Monday, April 15, 2013

Madaxweynaha Turkiga oo Warbixin Xiiso leh ku oo ku Saabsan Wadahadaladii Somalia iyo Somaliland ku Qoray bartiisa Internetka

Madaxweynaha Turkiga Cabdullah Gu
Barta Intenet-ka Madaxweynaha Turkiga Cabdullah Gul ayaa ka qortey warbixin xiiso leh kulamadii madaxweynayaasha iyo muhiimada heshiiskii la gaadhey.

Degelka Internetku waxa ay qoraalkaasi ku bilowdey sidan: “ Madaxweynaha dalka Turkiga Cabdullah Guul ayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Silanyo iyo madaxweynaha Soomaaliya kulan kula yeeshey xarunta madaxtooyada dalkiisa ee la yidhaa Çankaya.

Warkan oo aan ka helay barta internet-ka Madaxweybne Guul oo warbixin ka qortey dadaalka uu u galey gacan ka geysashada dhibaatada u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegey in saddexda Madaxweyne intii ay ku jireen kulankooda oo uu martigeliyay Turkigu waxa ay carrabka ku adkeeyeen muhiimada uu leeyahay warmurtiyeedka Ankara “Ankara Communiqué.”

Saddexda madaxweyne waxa ay ka wada xaajoodeen sida wax looga qaban karayo karayo waxyaabaha taagan ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaaney dib u eegeen xidhiidhka Afrika iyo Turki oo si weyn waqti u helay sannadahan danbe, islamarkaana loola tacaali karayo arrimaha kale ee gobolka , iyada oo muddadii saddexda madaxweyne wada hadlayeen uu isna weheliyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Davuto?lu.

Warku waxa kale oo uu sheegay in uu kulanka saddexda madaxweyne Gül, madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweyne Axmed Siilanyo uu yahay tallaabadii ugu horeysey ee loo qaado xagga xal u helida dhibaatooyinka jira ee u dhexeeya laba dal oo Afrika ah oo loo marayo wadahadal iyo niyad wanaag. Waxaanu xusayaa in ay taa awgeed uu u leeyahay muhiimad weyn warmurtiyeedkaa Ankara “Ankara Communiqué”, ee ay wada saxeexdeen dawladaha Somalia and Somaliland

Barta Gul waxa ay qoraakeeda intaa raacisey in Saddexda Madaxweyne ay iftiimiyeen in gacan ka geysashada Turkiga ee geedisocodka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland sii socon doonto, waxaaney islagarteen in iyana lagu qabto kulan kale oo saddex geesood ah Istanbuul muddo sagaashan cisho gudahood ah.”

No comments: