Friday, March 1, 2013

Adduunka Qof Baa beddala! Faallo Ku Saabsan Barnaamijkii Qiimee Qofkaaga:




Qalinkii/ Muuse M. Ciise ( Dalmar )xajidalmar@gmail.com……

Qof kastaba wanaagiyo,
Kartidiyo wax-qabadkiyo,
Waxa lagu qadariyaa,
Qawlkiyo run sheegee,
Maya dhaha qabiilkiyo,
Qoladayda weeyiyo,
Wixii qaranka dumin kara.

Kala danbaynta, isqadarinta, wax wada qabsiga iyo isqiimayntu waa furaha guusha. Waana jidka ay bulsho ku gaadho nolol rayn rayn iyo ladnaan badani ku dheehan tahay. Marka ay bulshadu qiimayso qofkeeda wanaagsan, garabna siiso keeda wax wanaagsan ku soo kordhiyay waxa hubaal ah inay bulshadaasi ku guulaysanayo hadafka ay nolosha ka leedahay.

Si xun wax u sheegu,
Sixir waa ka daran yee,
Adoo suubin kara wanaag,
Ha samayn xumaan iyo,
Wax Soomaali kala dila

Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaa 20 bishan Febraayo 2013 lagu qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay, taasi oo abaalmarinno badan lagu guddoonsiiyay hal-door tiro badan oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka socday. Barnaamijka munaasibadda buddhigga u ahaa oo magaciisu ahaa QIIMEE QOFKAAGA AAD QIIMO YEELATIDE, ayaa ahaa fikir iyo halabuurnimo cusub oo uu soo kordhiyay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaa Rashiid Sulub Caalin.

Qofka bini-aadamka ahi micno weyn buu dunida guudkeeda u joogaa, waxaana qof kasta looga fadhiyaa in uu wax wanaagsan ku soo kordhiyo bulshada uu la nool yahay. Haddaba tallaabadan ayaa ah mid ku dayasho mudan, una qalanta in la garab istaago muwaadinkan hawsha fiican bilaabay. Waxaana mihiim ah in la kobciyo, oo la horumariyo fikirkan cusub oo aan anigu qabo in uu yahay albaabkii guusha iyo horusocodka bulshada. Waxa aan barnaamijkan u arkaa in uu yahay shaandhadii kala haadin lahayd ee kala hufi lahayd dadka inta waxtarka leh iyo inta bulshada culayska ku haysa.

Tartan weeye noloshuye,
Tiigsiga qofkii wacan,
Diintaa tilmaantee,
Ha tabcayn walaalkaa

Labadii cisho ee u danbeeyay waxa aan warbaahinta qaybaheeda kala duwan ku arkaayay qoraallo naqdin iyo niyad-jabin u badan oo lagaga soo horjeeday barnaamijkaasi aynu kor ku xusnay. Iyada oo dadka intooda badani saluugsanayeen sida hal-doorka bulshada loo soo xulay. Waxa ugu weyn ee ay dhalliil ka dhigayeenna ay ahayd maxaa hebel looga tegay? iyo heblaayo inay ku jirtay ahayd. Nin habari dhashay hal ma seegi waydo, hawl aadame qabtayna ma dhalliil weydo. In wax la naqdiyaana waa habka ugu wanaagsan ee laysku sixi karo. Waa haddii naqdintaasi tahay mid wadata talooyin iy tusaalayaal lagu sixi karo wixii qaldamay. Bulshooyinka horumarayna midda kaliya ee ay ku liibaaneen waxa weeye; qiimaynta hawsha inteeda wanaagsan iyo naqdinta hawshaasi inteeda laangadhaynaysa oo la raaciyo xalka iyo dawada lagu dabiibi karo.

Han-yaridu ma fiicnee,
Ha xaqirin walaalkaa,
Adna hiigso meel sare.

Rashiid Sulub Caalin waxa uu mudan yahay in garab la siiyo, laguna biiriyo wixii aqoon, dhaqaale, fikir, waayo-aragnimo iyo taageero guudba ah. Waana hubaal in ay dhalliil yeelan karto hawshaa weyn ee uu Rashiid Kaligii u istaagay, laakiinse waxa mihiim ah in lagu wada dadaallo sidii ay barnaamijyada danbe u noqon lahaayeen kuwo la saxar tiray iyada oo laga faa’iidaysanayo waayo-aragnimada kan sannadkan 2013. Iyada oo Rashiid lagu sharfayo fikirka cusub ee uu keenayna waxa ila quman in barnaamijkan la balaadhiyo, oo halka laga odhanayo muwaadinbaa barnaamijka soo qaban qaabiyay waxa ila wanaagsan in laga dhigo urur ama haayad miisaankeeda leh ayna gacan ka gaysanayaan haayadaha dawladda ee ay khusayso iyo waliba qaybaha bulshada ee horumarku jecel.

Alloow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin. Gaarriye IHN-tee.
W/Q Muuse M. Ciise ( Dalmar )
xajidalmar@gmail.com
http://www.musadalmar.wordpress.com
Stockholm, Sweden.

No comments: