Friday, March 1, 2013

Boobe Mow Oynaaa, Mise Waynu La Oynaaa !!!!!


By. Abdi Aziz Ali

Qoraagii ruugcadaaga ahaa ee dad badani ugu yeedhaan suugaan dhaadhiga waayadan danbe, Boobe Yuusuf Ducaale ayaa baryahan danbe noqday nin qisadiisa iyo maqaaladiisa si weyn bulshadu u hadal hayso.

Tan iyo markii uu waayay xil wasiirnimo oo muda gaaban  majaraha u hayay, waxa uu cagta saaray wadada mucaaradada.


Maqaalo iyo waraysiyo aan kala go’lahayn ayuu mar qudha ooda ka soo rogay. Wuxuuna ku dooday in uu ka aamusi kari wayay waxa uu ku tilmayay maamul xumo umada mija xaabisay. Inkasta oo aan Odayga ixtiraan weyn u hayo, waxa ii cuntami weyday maqaal kiisii ugu danbeeyay kaas oo uu magac uga dhigay (Qiimee qofkaaga qalloocan, si’aad u qiimo-tirto qofkaaga qumman)

Inkasta oo aanan 100 qof ee guushaa helay ku jirin isla markaana aanan  wada aqoon difaacidooduna danseegnimo ku astaysantahay. Hadana marka aan  arkay  Sh.Dirir iyo Hadraawi. Waxa aan ka marakacay in ay yihiin Niman istaahila wax qiimayntan ka weyn.

Aan ku soo dhawaadee waxa ii bixi wayay shaqsiyada dhabtaa ee Boobe.  Boobe ma nin xafiiltan qaadaybaa, ma nin mucaaradnimadu mansabkuu umada ku dhex lahaa ilowsiisay baa,  ma kurtinkii habeenkii la arkee bahalka la moodaybaa, Odaygu inta la moodayo miyuu ka fududyahay, Boobe miyaan  u oynaa oo oday weyn oo gabi dhacleeyay ayaan ku tilmaanaa mise nin magac u duulay oo dib u saqiiray baynu  u daynaa.

Mise Waa madaale daacada oo guluf ugu jira la dagaalanka maamul xumada iyo musuqa, Ma ildheer garad arakayaa wax ka daahan dad ka intiisa kale. Mala oynaa Boobe, oo  ma yahay haldoor dirir ugu jira toosinta umada. Bal Adba ??????????????????

Qalinkii Abdi Aziz Ali

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment