Saturday, March 23, 2013

Xadgudubyada Qaramada Midoobay ku hayso dalka Somaliland iyo Shacbigiisu waa qaar mudan in la dhaleeceeyo.



HORNWATCH Index:   S/land /0123/13                                          

To:         Secretary General Ban Ki-moon
United Nations
New York, NY 10017 USA
212-963-5012 fax: 212-963-7055
Email:
ecu@un.org  
Twitter: UN Secretary-General@secgen

To:         President Barack Obama
1600 Pennsylvania Ave.
Washington, DC 20500
Fax: 202-456-2461
Email:
president@whitehouse.gov
To:         Secretary of State
US State Dept
2201 C St., NW
Washington, DC 20520
202-647-5291; Fax: 202-647-6434
E-mail:
secretary@state.gov
To:         David Cameron
10 Downing Street,
London,
SW1A 2AA
@UKinSomalia
@HMAMattBaugh

CC:         President EU Commission

Date: 23 March 2013

Xadgudubyada Qaramada Midoobay ku hayso dalka Somaliland iyo Shacbigiisu waa qaar mudan in la dhaleeceeyo.
Mudanayalaal,
Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo magacooda loo soo gaabiyo HornWatch kama aamusi karo xadgudubyada joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah dawladaha xubnaha ka ahi sida joogtada ah uga galayaan xaqa aayo ka tashiga iyo madaxbanaanida Qaranimada shacbiga Somaliland, waxana taasi u daliil ah takoorka ay sida joogtada ah ugu haysaan Qaranimada dalka Somaliland iyagoo u diidan shacbiga Somaliland in ay helaan xaqa ah in dalkoodu ka mid noqdo wadamada caalamka taasi bedelkeedana waxay si joogto ah uga dhigeen dalka Somaliland iyo shacbigiisuba in ay rahmanaadaan dalka Somalia (former Territory of Italian administration) oo ay la midoobay 1960kii.

Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay la socodsiinaynaa madaxda sharafta leh ee qoraalkani ku socdo in Somaliland iyo shacbigeedu aanay marna ka qayb qaadan dhamaan dadaaladii dib u heshiisiineed ee beesha caalamku u qabanaysay 20 sanadood ee ugu dambeeyay Somaliyada Talyaanigu gumaysan jiray.

Sidoo kale xukuumada Somaliland iyo shacabkeedu qayb kama ay ahayn jidkii wado hadalada Somalia (Somali Roadmap ) oo ay maamulaysay Qaramada Midoobay kaasi oo ay ka dhalatay xukuumada Federaalka Somalia ee haatan haysa talada dalkii Somalia ee Talyaanigu gumaysan jireen iyo Dastuur ku xadgudbaya midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed ee Jamhuuriyada Somaliland.  Qaramada Midoobay waxay ku khasbaysaa shacbiga Somaliland in ay dib u adoonsadaan kuwii markii hore xasuuqay ee Somaliyada Talyaanigu Gumaysan jiray.

Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo si feejigan ula socda dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa dublamaasiyadeed ee ka socda Somalia iyo guud ahaan mandaqada geeska Afrika waxay u arkaan Qaramada Midoobay in ay si badheedh ah ugu tumanayso nabad ku soo dabaalida iyo dib u heshiisiin dhamaystiran oo ka dhalatay mandaqada Geeska Afrika.

Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u arkaan aqoonsiga dublamaasiyadeed ee Maraykanku siisay Somaliyadii uu Talyaanigu gumaysan jiray mid meel ka dhac ku ah qaanuunka duwiliga iyo xeerka Qaramada Midoobay, iyadoo talaabadani u muuqata mid lagu dhabar jabinayo qodobadii ka soo baxay shirkii London “Somalia iyo Somaliland waa in ay ka wadahadlaan xidhiidhkooda sida uu noqon doono mustaqbalka, iyadoo Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkuna ay taageerayso wadahadaladaasi”. Xukuumada Dalka Maraykanku iyadoo aan ka dhursugin heshiiska ka soo baxa wado hadalada Somaliland iyo Somalia waxay aqoonsi dublamaasiyadeed oo khuseeya dalkii burburay ee Somalia oo ay ka mid tahay Jahmuuriyada Somalia siiyay dhinac kali ah oo ah Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray. Tani waxay dhabarjabin ku tahay qodobadii heshiiskii London, waxa kale oo ay xadgubub ku tahay xaqa aayo ka tashiga iyo madaxbanaanida dalka Somaliland. Xubin ka noqoshada Qaramada Midoobay ee dalka Somalia waxa uu ka dhashay midowga haatan burburay ee labada dal ee Somaliland iyo Somalia,  sidaasi darteed, Qaramada Midoobay, iyo dalalka xubnaha ee siiya aqoonsi dublamaasiyadeed dhinac kali ah oo ah the former Territory of Italian administration, waxa aanu u aragnaa in si toos ah uu ugu xaqa aayo ka tashiga ee shacabka Somaliland iyo Madaxbanaanida dalkooda.

Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si xoog leh u aaminsan yihiin in Dawlada Somaliland iyo shacbigeedu iyagoo aan taageero ka helin bulshada caalamka waxa ay guulo la taaban karo ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah ee neceb dimuquraadiyada. Somaliland waxay u diiday kooxahaasi in ay dalka ku yeeshaan fadhiisimo ay ku tabobartaan kana duulaan , sidoo kale waxa dhaqaale tirobadan xukuumada Somaliland ku bixisay ka hortaga in kooxaha xagjirka ahi kasbadaan quluubta da’yarta Somaliland, Dawlada Somaliland ayaa dadaal kasta ku bixisay sidii aanu dalku u noqonin marin wareed iyo mid dhaqaale oo ay leeyihiin kooxaha argagixisada gobolka iyo kuwa caalamiga ahba. Waxana taasi daliil u ah Somaliland ka badbaado weerarada qorshaysan ee argagaxisadu fuliso, hoyna u noqoto in ka badan 200 oo ka mid ah Hay’adaha iyo Ururuda Samafalka Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay. Sidoo kale, Somaliland waxa jooga oo ka hawlgala dublamaasiyiin ka socda wadamo ka mid ah urur goboleedka IGAD, iyo Midowga Yurub..

Balse Maanta wax kasta oo wanaag ah oo ay qabsatay Somaliland iyo nidaamkeeda dimuquraadiga ah oo tusaale fiican u ah qaarada madow ee Afrika iyo dunida Muslimka waxa ay werwer xoogan ka qabtaa siyaasadaha dalka Maraykanka ee ku aadan dalkii hore loo odhan jiray Somalia, sababtoo ah mar kasta waxay u janjeertaa taageerada ay u fidinayso dhinaca khaladka ah.

Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika iyaga oo aan ka xumayn in dalka Maraykanku xoojiyo xidhiidhka iyo danaha uu la leeyahay dalka Somalia, balse waxa aanu si adag uga digaynaa xukuumada Maraykanka in Aqoonsiga Diblumaasiyadeed ee uu siisay Somalia aanu khusaynin dalka Somaliland balse waa in uu ku ekaado xuduudaha dalkii Somalia ee uu gumaysan jiray Talyaanigu.

Wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo Jilayaasha Caalamiga ah oo ay ku jiraan Shirkada ganacsiga adduunka oo danaynaysa masaaliixda dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan, ganacsi, iskaashi nabadgalyo oo khuseeya dalka Somaliland cida kali ah ee qaanuuniga ah ee u xilsaarani waa xukuumada sida dimuquraadiga ah shacbiga Somaliland u doorteen oo uu hogaamiyo H.E. Madaxwayne Ahmed Mohamed Mohamoud ‘Siilaanyo’.

Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u arkaan Go’aanka Qaramada Midoobay kaga qaaday xayiraadii hubka ee saarayd Somalia mid aan loo baahnayn dhibaato hor lehna ku soo kordhinaya guud ahaan amaanka gobolka, Waxa kale oo go’aankani meesha ka saarayaa dib u heshiisiin qaran oo dhacda. Go’aankan Qaramada Midoobay ku sheegtay in kaga qaaday xayiraadii hubka ee saarnayd Somalia, waxa uu ka dhiganayahay farsamo ahaan Qaramada Midoobay oo meel marisay in ay hubayso qabiil ka mid ah qabaa’ilka dalkii la odhan jiray Somalia, tanina waxay keenaysaa in qabiilkani hubkan ku laayo qabiilooyinka kale.

Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay shacbiga Somaliland u sheegayaan in uu bilaabmay dagaalkii rasmiga ahaa ee qadiyada madaxbanaanida iyo Qaranimada dalka hooyo, dagaalkani wajiyo badan ayuu leeyahay sidaasi darteed, muwaadiniinta Somaliland waxanu ugu baaqaynaa in ay ilaaliyaan Wadajirkooda iyo Midnimadooda.

Xukuumada Somaliland waxanu ugu baaqaynaa in ay xoojiso difaaca Qaranka iyadoo qaadaysa talaabo kasta oo lagu dhisayo cududa, tayada, khibrada iyo saanad hubka ciidamada qalabka sida. Dhinaca kale waa in ardayda waxbarashada Jaamacadaha dalka dhamaystay la qoraa ciidamada Qaranka ee kala duwan waana in tababaro xirafadaha ciidanka ah loo diraa iyadoo lala kaashanayo dalalka adduunka ee la saaxiibka ah Somaliland iyo qaar loo diro Private Military Academies. 

Xukuumadu waa in ay meelmarisaa qorshe mudada dheer ah oo la xidhaadha difaaca dalka hooyo, qorshahaasi waa in ay ka mid noqotaa kayd dhinaca noocyada kala duwan ee tamarta ah in la dhiteeyo, si loo isticmaalo haddiiba qaranku galo dagaalo barakaysan oo dabo dheeraada (Holy Wars) oo lagu daafacayo Qaranimada Dalka hooyo.
Xukuumadu waa in si degdeg ah u furtaa diiwaanka mutadawaciinta naftooda u huraya difaaca dalka hooyo.

Dagaalka haatan bilaabmay ee ilaalada Qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Somaliland, waxa uu inagu khasbayaa meelmarinta habnololeed ka duwan kan aynu haatan ku  noolnahay, si loo xoojiyo wadajirka shacabka Somaliland waa in xukuumadu la timaadaa siyaasad cad oo maslaxad qaranimo ku dhisan oo dalku ka yeesho guud ahaan warbaahinta.

Ganacsatada Somaliland gudo iyo dibadba waa in ay kaalin mug leh ka qaataan dhaqaalaha faraha badan ee lagu difaacayo dalka hooyo dhinaca gaar ahaan dhismaha ciidamada iyo dagaalka dhinaca dublamaasiyada oo muhiimad aan la qiyaasi karin leh wakhtigan xaadirka ah iyo mustaqbalka.

Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si xoogan uga werwersan yihiin dagaalada ku dhexmaraya Maleeshiyaadka maamul goboleedka Puntland iyo Alshabaab buuraha loo yaqaano Galgala oo ku yaala xadka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, iyadoo ay aad u adag tahay in la kala garto labada dagaal yahan ee dirirtu ku dhexmarayso Buuraha Galgala maadaama oo labada dhinacba u wada hoydaan kana soo wada toosaan magaalo xeebeeda Boosaaso oo masaafo kooban u jirta goobta dirirtu ka socoto, Dagaalkan Galgala ayaa haatan noqday mid soo jiita dagaalyahan da’ yar ah oo tirobadan kuwaasi oo ka tirsan Kooxo diimeed xagjir ah, waxana noo muuqata in uu si fudud dagaalkaasi ugu soo fidi karo dhinaca magaalooyinka Somaliland una gudbi karo dalalka dariska gaar ahaan ismaamulka Somaliada Ethiopia oo markii horeba hubka koontarabaanka ahi uu jiidaasi u maro. 

Xukuumada Somaliland waxanu ku boorinaynaa in ay iskaashi buuxa oo dhinac kasta ah la samayso xukuumada Federaalka Ethiopia dhinaca sugida amaanka xuduudaha, ka hortaga argagaxisada, waana in Xukuumada Somaliland hadii loo baahdo taageero dhinaca ciidamda lugta ah waydiisataa xukuumada Federaalka Ethiopia si weeraro dhamaystiran loogu qaado buuraha Galgala oo hoy u ah hub tirobadan iyo amaandaro khatar ahi.

Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha Gudidia Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HORNWATCH)


No comments: