Saturday, March 23, 2013

WAR DEGDEG AH: QARAX GALABTA KISMAAYO KA DHACAY

In ka badan 15 ruux ayaa dhaawac soo gaaray sida lagu soo waramyo kadib markii uu haleelay qarax miino oo galabta ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Qaraxa oo goobta uu ka dhacay ay hayd goob lagu shaaho ayaa dadka ku dhaawacmay waxay isugu jiraan ciidamada maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo dad rayid ah.

Dhaawacyada ayaa iminka lagu daweynayaa isbitaalka Kismaayo, wuxuuna agaasimaha Agaasimaha isbitaalka Dr. Sheekh Cali sheegay inay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah.
Dhinaca kale, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal miino-baaris ah oo ay ka sameeyeen waddada Somali Star ee xaafadda Calanley waxay ku soo saareen miinooyin iyo bambooyin aan qarxin oo hareeraha waddada lagu aasay.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment