan qaraxyo iyo weerarrro toos ah.









No comments: