To: Secretary
General Ban Ki-moon
United Nations
New York, NY 10017 USA
212-963-5012 fax: 212-963-7055
Email: ecu@un.org
United Nations
New York, NY 10017 USA
212-963-5012 fax: 212-963-7055
Email: ecu@un.org
Twitter:
UN Secretary-General@secgen
To: President
Barack Obama
1600 Pennsylvania Ave.
Washington, DC 20500
Fax: 202-456-2461
Email: president@whitehouse.gov
1600 Pennsylvania Ave.
Washington, DC 20500
Fax: 202-456-2461
Email: president@whitehouse.gov
To: Secretary of
State
US State Dept
2201 C St., NW
Washington, DC 20520
202-647-5291; Fax: 202-647-6434
E-mail: secretary@state.gov
US State Dept
2201 C St., NW
Washington, DC 20520
202-647-5291; Fax: 202-647-6434
E-mail: secretary@state.gov
To: David Cameron
10 Downing Street,
London,
SW1A 2AA
10 Downing Street,
London,
SW1A 2AA
@UKinSomalia
@HMAMattBaugh
CC: President
EU Commission
Date: 23 March 2013
Xadgudubyada Qaramada Midoobay ku hayso dalka Somaliland iyo
Shacbigiisu waa qaar mudan in la dhaleeceeyo.
Mudanayalaal,
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo magacooda loo soo gaabiyo HornWatch kama aamusi karo xadgudubyada
joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah dawladaha xubnaha ka ahi
sida joogtada ah uga galayaan xaqa aayo ka tashiga iyo madaxbanaanida
Qaranimada shacbiga Somaliland, waxana taasi u daliil ah takoorka ay sida
joogtada ah ugu haysaan Qaranimada dalka Somaliland iyagoo u diidan shacbiga
Somaliland in ay helaan xaqa ah in dalkoodu ka mid noqdo wadamada caalamka
taasi bedelkeedana waxay si joogto ah uga dhigeen dalka Somaliland iyo
shacbigiisuba in ay rahmanaadaan dalka Somalia (former Territory of Italian administration) oo ay la midoobay
1960kii.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay la socodsiinaynaa madaxda sharafta
leh ee qoraalkani ku socdo in Somaliland iyo shacbigeedu aanay marna ka qayb
qaadan dhamaan dadaaladii dib u heshiisiineed ee beesha caalamku u qabanaysay 20
sanadood ee ugu dambeeyay Somaliyada Talyaanigu gumaysan jiray.
Sidoo kale
xukuumada Somaliland iyo shacabkeedu qayb kama ay ahayn jidkii wado hadalada Somalia
(Somali Roadmap ) oo ay maamulaysay
Qaramada Midoobay kaasi oo ay ka dhalatay xukuumada Federaalka Somalia ee
haatan haysa talada dalkii Somalia ee Talyaanigu gumaysan jireen iyo Dastuur ku
xadgudbaya midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed ee Jamhuuriyada
Somaliland. Qaramada Midoobay waxay ku
khasbaysaa shacbiga Somaliland in ay dib u adoonsadaan kuwii markii hore
xasuuqay ee Somaliyada Talyaanigu Gumaysan jiray.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo si feejigan ula socda
dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa dublamaasiyadeed ee ka socda Somalia iyo
guud ahaan mandaqada geeska Afrika waxay u arkaan Qaramada Midoobay in ay si badheedh
ah ugu tumanayso nabad ku soo dabaalida iyo dib u heshiisiin dhamaystiran oo ka
dhalatay mandaqada Geeska Afrika.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u arkaan aqoonsiga
dublamaasiyadeed ee Maraykanku siisay Somaliyadii uu Talyaanigu gumaysan jiray
mid meel ka dhac ku ah qaanuunka duwiliga iyo xeerka Qaramada Midoobay, iyadoo
talaabadani u muuqata mid lagu dhabar jabinayo qodobadii ka soo baxay shirkii
London “Somalia iyo Somaliland waa in ay ka wadahadlaan xidhiidhkooda sida uu
noqon doono mustaqbalka, iyadoo Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkuna ay
taageerayso wadahadaladaasi”. Xukuumada Dalka Maraykanku iyadoo aan ka
dhursugin heshiiska ka soo baxa wado hadalada Somaliland iyo Somalia waxay aqoonsi
dublamaasiyadeed oo khuseeya dalkii burburay ee Somalia oo ay ka mid tahay
Jahmuuriyada Somalia siiyay dhinac kali ah oo ah Soomaaliyadii Talyaanigu
gumaysan jiray. Tani waxay dhabarjabin ku tahay qodobadii heshiiskii London,
waxa kale oo ay xadgubub ku tahay xaqa aayo ka tashiga iyo madaxbanaanida dalka
Somaliland. Xubin ka noqoshada Qaramada Midoobay ee dalka Somalia waxa uu ka
dhashay midowga haatan burburay ee labada dal ee Somaliland iyo Somalia, sidaasi darteed, Qaramada Midoobay, iyo
dalalka xubnaha ee siiya aqoonsi dublamaasiyadeed dhinac kali ah oo ah the former Territory of Italian administration,
waxa aanu u aragnaa in si toos ah uu ugu xaqa aayo ka tashiga ee shacabka
Somaliland iyo Madaxbanaanida dalkooda.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si xoog leh u aaminsan yihiin in
Dawlada Somaliland iyo shacbigeedu iyagoo aan taageero ka helin bulshada
caalamka waxa ay guulo la taaban karo ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan
kooxaha argagixisada ah ee neceb dimuquraadiyada. Somaliland waxay u diiday
kooxahaasi in ay dalka ku yeeshaan fadhiisimo ay ku tabobartaan kana duulaan ,
sidoo kale waxa dhaqaale tirobadan xukuumada Somaliland ku bixisay ka hortaga
in kooxaha xagjirka ahi kasbadaan quluubta da’yarta Somaliland, Dawlada
Somaliland ayaa dadaal kasta ku bixisay sidii aanu dalku u noqonin marin wareed
iyo mid dhaqaale oo ay leeyihiin kooxaha argagixisada gobolka iyo kuwa
caalamiga ahba. Waxana taasi daliil u ah Somaliland ka badbaado weerarada
qorshaysan ee argagaxisadu fuliso, hoyna u noqoto in ka badan 200 oo ka mid ah
Hay’adaha iyo Ururuda Samafalka Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay. Sidoo
kale, Somaliland waxa jooga oo ka hawlgala dublamaasiyiin ka socda wadamo ka
mid ah urur goboleedka IGAD, iyo Midowga Yurub..
Balse
Maanta wax kasta oo wanaag ah oo ay qabsatay Somaliland iyo nidaamkeeda
dimuquraadiga ah oo tusaale fiican u ah qaarada madow ee Afrika iyo dunida
Muslimka waxa ay werwer xoogan ka qabtaa siyaasadaha dalka Maraykanka ee ku
aadan dalkii hore loo odhan jiray Somalia, sababtoo ah mar kasta waxay u
janjeertaa taageerada ay u fidinayso dhinaca khaladka ah.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika iyaga oo aan ka xumayn in dalka
Maraykanku xoojiyo xidhiidhka iyo danaha uu la leeyahay dalka Somalia, balse
waxa aanu si adag uga digaynaa xukuumada Maraykanka in Aqoonsiga
Diblumaasiyadeed ee uu siisay Somalia aanu khusaynin dalka Somaliland balse waa
in uu ku ekaado xuduudaha dalkii Somalia ee uu gumaysan jiray Talyaanigu.
Wadamada
xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo Jilayaasha Caalamiga ah oo ay ku jiraan
Shirkada ganacsiga adduunka oo danaynaysa masaaliixda dhaqaale, siyaasadeed,
dhaqan, ganacsi, iskaashi nabadgalyo oo khuseeya dalka Somaliland cida kali ah
ee qaanuuniga ah ee u xilsaarani waa xukuumada sida dimuquraadiga ah shacbiga
Somaliland u doorteen oo uu hogaamiyo H.E. Madaxwayne Ahmed Mohamed Mohamoud
‘Siilaanyo’.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u arkaan Go’aanka Qaramada
Midoobay kaga qaaday xayiraadii hubka ee saarayd Somalia mid aan loo baahnayn
dhibaato hor lehna ku soo kordhinaya guud ahaan amaanka gobolka, Waxa kale oo
go’aankani meesha ka saarayaa dib u heshiisiin qaran oo dhacda. Go’aankan
Qaramada Midoobay ku sheegtay in kaga qaaday xayiraadii hubka ee saarnayd
Somalia, waxa uu ka dhiganayahay farsamo ahaan Qaramada Midoobay oo meel
marisay in ay hubayso qabiil ka mid ah qabaa’ilka dalkii la odhan jiray Somalia,
tanina waxay keenaysaa in qabiilkani hubkan ku laayo qabiilooyinka kale.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay shacbiga Somaliland u sheegayaan
in uu bilaabmay dagaalkii rasmiga ahaa ee qadiyada madaxbanaanida iyo
Qaranimada dalka hooyo, dagaalkani wajiyo badan ayuu leeyahay sidaasi darteed,
muwaadiniinta Somaliland waxanu ugu baaqaynaa in ay ilaaliyaan Wadajirkooda iyo Midnimadooda.
Xukuumada
Somaliland waxanu ugu baaqaynaa in ay xoojiso difaaca Qaranka iyadoo qaadaysa
talaabo kasta oo lagu dhisayo cududa, tayada, khibrada iyo saanad hubka
ciidamada qalabka sida. Dhinaca kale waa in ardayda waxbarashada Jaamacadaha
dalka dhamaystay la qoraa ciidamada Qaranka ee kala duwan waana in tababaro
xirafadaha ciidanka ah loo diraa iyadoo lala kaashanayo dalalka adduunka ee la
saaxiibka ah Somaliland iyo qaar loo diro Private Military Academies.
Xukuumadu
waa in ay meelmarisaa qorshe mudada dheer ah oo la xidhaadha difaaca dalka
hooyo, qorshahaasi waa in ay ka mid noqotaa kayd dhinaca noocyada kala duwan ee
tamarta ah in la dhiteeyo, si loo isticmaalo haddiiba qaranku galo dagaalo
barakaysan oo dabo dheeraada (Holy Wars) oo lagu daafacayo Qaranimada Dalka
hooyo.
Xukuumadu
waa in si degdeg ah u furtaa diiwaanka mutadawaciinta naftooda u huraya difaaca
dalka hooyo.
Dagaalka
haatan bilaabmay ee ilaalada Qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Somaliland,
waxa uu inagu khasbayaa meelmarinta habnololeed ka duwan kan aynu haatan
ku noolnahay, si loo xoojiyo wadajirka
shacabka Somaliland waa in xukuumadu la timaadaa siyaasad cad oo maslaxad
qaranimo ku dhisan oo dalku ka yeesho guud ahaan warbaahinta.
Ganacsatada
Somaliland gudo iyo dibadba waa in ay kaalin mug leh ka qaataan dhaqaalaha
faraha badan ee lagu difaacayo dalka hooyo dhinaca gaar ahaan dhismaha
ciidamada iyo dagaalka dhinaca dublamaasiyada oo muhiimad aan la qiyaasi karin
leh wakhtigan xaadirka ah iyo mustaqbalka.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si xoogan uga werwersan yihiin
dagaalada ku dhexmaraya Maleeshiyaadka maamul goboleedka Puntland iyo Alshabaab
buuraha loo yaqaano Galgala oo ku yaala xadka u dhexeeya Somaliland iyo
Somalia, iyadoo ay aad u adag tahay in la kala garto labada dagaal yahan ee
dirirtu ku dhexmarayso Buuraha Galgala maadaama oo labada dhinacba u wada
hoydaan kana soo wada toosaan magaalo xeebeeda Boosaaso oo masaafo kooban u
jirta goobta dirirtu ka socoto, Dagaalkan Galgala ayaa haatan noqday mid soo
jiita dagaalyahan da’ yar ah oo tirobadan kuwaasi oo ka tirsan Kooxo diimeed
xagjir ah, waxana noo muuqata in uu si fudud dagaalkaasi ugu soo fidi karo
dhinaca magaalooyinka Somaliland una gudbi karo dalalka dariska gaar ahaan
ismaamulka Somaliada Ethiopia oo markii horeba hubka koontarabaanka ahi uu
jiidaasi u maro.
Xukuumada
Somaliland waxanu ku boorinaynaa in ay iskaashi buuxa oo dhinac kasta ah la
samayso xukuumada Federaalka Ethiopia dhinaca sugida amaanka xuduudaha, ka
hortaga argagaxisada, waana in Xukuumada Somaliland hadii loo baahdo taageero
dhinaca ciidamda lugta ah waydiisataa xukuumada Federaalka Ethiopia si weeraro
dhamaystiran loogu qaado buuraha Galgala oo hoy u ah hub tirobadan iyo amaandaro
khatar ahi.
Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha Gudidia Ilaalada Xuquuqda
Aadamiga Geeska Afrika (HORNWATCH)
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment