Sunday, May 19, 2013

HOGAAMIYAYAASHA DUNIDU WAA IN AY MAQLAAN CODADKA U AADAMIGA U HALGAMAYA XAQA AAYO KA TASHIGOODA OO CAALAMKUNA KU CIQAABAYO KU DHAQANKA NIDAAMKOODA DIMUQURAADIGA AH



BAAQ
                        HOGAAMIYAYAASHA DUNIDU WAA IN AY MAQLAAN CODADKA U AADAMIGA U HALGAMAYA XAQA AAYO KA TASHIGOODA OO CAALAMKUNA KU CIQAABAYO KU DHAQANKA NIDAAMKOODA DIMUQURAADIGA AH
Ka:     Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad Doonka Ah Ee Somaliland

Ku:                
­   H. E. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Dalalka Xubnaha ka ah
­   H. E. Mr. Hailemariam Desalegn, Gudoomiyaha Midowga Africa ahna Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Ethiopia
­   Xogahaya Guud Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah
­   H. E. Martin Schulz, Madaxwaynaha Baarlamaanka Yurub
­   Gudi Hoosaadka Xiriirka Arimaha Dibada Midowga Yurub
­   H. E. Pope Francis PP, Apostolic Palace, Vatican City
­   H. E. Barack Obama, Madaxwaynaha Dalka Maraykanka
­   Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka Maraykanka
­   Xoghayaha Difaaca Dalka Maraykanka
­   Gudida Amaanka Qaranka Dalka Maraykanka
­   Gudida Xiriirka Dibada Senate Dalka Maraykanka
­   H. E. David Cameroon, Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska
­   H. E. Recep Tayyip Erdoğan Ra’iisal Wasaaraha Turkiga
­   H. E. Ergagaga Qaramada Midoobay ee Somalia / Somaliland
­   Xukuumada Dalka Iimaaraadka Carabata UAE

­   Xukuumada Dalka Australian
­   Xukuumada Dalka Kanada
­   Xukuumada Dalka Shiinaha
­   Xukuumada Dalka Faransiiska
­   Xukuumada Dalka Ruushka

Attn:   H. E. Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland

Date:   18 May 2013

Inkastoo Nuqulka Rasmiga ah ee Baaqani ku qoran yahay Luuqada Ingiriisiga, hadana waxa lagu turjumay dhamaan Luuqadaha lagaga hadlo Qarmada Midoobay iyo Afka Soomaaliga ah


Mudanayaal/Marmooyin,

Anagoo idiin hayna ixtiraam farobadan, munaasibada sanadguurada 22aad ee la soo noqoshada Madaxbanaanida Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland awgeed. Anagoo ah Saxeexayaasha hoos ku qoran kana kooban, dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyad doonka, jilayaasha aan dawliga ahayn, ururada madaxabanaan ee xuquuqda aadamiga, ururada bulashada rayidka ah, kooxaha xirfadlayaasha, ardayda jaamacadaha dalka, Komishanka Qaran ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo dhibanayaashii iyo dadkii ka soo doogay tacadiyadii iyo xadgudubyadii xuquuqda aadamiga ee ay u gaysatay xukuumadii kali taliyihii Maxamed Siyaad Barre, kuwaasi oo ka kala tirsan dhawr daladood oo heer qaran ah, anagoo midaynayna codkayaga waxanu si wadajir ah bulshada caalamka iyo hogaamiyayaasha dunida, golayaasha lagu sargooyo siyaasada dunida ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo urur goboleedada IGAD u aqoonsan la’ yihiin Jamhuuriyada Somaliland oo ah dalkaga hooyo iyo saamaynta taban ee ay taasi ku yeelatay nolosha seddexda Milyan iyo badhka rayidka ah ee reer Somaliland, anagoo danaynayna in markale aanu hoosta ka xariiqno muhimada balaadhan ee aqoonsiga qaranimada Jamhuuriyada Somaliland u leedahay guud ahaan beesha caalamka, Qaarada Afrika iyo mandaqada colaaduhu ragaadiyeen ee Geeska Afrika gaar ahaan dhinacyada Amaanka, horumarka dhaqaalaha iyo ganacsiga, la dagaalanka budhcad badeeda, dambiyada abaabulan ee xuduudaha isaga gudba, aragaxisada, tahriibinta aadamiga, ka ganacsiga maandooriyayaasha iyo ka hortaga qashinka kimikada ee badaha lagu qubo.

GOGOLDHIGA BAAQA:

Markii Jamhuuriyada Somaliland ka heshay madaxbanaanideeda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska 26 June, 1960. Waxa isla markiiba aqoonsaday 34 dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay, taasi oo ah maragmuujin taariikhi ah oo uu cuskanayo dalkayaga Somaliland, kadib waxa uu la midoobay dalka Soomaaliya si loo gaadho riyadii Soomaali wayn.

Midowga dhexmaray Somaliland British Protectorate iyo Italian Somalia waligeed may ansixinin labadii Baarlamaan ee labada dal, seddexdii Qarni ee midowgani jiray wax aasaas sharci oo uu ku dhisnaa ma uu jiran. Cawaaqibkii ka dhashay, midowga labadan dal ayaa keenay burbur argagax leh oo ku soo dhamaaday dagaal sokeeye oo lagu hoobtay socdayna 10 sanadood kaasi oo dhexmaray Soomaaliya and Somaliland ilaa ugu dambayntii kala go’een sanadkii 1991kii .

Dagaaladaasi sokeeye, waxa ka dhashay ficiladii ugu xumaa ee dambiyo gumaad aadami (brutal acts of genocide) iyo dambiyo dagaal (war crimes) kuwaasi oo ay u gaysteen shacabka Somaliland xukuumadii kali taliyahii Maxamed Siyaad Barre. Diyaaradihii dagaalka ee xukuumada Soomaaliya ayaa si aan kala sooc lahayn u duqaysay magaalooyinka iyo dhamaan tuulooyinka Somaliland, halka ay taangiyadii iyo hubkii iyo madaafiicdii cuslayd ee ciidamaduna bartilmaameedsanayeen goobaha rayidku dagan yihiin, sida sariibadaha, dugsiyada, cusbitaalada, masaajidada, 90% goobaha rayidku dago miyi iyo magaaloba ayaa dhulka lala simay. In ka badan boqolaal kun oo qof oo rayid ah ayaa ciidamada xooga dalka ee xukuumada Soomaaliya ay xasuuqday, in ka badan hal milyan oo ruuxna waxay u xaqeen wadamada dariska ah.

BAAQA:
Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland waxay samaysay dadaal kasta si ay u abuurto jawi guud ahaan qabaa’ilka kala duwan ee wada degen dalka Somaliland oo ay ku jiraan kuwa laga tirade badan yahay ay ku wada noolaadaan nabad iyo barwaaqo. Somaliland waxay tusaale laga daydo hurumar bulsho oo la taaban karo iyo ku dhaqanka nidaam dimuquraadi ah oo run ah guud ahaan qaarada Afrika iyo caalamka Islaamka. Dalka Somaliland waxa uu muujiyay hal abuur maamulka duwaliga ah iyadoo uu xaliyay caqabado badan si uu u suurto galiyo abuurida hay’ado dimuquraadi oo shaqaynaya inkastoo ay jireen walina jiraan dhibaatooyin dhaqan-dhaqaale oo soo food saarayay tan iyo la soo noqoshadii xoriyada Somaliland sanadkii 1991.

Waxanu ku hanwaynahay in dalkayaga tirada ardayda dhigata dugsiyada hoose ay ka badan tahay 90%, sidoo kalana in dalkayaga ay ku yaalaan qaar ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu wanaagsan guud ahaan bariga Afrika. In ka badan 60% dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalkayaga Somaliland waxay helaan biyo nadiif ah oo joogto ah. Waxa kale oo dalkayagu xaqiijiyay hay’adaha laf dhagarta u ah nidaamka duwaliga ah oo shaqaynaya sida hay’adaha sharci fulinta, ciidamada difaaca qaranka, shaqaalaha dawlada oo khibrad leh, Kastamada, Isgaadhsiinta, iyo Baanka dhexe oo guud ahaan dalka ku leh laamo. Waxa intaasi dheer nidaam dhinaca amaanka ah oo la isku halayn karo kaasi oo sugida amaanka dalka gudihiisa ka sakow, taageero wax ku ool ah ka gaysta sugida amaanka gobolka geeska Afrika wada shaqayn dhawna la leh hay’adaha Amaanka ee dalalka jaarka sida Itoobiya, Djibouti, Ingiriiska iyo Taliska Ciidamada Maraykanak ee Afrika  oo loo yaqaano AFRICOM. Somaliland waxay leedahay Baasaaboor iyo Lacag u gaar ah. Inkastoo dhinaca kale aanu xog ogaal u nahay caqabado badan oo horyaal dalkayaga Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Aqoonsi la’aanta dhinaca dublamaasiyada, taasi oo ka maanacday dalku in uu xiriir la yeesho Hay’adaha Dhaqaalaha Dunida oo ay ka mid yihiin Baanka Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF. Dhibaatooyinka kale waxa ka mid ah qaababka khatarta ah ee kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa ku haysa olole qarsoodi ah oo ay ku soo jiidanayso qaar badan oo ka mid ah da’yarta Somaliland iyagoo ka faa’iidaysanaya shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhalinyarada Somaliland.

Waxanu Xogogaal u nahay dadaalo badan oo Xukuumada Somalialnd ku bixisay xal u helida dhibaatooyinka kor ku xusan oo ay ka mid yihiin qorshayaal ay kaga  hortagayso ololaha dhinaca maskaxda ah ee kooxaha diimeed ee xagjirka ahi la beegsanayaan da’yarta iyo haween dalka iyagoo ku fidinaya afkaar lid ku ah diinta Islaamka iyo nidaamka dimuqruaadiga ah ayaa xukuumada Somaliland waxay hirgalisay qorshe ay ku baxday miisaaniyad aad u farobadan kaasi oo dhamaan gobolada dalka ay kaga hirgalisay Waxabarashada Aasaasiga ah oo lacag la’aan ah.

Xukuumada Somalialnd waxay xiriiro dhinaca amaanka ah iyo mid ganacsiba la leedahay dalalka kale ee gobolka oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Djibouti, Yemen iyo Dalka Somalia. Sidoo kale waxa ay heshiisyo caalami ah la gashay qaar ka mid ah wadamada Midowga Yurub (EU) iyo Midowga Afrika (AU), iyadoo caasimada Somaliland ay soo jiidatay oo ay hoy u noqotay qaar badan oo ka mid ah Ha’adaha Samafalka Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah ee loo yaqaano INGOs. Waxa kale oo ay heshiisyo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah la gashay xukuumada Somaliland d Shirkado shisheeye oo tiro badan, kana mid ayihiin Shirkada Caalamiga ah ee Coca Cola oo Somaliland ka dhisatay warshad ku kacday in ka badan sagaashan Malyuun oo dollarka Maraykanka ah ah (US$9000,000), iyo shirakado dhinaca baadhista iyo soo saarida shidaalka, gaaska iyo macdanaha ah. Xukuumada Somaliland waxa ay wadamada dunida ku leehahay Wakiilo buuxa kuwaasi oo isku xidha danaha ka dhaxeeya Somaliland iyo wadamada caalamka iyo maalgashadayaasha caalamiga ah labadaba.

Danta iyo Maslaxada ugu fiican ayaa ugu jirta Afrika iyo guud ahaan Dunidaba in ay qaadaan talaabo kasta oo suurtogal ah si ay u xaqiijiyaan amaanka, nabada, koboca dhaqaale iyo horumarka socoda ee dhinaca dimuquraadiyada ee ka socda Jamhuuriyada Somaliland, iyadoo muhimaduna tahay ilaalinta degenaashaha gobolka Geeska Afrika.

Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada Somaliland waxay ku boorinayaan Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD iyo Qarmada Midoobay in ay taageero buuxda ku siiyaan dadaalka xukuumada Somaliland in ay meeqaam goobjooge ah ku yeelato urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika mudada ay socdaan wadahadalada u dhexeeya Xukuumada Somaliland iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo biyo dhacoodu yahay ka wada xaajoodka xiriirkooda mustaqbalku sida uu noqon doono.

Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland waxay aaminsan yihiin in dalka Jamhuuriyada Somaliland oo la aqoonsadaa uu kaalin wax ku ool ah ka qaadanayo degenaashaha gobolka geeska Afrika iyo guud ahaan adduunka.

WAXANU UGU BAAQAYNAA:

Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland waxay guud ahaan beesha caalamka, wadamada IGAD, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, si cad ugu wargalinaynaa in shacabka Somaliland u dulqaadan doonin in ay ula macaamilaan dalkooda iyo xukuumadiisu sidii oo ay tahay qayb ka mid ah dalka dagaaladu halakeeyeen ee Somalia. Somaliland waa dal ka gaar ah Somalia oo leh tilmaamihiisa Qaranimo oo u gaar ah oo ay ka mid yihiin ka sakow, Calanka dalka, Astaanta Qaranka, waxa Jamhuuriyda Somaliland leedahay xuduudkii gumaysiga oo uu aqoonsan yahay Midowga Afrika (Somaliland has African Union recognized colonial territorial borders).

Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland waxay mar kale u iftiiminayaan Qarmada Midoobay iyo wadamada xubnaha ka ah, Midowga Afrika iyo wadamada xubnaha ka ah, IGAD, EU iyo Jaamacada Carabta in Somaliland aanay marnaba qayb ka noqonin geedi socodkii  kala guurka Somalia (Somalia’s Road Map Transition). Xuumadayada Somaliland kama mid ah saxeexayaasha Jidka Dhamaystirka Ku Meelgaadhnimadii Somalia (End of Transition Roadmap of Somalia), sidoo kale xukuumada Somaliland kama mid aha saxeexayaasha Mabaadii’da Garowe I iyo II oo lagu meel mariyay Dastuurka ku meelgaadhka ah ee Somalia laguna doortay xukuumada haatan haysa talada Somalia.

Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland waxay codkooda ku biirinayaan madaxdii ka kala socotay Afar iyo kontonka dal iyo dhinacyadii kale ee ka qayb galay Shirwaynihii Caalamiga ahaa ee  Somalia laguna qabtay Aqalka Lancaster 7 May 2013, shirkaasi oo si wadajir ah ay u wada qabteen dalka Ingiriiska iyo Somalia, ka qaybgalayaasha shirkaasi oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay bogaadiyaan soona dhaweeyaan wadahadaladii ku dhexmaray  Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumada Somaliland caasimada Turkiga ee Ankara bishii April 2013, si ay u cadeeyaan xiriirkooda mustaqbalka sida uu noqon doono, iyadoo kulankaasi dabo socday kii ka horeeyay ee ku qabsoomay  Dhismaha Chevening oo ku yaala magaalada London, bishii June 2012 , iyadoo ay soo dhaweeyeen heshiiska labada dhinaca Somalialnd iyo Somalia ee ku cad Warmurtiyeedka Ankara (Ankara Communiqué). Iyadoo shirku uga mahadceliayay Turkiga qabanqaabada iyo suurtogalinta kulankaasi.

Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland waxay ka codsanayaan beesha caalamku in ay sii wado taageerada ay u fidiso wadahadalada haatan socda ee u dhexeeya xukuumada Somaliland iyo Xukuumada Federaalka Somalia, si ay u noqdaan qaar u horseeda madaxbanaani buuxda oo ay hesho Jamhuuriyada Somaliland.

Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland waxay ugu baaqayaan Xukuumada Somaliland in ay taageero wax ku ool ah siiso suurtogalnimada maalgashiga Somaliland hesho, isla markaasina dib u habayn ku samayso si uu kor ugu kaco ganacsiga iyo maalgashiga, dhiiri galiso shirkada gaarka, abuurto xirfadyaqaano muwaadiniin ah oo ku xeel dheer ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland iyagoo ka duulaya muhimada balaadhan ee Somaliland ay u leedahay iskaashiga dhaqaale iyo dhaqan ee mandaqada geeska Afrika iyadoo lagu xisaabtamayo juquraafi ahaan goobta istiraatijiga ah ah ee ay dhacdo Somaliland waxaanu si niyad sami ah u soo dhawaynaynaa dhismaha Biyo-xidheenka Hydroelectric oo ah kan ugu wayn qaarada Afrika oo haatan ka socda dalka Ethiopia. Waxanu si xoogan u rumaysanahay in biyo xidheenka lagu magacaabo “Grand Renaissance Dam" wuu door muhiim ah ka qaadanayo dadaalka loogu jiro ka dabargoynta Fakhriga iyo Gaajada , iyadoo waxtarka Biyo-xidhkani ku ekaan doonin Ethiopia oo kali ah balse uu gaari doono guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo qaarada oo dhan. Waxa aanu soo dhawaynaynaa taageerada maaliyadeed ee shacabka Somaliland ku biiriyeen dhismaha Biyoxidhka “Grand Renaissance Dam".

Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland waxay ugu baaqayaan Xukuumada Somaliland in ay taageero dhinaca maaliyada ah iyo dhinaca cudud Mirataniba ku biiriso Ciidamda Nabad Ilaalinta Afrika ee Somalia (AMISOM), maadaama oo dhibaatada ka socota Somalia ay si toos ah iyo si dadbanba ay u saamayso dalkeena Somaliland.

Ugu dambayn Dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyada iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland, waxay cambaaraynayaan go’aanka Qaramada Midoobay ay ugu wareejisay maamulida hawada Somaliland xukuumada Muqdisho, waxanu aaminsanahay go’aankaasi in uu yahay mid dhaawacaya qaranimada dalka Somaliland, wadajirkiisa dhul ahaaneed iyo madaxbanaanidiisa, sidoo kale waxanu uga digaynaa Qaramada Midoobay iyo Ha’aadaheeda kala duwani in ay qaadaan talaabooyin kale oo la mid ah tan. Waxa kale oo aanu soo dhawaynaynaa go’aanka Xukuumada Somaliland ay ku joojisay duulimaadyada Qaramada Midoobay in ay isticmaalaan garoonada diyaaradaha dalka Somaliland. 

SIGNATORIES LIST
SOMALILAND IMPARTIAL HUMAN RIGHTS GROUPS
1.       
Horn of Africa Human Rights Watch Committee (HORNWATCH)
2.       
Activist Network for Disabled Persons (ANDP)
3.       
Ubah Social Welfare Organization (USWO)
4.       
Disable Children Association (DCA)
5.       
Somaliland Youth Voluntary Organization (SOYVO
6.       
Barako Women Organization (BARAKO)               
7.       
United Togdheer Women Umbrella  (UNITA)
8.       
Togdheer Youth Voluntary Organization (TOGOYOVO)  
9.       
Naaso-Hablood Handicap Association (NAHA)   
10.   
Daami Youth Development Organization (DAYDO)           
11.   
Welfare Tumaal Organization (WAAB)
12.   
Tumaal Development Foundation (TDF)               
13.   
Women Minority Organization (ISIR)      
14.   
Somaliland Culture and Sport Association (SOCSA)          
15.   
Somaliland Journalist Association (SOLJA)            
16.   
Community concern Somalis (CCS)          
17.   
Saaxil Handicap Organisation (SHO)        
18.   
Voluntary Youth Organization (VAYS)
SOMALILAND UNIVERSITIES
19.   
University of Hargeisa
20.   
Amoud University
21.   
Berbera Marine University
22.   
University of Burao
23.   
University of Erigavo
24.   
Golis University
25.   
Admas University
MEMBER ORGANISATIONS OF NAGAAD WOMEN UMBRELLA
26.   
Agriculture Development Organization (ADO)
27.   
Alkownin Women Voluntary Organization (ALKOWNIN)
28.   
Agriculture Rehabilitation and Women in Development (ARWO)
29.   
Association for the Somaliland Women's Advancement (ASWA)
30.   
Aw Barkhadle Women Development Organization (AWDO)
31.   
Ayaan Women's Development Association (AYAAN)
32.   
Barwaaqo Lakulan Women Association (BAKWA)
33.   
Barwaqo Voluntary Organization (BVO)
34.   
Candlelight for Health and Education (CLHE)
35.   
Committee for Concerned Somalis (CCS)
36.   
Dareen Rural Relief & Development (DAREEN)
37.   
Dulmar for Women's Development Advocacy and Peace (DULMAR)
38.   
Female-Headed Households Association (FEDHA)
39.   
Hanad Women's Welfare Association (HWWA)
40.   
Hargeisa Voluntary Youth Committee (HAVAYOCO)
41.   
Hargeisa Women's Group (HAWO-GROUP)
42.   
Hargeisa Women on Focus Organization (HAWFO)
43.   
Mother Land Rescue Group (MRG)
44.   
Lama-Huraan Women's Association (LMWA)
45.   
Somaliland Women's organization (SOLWO)
46.   
Somaliland War Widow Organization (SWWO)
47.   
Somaliland Women's Development Association (SOWDA)
48.   
Somaliland Women's Research and Action Group (SOWRAG)
49.   
Somaliland for Progress, Advocacy and Peace (SOWPO)     
50.   
Somaliland Young Women's Association (SOYWA)
51.   
Tawakal Women & Children's Organization (TAWAKAL)
52.   
Voluntary National Youth Organization (VONYO)
53.   
Women's Action for Advocacy and Development Association (WADA)
54.   
Women's Rehabilitation and Development Association (WORDA)
55.   
Women Inter-Action Group (WIAG)
56.   
Women's Action Advocacy and Progress Organization (WAAPO)
SOMALILAND NATIONAL DISABILITY FORUM
57.   
Somaliland Handicap Association (SHA)
58.   
Nasa-Hablod Handicap Association (NAHA)
59.   
Hargeisa Youth Development Association (HADYA)
60.   
Hargeisa Deaf School (HDS)
61.   
Activist Network for Disabled Persons (ANDP)
62.   
Orthohope Rehabilitation Center (ORC)
63.   
Disability Action Network (DAN)
64.   
Hargeisa School For Special Needs (HSSN)
65.   
Disabled Children Association (DCA)
66.   
Hargeisa Handicap Association (HHA)
67.   
Tawakal Women’s Association (TAWAKAL)
68.   
Albustan Handicap Association (AHA)
69.   
Hargeisa Handicap Women (HHW)
70.   
Somaliland Blind Society (HABS)
71.   
Youth Development Disability Organization (YODDO)
72.   
Somaliland Red Crescent Society (SRCS)
73.   
Borama Deaf and Blind School (BD&BS)
74.   
Sahil Handicap Organization (SHO)
75.   
Tawakal Lifeline Organization (TLO)
76.   
Erigavo Handicap Organization (EHO)
77.   
Las-anod Handicap Association (LHA)
NON MUSLIM RELIGIOUS GROUPS IN SOMALILAND
78.   
Somaliland Catholic Church
NAFIS NETWORK MEMBER ORGANIZATION
79.   
Candlelight
80.   
HAVAYOCO
81.   
Alkownin
82.   
WAIG
83.   
WORDA
84.   
BVO
85.   
SOWRAG
86.   
SONYO
87.   
USWO
88.   
SOHEADA
89.   
HAN
90.   
AYAN
91.   
WAHEDO
92.   
VOSOMWO
93.   
WARSAN
94.   
SOYONDA
SOMALILAND NON STATE ACTORS MEMBER ORGANISATION
CIVIL SOCIETY
95.   
Nofen
96.   
Muruq iyo Maskax
97.   
Sungo
98.   
Maan
99.   
Somran
100.           
Kulmis
101.           
SNDF
102.           
Sahan
103.           
Nafis Network
104.           
Vonyo
105.           
Unita umbrella
106.           
Sonyo
107.           
CPN
108.           
Nagaad
109.           
Awdal CPN
ELDERS
110.           
Horn Peace
PRIVATE SECTOR
111.           
Jubba Airways
112.           
Light Industry
113.           
WIN
114.           
Daallo Airline
115.           
Nawbo
116.           
BDS
117.           
Hospitality Industry
118.           
WIT
119.           
NRD-EWB
120.           
Dahabshiil
121.           
Telesom
PROFESSIONAL ASSOCIATIONS
122.           
Arecsmed
123.           
University of Buroa
124.           
Sanaag University
125.           
SLNMA
126.           
SMA
127.           
Jamhuuriya Media Group
128.           
UOH
129.           
WIJA
130.           
Fopag
131.           
Solla
132.           
Berbera University
133.           
ULPA
134.           
Nugaal University
ISLAM RELIGIOUS ORGANIZATION
135.           
Wanaag Farista
MEMBER ORGANISATIONS OF SOMALILAND NATIONAL YOUTH ORGANIZATION (SONYO-UMBRELLA)
136.           
Aids Control and Awareness Raising Organization - (ACARO)
137.           
Amoud University Student Union -
138.           
All-Somaliland Society Awareness League -  (Assal)
139.           
Community  Rehabilitation Association (CRA)
140.           
Dallo Youth Development Organization  - DAYDO
141.           
Disability Children Association - DCA
142.           
Youth Development Association - HYDA
143.           
Horseed Youth Association - Horseed
144.           
Laas-anod Youth Voluntary Organization  - LAYVO
145.           
Moonlight girls Association - Moonlight
146.           
SAYS Youth Association – SAYS
147.           
Somaliland Association for Youth Salvation - SCYVO
148.           
Somaliland Culture and Sport Association - SOCSA
149.           
Somaliland Progress Youth Association - SOPYA
150.           
Somaliland Youth Salvation and Training Organization - SYSTO
151.           
Somaliland Youth Society  - SYS
152.           
Somaliland Youth Society - SYS Burao
153.           
Somaliland Youth Voluntary Association - SOYVO
154.           
Teacher Training College Student - TTCSC
155.           
University of  Student Union
156.           
Vitinary  Agre-culture Development Committee- VADCO
157.           
Voluntary Of National Youth Organization - VONYO
158.           
Youth Coalition Development – YCD
159.           
Youth Volunteers of Development and Environmental Care
160.           
Somaliland Education  Development Organziation - SEDO
161.           
Youth Edcuation Saftey Development Organizaiton - YESDO
162.           
UBAH Social Development Youth Organization - USWO
163.           
Somaliland Environment Youth Organization – SEYO
SOMALILAND NATIONAL DISABILITY FORUM MEMBER ORGANIZATIONS
164.           
Somaliland Handicap Association (SHA)
165.           
Nasa-Hablod Handicap Association (NAHA)
166.           
Youth Development Association (HADYA)
167.           
Hargeisa Deaf School (HDS)
168.           
Activist Network for Disabled Persons (ANDP)
169.           
Orthohope Rehabilitation Center (ORC)
170.           
Disability Action Network (DAN)
171.           
School For Special Needs (HSSN)
172.           
Horn Afrique Youth Voluntary Committee (HAVOYOCO)
173.           
Disabled Children Association (DCA)
174.           
Handicap Association (HHA)
175.           
Tawakal Women’s Association (TWO)
176.           
Albustan Handicap Association (AHA)
177.           
Handicap Women (HHW)
178.           
Somaliland Blind Society (HABS)
179.           
Youth Development Disability Organization (YODDO)
180.           
Somaliland Red Crescent Society (SRCS)
181.           
Borama Deaf and Blind School (BD&BS)
182.           
Sahil Handicap Organization (SHO)
183.           
Tawakal Lifeline Organization (TLO)
184.           
Erigavo Handicap Organization (EHO)
185.           
Las-anod Handicap Association (LHA)





No comments: