Marxuum Maxamed Xaaji
Ibrahim Cigaal, Ilaahay naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiye, wuxuu ahaa
shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla, magaciisuna
sharaf ,qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah, si
weynna looga qadariyo mandaqadda G eeska Afrika iyo dhammaan caalamkaba.
Marxuum Cigaal (AHUN),wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreey ey ee Somaliland,ee
gacantiisa ku soo sexeexay xoriyaddii aynu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska 26
June 1960 kii.
1993 kii ayaa Marxuum
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , mar
labaad Madaxweyne ka noqday Somaliland waqtigaas oo Dalka iyo dadkuba ay ku sugnaayeen xaalad aad
u adag,jihadaad u jeedsatana ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed , amnni
darro , kala danbayn la'aan , geyigeena dhammantii ay ka muuqato bur burkii,
xasuuqii iyo dakharadii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodiiba inoo
geysteen. Marxuum Cigaal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato, oo aan
Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gacanta hoos dhigan, ayuu ku guuleystay inuu
shacabkii boggooda burcad isku mariyo, walaaleeyo , hannaan dawladnimo iyo kala
danbeynna u yagleelo, seeskana u qotamiyo. Maanta oo bishu tahay 3 May, 2013, ahna
sannad guuradii 11-aad, ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo
aqoonsado maalin Qaran, Library & Museumna loo dhiso........Geesi naga baxoo
, Guul dhashuu ahaa.
• Sameyntii Dastuurka
Somaliland
• Sameyntii Calanka
• Sameyntii ciidanka Qaranka
• Hub ka dhigistii Beelaha
• Nabadayntii Beelaha
• Dib u dhiskii Dalka
• Sameyntii lacagta
Somaliland
• Sameyntii Baasboorka
Somaliland
• Sameyntii hannaanka
Dawladnimo
• iyo kuwo kale oo badan
3 May ,2002, oo ahayd
maalintii marxuum Cigaal ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoriya
ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, murugo leh, naxdin iyo
dhiillana u soo hoyatay dh ammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada
Somaliland. Walaw ay adag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama uu
ahaa dareenka Somalilandersku meel ay
maalintaas joogeenbba , bal waxaan isku da yi doon aa inaan idinku maansheeyo
Gabay baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyey
Cali Adan Cawaale , waxaanu yidhi :
Sayed baad ahayd Mohamedow
Mawle soo diraye
Siraad iyo aqoon baad ahayd
saaqay dunidiiye
Somaliland baad jeclayd inay
sarraysaaye
Teer iyo sitiinkii adaa
taajka noo sidaye
Hanadkii sexeexaad ahayd
saariddii karale
*****
Sama wadde haddii anad ahayn
lama sod caasheene
Xamar kuma sinteen
dawladnimo xaasil oo sugane
Somali baa kugu mudnayd inay
sinnaataaye
Saddexdii maqnaa baad lahayd
sawtka gaadhsiiye
Sir ma qabe waddaniyaad
ahayd sajac heer Qarane
*****
Sidaa ugu listeen uma
hambayn madaxdii reer Suud'e
Iyagaa waxaad sahamiseen
suuqyada u galaye
Sunuut bay ku iibsheen
waaxaad sahadinaeysaeene
Kala saare labadii shalay laysu
soo daraye
Waatay salaad hore galeen
suuqyadii herere
Saf ballaadhan waatay rasaas
shicib ku seexsheene
Taangiga siqaa wuxu dul
maray sabi carruureede
Silicii dadkaagaa la baday
saani loo aragye
*****
Sankaa ii mudnaa inan dagaal
kaga sifeeyaaye
Waatii sutida loo qabteen
sugay xalaashiiye
Sandulley ahayd inan ka koro
Xamar dul saarkeede
Inkastooy saraakiil halgemay
sahayatoon waayey
Soo noqotay Maandeeq markale
geesiyaa sugaye
Halkii aan sinnaan iyo
wadaag samo ka dhawraayey
Ayadoon saldhigin bay
haddana sudhatay reer reere
*****
Solladaa markay naga gashee
laysu socon waayey
Waatay simaamkii mar kale
kuu sidkeen adiye
Waxad saawa saawiyo farsamo
dhaban salaaxdaaba
Waataad sargooyada habboon
saaftay nabarkiiye
kuma seegin tii loo ballamay
sigib tirkeediiye
*****
Salka wadigaa maamul qaran
seeska noo dhigaye
Nabad bay ku seexdaan
dhammaan saaka shicibkiiye
Saxan saxo udgoon baad mar
kale siisay Reer Lande
Sama wade cuddoon baa halkaa
sax uga maarayne
*****
Sooyaalka taariikhdu wuu
sugay halkaagiiye
Somali baad guud ahaan ugu
sarreysaaye
Suugaanta kuma koobi karo
sumada haagiiye
*****
Sool iyo Hargeysiyo
Togdheer Booramiyo Saylac
Sanaag iyo Addis iyo Jijiga baddhabiyo saaxil
waxa saaka laga ooyayaa tan
iyo Sayloone
*****
Nina saacaddii kama fakado
seeftu guud timide
Sama wade Halyeyow jannadda
saani ugu dheelmo
Waxan kugu sagootiyey duciyo
safar nabaaddiino
Safka nabiga Ebbuhu ku mari
surinka loo raaco
*****
Qabrigana siraad nuurayiyo
waasac kugu seexi
Seeraha Fardowsana Alluhu
daar ha kaa siiyo
Malaa'iigtu soortii Jannada
sooryo kugu boobe
Salaama Alla dee Mohamedow
samirku waa doore
Geeridu waa xaq,waana hubaal
in naf walbba ay maalinteeda dha dhamin doonto mawdka,waxaase xaqii qo ah, biyo
kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal
loo aayo uga ta gaa , in taariikhda ma guurtada ah lagu xardhi doono,
magaciisuna aanu dhimanayn weligii ,
lana xasuus an doono , loona duceyn doono mar walbba.
Waxaan soo jeedinayaa , in
marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,la gu
maamuuso, lagu qadariyo , laguna sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa faraha badan
ee uu inooga tagay , ahna ta maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay ,
kuna naaloonayso . Maanta oo bishu tahay 3 May , 2013, ahna sannad guuradii
11-aad , ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoonsado
maalin Qaran, Library & Museum na loo dhiso.
Waxaan ku soo af meerayaa
qoraalkaygan kooban, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa baryayaa in aad
marxuumka danbi dhaaf u fidiso , qabriga u nuurto , u waasiciso , neecaw
udgooniyo , ku siiso naruur o , janno Fardawsana ku abaal mariso, Aamiin ,
Aamiin, Aamiin.
No comments:
Post a Comment