Friday, March 1, 2013

Warka xaqiiqada ah ee barnaamijka qaran ee qiimee qofkaaga si aad qiimo u yeelatid




Aniga oo ah DATA OFFICER kii barnaamijkan qiimee qofkaaga si aad qiimo u yeelatid waxaan maalmihii u danbeeyay arkayay maqaalo laga soo qoray barnaamijkii qaran ee qiimee qofkaaga arintaas oo ay dadweynuhu ku kala aragti duwanayaayeen ayaan qalinka u qaatay in aan ka turxaan bixiyo in badan oo dadweynaha ka mid ah oo si khaldan loo fahamsiiyay hadaba hadii aan waxrbixin kooban ka idhaahdho barnaamijkan qiimee qofkaaga. Figrada waxaa is lahaa muwaadin rashiid sulub caalin oo ah sakhsi aad iyo aad u jecel samofalka iyo taakulaynta dadka jilicsan.

Fikrada isaga ayaa noolayimi isla markaasna noosoo bandhigay aniga iyo intii kale ee nala shaqaynaysaba waanu la qaadanay in aanu kala shaqayno weliba si tuburuc ah anagoo aaminsan in aay tahay hawl qaran waxaanu ku faraxsanayn oo aanu ku niyad samayn dhamaantayoba in aanu u adeegno qarankayaga oo aanu hawl baaxadaas leeg u qabano.

Barnaamijkani waa fikrad saliim ah isla markaasna ka dhashay maskax caafimaad qabta.

Ujeedooyinkii barnaamijka

Ujeedooyinka barnaamijkani laga leeyahay waa arimo dhawr ah isla markaasna xambaarsan xigmado aad iyo aad u qotodheer

1.      in la abaal mariyo la qadariyo oo la qiimeeyo dadka  dalka iyo dadkaba waxyaabo la taaban karo u qabtay.

2.      in wax u qabashada dalka iyo dadka lagu dhiirigeliyo jiilalka cusub ee soo kacaya. Si aay ugu baraarugsanaadaan horuumarka wadanka.

3.      in bulshadeena la baro is qiimaynta iyo isu mahadcelinta si aaynu unoqono bulsho ixtiraamta kooda mudan.

4.      in la dhiirigeliyo lana kobciyo fikradaha munaasibka ah ee ka soo maaxanaya maskaxaha caafimaadka qaba.

5.      in la barto taariikh toganna laga reebo shakhsiyaadka ku suntan horuumarka dadka iyo dalka

6.      in lagu daro manhajka wax barashada ee dalka dadka mudan in lagu daydo si aay dhiiri gelin ugu noqoto dhalinyaradeena


*Sugnaanshaha iyo cadaalad u samaynta*

Waxaan kaloo aan jecelahay in aan idiin soo gudbiyo bal siyaabaha dadkani ku mutaysteen in aay gudoomaan bilada haldoor.

Run ahaantii dadkan dhamaantood waxaa u soo gartay isla markaasna soo qiimeeyay dadweynaha reer Somaliland. Dadku waxaay codkooda soo siiyeen qofwalbaa cidii uu islahaa wax qabad fiican buu dalka ku soo kordhiyay ama heer horuumarineed buu gaadhsiiyay  iyadoo lagu qiimaynayo dhamaanba
baahiyaadka aas aasiga ah ee bulshada.

Bulshada ayaa ka markhaati kacaysa qaabkii aanu marnay nidaamka qiimaynta shakhsiyaadka loo aqoonsadey haldoor.

Waxaanu bulshada u bandhignay in aay fikirkooda ka dhiibtaan dadka aay is leeyihiin wax qabad muuqda oo la taaban karo ayay la yimaadeen.

Qofkastaana waxa uu fikirkiisa ku dhiiibanayay siyaabahan

1: in goobaha dadku ku kulmaan ee faras magaalah ah aanu dadka ugu qaybinay waraaqo u saamaxaya in aay si fuduud fikirkooda u cabiraan

2: ina aay dadku codkooda soo dhiibtaan iyagoo adeegsanaya mobilkooda

3: in dadku ku codeeyaan email khadka internetka iyo in aay ku soo codeeyaan websitka barnaamijka  taas oo u fuduudeysay in badan oo qurba jog ahi in aay soo dhiibtaan codkooda

4: anaga oo tagnay gobolada dalka oo dhan si loo helo cadaalad iyo sinaan loo dhanyahay.

Hadaba markii aay codbixintii ku soo dhamaatay sidaa aynu kor ku soo xusnay waxaa bilaabanatay kala saaristii dadka.

Anaga oo doonaynay in aay soo baxaan boqolka qof ee ugu codka sareeya qaybkasta waxaanu ka soo xulnay dhawrka qof ee ugu codka badan anaga oon u ee gayn qabiil iyo qofjeclaysi toona iyo cid aanu dano gaar ahaaneed ka leenahay taasna waxaa marag u ah oo qofkasta oo iiman lehna dawo u
noqonkarta dhamaan hawlwadeena shaqdan faraha ku hayay way wada dhaarsanaayeen.

Waxaan filayaa in aay intaasi bogsiinkarto daawona u noqonkarto in badan oo su aallo is weydiinaysay.

Hadaba waxaan bulshada reer Somaliland  u cadeeynayaa in aanay jirin cid aanu ku keenay is xanbaar cid aanu ku keenay qofjeclaysi cid aanu ku keenay dano gaar ah oo aanu ka leenahay

Hadaba waxaan leeyahay cid kasta oo fikrad khaldan ka aaminsan barnaamijkan qaran
Markaad walaalkaaga Muwaadinkaaga ah wax ka dhigto ayaad adiguna wax ku noqonaysaa

Aduun magac baa ka hadha gobina way maaxataa

No comments: