“Dadka beeraha iyo wax-soo-saarka lahaana waxay ahaayeen dhinaca konfureed Adoon laga keensaday Bariga Afrika oo dadka Jareerta ihi ka soo jeedaan ama Soomaali Bantu, Dhinca Waqooyina dadka beeraha iyo wax-soo-saarka lahaa waxay ahaayeen…”
“Nimanka dunida ka teliya ee Jimciyada iyo Ururrada Caalamiga ah u samaystay iyo turjumaanadooda, si kasta oo ay isugu dayaan ma dhisi karaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya”
Qaybtii 2aad
Jeffrey Herbst oo ah Professor wax-ka-dhiga Jaamacadda
Princeton University Qaybta Culuunta Siyaasadda, ayaa Buug u qoray oo la
yidhaahdo State and Power in Africa, oo uu kaga hadlayo is barbardhigaya sidii
dawladuhu uga unkameen Yurub iyo Afrika, waxa uu ku soo qaaday arrimo khuseeya
waddankii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dimuqraadiga la odhan jiray.
Prof. Jeffrey waxa uu ka hadlay iyada oo kooban in
awoodda dawladaha ka jira dalalka Afrika ay ku kooban tahay qaybo dalka ay ka
taliyaan oo qaybo badan aanu xukunkoodu gaadhin, sababta oo ah waa nidaamkii ay
ka dhaxleen gumaysiga, kaas oo ku koobnaa magaalooyinka waawyn ee ay xukumi
karayeen ama gaadhi karayeen. Halka dawladaha Yurub ay ka dhismaan cashuur ay
ka qaadaan muwaadin kasta oo hanta ama dakhli soo gallo, taasina suurtogelinaysa
inay xukumaan dalkooda.
Maamulkii gumaysiga Yurub ee afrika waxa uu isku koobay
inuu cashuuro badeecadaha soo gelayaa iyo kuwa ka dhoofayaa magaalooyinka ay
xukumaan ee shaqo iyo awood kuma lahayn hantida shacabka dalka ku nool, sidaas
darteed xukunka gumaysigii Yurub ma saamayn bulshadda dalalka ay ka talinayaan.
Dawladihii dhaxlay markii gobanimada ay heleena waxba kama ay beddelin maamulkii.
Waxa kale oo uu ku
soo qaaday buuggiisa Prof. Jeffrey, in xasiloonida dawladnimo ee dalalka Afrika
ay samayso sida dadwenuhu ugu filiqsan yahay ama u deggan yahay dalkaas. Waxa
uu soo qaatay haddii Gobal ka mid ah dalkaas oo caasimaddu ku taal uu yahay
meesha dabcan ugu dad badan, dalka intiisa kale si siman loo deggan yahay waxa
suurtagal ah inuu dalkaasi uu xasilooni yeesho oo isqabadku yaraado, haddiisee
laba qaybood oo kala durugsan ay jiraan oo aad loo deggan yahay.Labadaba waxa
badan in loolaniyo isqabad siyaasadeed oo kala go’ keeni karaa uu yimaaddo.
Tusaalooyinkii uu soo qaatay waxa ka mid ahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya oo yidhi
waxa tirada dadweynuhu ku kala nool yahay Muqdishu iyo degaanka ku dhow iyo
Hargeysa iyo degaanka ku dhaw, sidaas darteed isqabad iyo dagaal ilaagoosasho
keenay ayaa ka dhacay;
Ka sakow, hibashada iyo taariikhda labada dal ay kala
ahaayeen, sad-bursigii Soomaaliya ama konfur, tacadigii iyo maamulxumadii maamulkii militariga ahaa. Waxa isweydiin leh, maxaa labadaa degaan ee
Banaadir iyo WaqooyiGalbeed ka dhigay meeloo dad badani ku dhaqan yahay,inta u
dhexaysa ka dhigay dhul teelteel loogu dhaqan yahay. Dhinaca Waqooyi Galbeed
waxa uu weligii ku xidhnaa Imaaraddii Harar, taas oo lahayd wax-soo-saar
beereed ama cunto,waxana magaalo xeebdda u ahaa Saylac iyo Berbera. Sidoo kale
Muqdisho waxay ku xidhayn Shabeelada Hoose, sida Afgooye oo wax-soo-saar
beereed iyo cunto lahayd oo ay ku dhismeen magaalooyinka xeebta Banaadir ee
Muqdisho, Marka & Baraawe.
Labada qayboodba waxa ku xidhnaa dhaqan iyo ilbaxnimo
caalami ah oo ka soo jeeda Carabta, dadka beeraha iyo wax-soo-saarka lahaana
waxay ahaayeen dhinaca konfureed Adoon laga keensaday Bariga Afrika oo dadka
Jareerta ihi ka soo jeedaan ama Soomali Bantu, dhinca Waqooyina dadka beeraha
iyo wax-soo-saarka lahaa waxay ahaayeen ilaa maanta yihiin dadka Oroomada
ah,meelna Soomaali Geel-jire shaqo kuma lahayn.
Dhulkaas weyn ee dhexeeya labada qaybood waa dhulka
Geel-jire xoola dhaqato, Laandheeree sheegatadu ku nooshahay oo gabayga iyo
hadradu ay tahay wax-soo-saarkoodu. Waa dhul aan wax ka soo bixin oo aan cunto
jirin, sidaas ayaa tarantii dadka yareeyey, xataa biyaha la cabbo iska daa kuwa
wax lagu beerto ayaa gaadhi gaadhi saar ah. Goballada Gaguduud biyaha waxa ku
jiraa Radioactive ka badan heerka WHOogashahay ee caafimaadka dadka waxyeelin,
cuduradda feedhaha iyo dhimashada carruurta waa meelaha ugu badan dunida.
Burco marka Bari looga baxo ilaa magaalada Buuranne ee
duleedka Jawharwax la cuno iyo nolol ma jirto, waayo waa dhulka ay ka soo
abuurmeen Xagjirka, Budhcad-badeednimadu,Warlord-nimadu,Qaxootida
Soomaaliyeedee Yurub iyo Waqooyiga Maraykan iyo dunida kaleba tegay waxa uu ka
soo jeedaa degaankaas. Waxa ka magacaaban maamulku-sheegyo, sida Khaatumo
State, Puntland State, Gel-Mudug State, Ximan iyo Xeeb State, Hiiran State oo
awood iyo jiritaan lahayn.
Nimanka dunida ka teliya ee Jimciyada iyo Ururrada
Caalamiga ah u samaystay iyo turjumaanadooda, si kasta oo ay isugu dayaan ma
dhisi karaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Mamulka ka dhisma Banaadir haddii aad
loogu dedaallo uu soo gaadhi karaa Jawhar. Nidaamka iyo Mamulka ka dhisan Hargeysa ee Somaliland haddii loo
dedaalo waxa uu gaadhi kara ilaadalka intiisa badanoo uu samayn ku yeelin
karaa.
Sidaa dalal ka kale ee Afrikaee su`aasho waxay tahay
Somaliland ma wada gaadhi karto xuduudeed,Waayo?Waxa jira dhul ah Tribal land
oo aanay xukumin, dhulkaas ballaadhan oo ah mid Geel-jiraha oo loo yaqaano afga
Carabiya “Mandaqata Alqabaa’iil”
Maxamed saciid gees
Landon
Boqortooyada Biritayn
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment