Saacid iyo Faroole oo dib u Bilaabaya Carqaladii maamulka
Punland ku hayay Gooni isu taaga Somaliland
Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarac Shirdoon |
Weftiga Raysal-wasaare Saacid, ayaa kulan albaabadu u
xidhanyihiin shalay kula yeeshay madaxtooyada Puntland iyo Madaxda Dawlada
Puntland, halkaasoo la sheegay inay kaga wada hadleen sidii ay labada dhinac u
sii amba qaadi lahaayeen Heeshiisyadii
Dawladii Sh. Shariif iyo Faroole ku dhex maray Garoowe iyo Gaalkacayo sanadihii
la soo dhaafay, gaar ahaan Heshiiskii lagu kala saxeexday Magaalada Garoowe
horaantii sanadkii 2012.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay waxyaabaha kale ee ay
labada dhinac shirkaasi kaga wada hadleen, balse ilo wareedyo ku dhow dhow
aqalka madaxtooyada Maamulka Puntland, ayaa intaasi ku daray inay wax iska
yidhaahdeen la dagaalanka kooxaha Xag-jirka ee amni darada ka wada Puntland iyo
sidii Maamulka Puntland wada shaqayn ka dhow sida hada ula yeelan lahaa Dawlada
Federaalka Somaliya.
Dhinaca kale, wararka ka imanaya Garoowe waxay intaasi ku
darayaan in dawlada Muqdisho doonayso inay xidhiidh fiican la furto Maamulada
hoos yimaada ee ka jira somaliya, ka hor 7 Bisha May shirka Somalida loogu
qabanayo Magaalada London oo ay si weyn u danayso dawlada Somaliya, kaasoo ay doonayso in la qabto iyadoo maamulada
somaliya gacanta ugu wada jiraan, Somaliland mooyaane.
Waxaana qorshahaasi la hadal hayaa inay sidoo kale uga
danleedahay si ay wada hadalada Somaliland iyo somaliya culays ugaga hesho
Maamulada hoos yimaada, iyadoo ka hortegaysa inay Somaliland marna qiil u hesho
qadiyada madaxbanaanideeda, taasoo hadii ay dhacdo u muuqanaysa arin caqabad u
ah midaynta Maamulada ka jira Somaliya.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punland ayaa dhawaan laga
soo xigtay hadal u dhadhamaya inay Somaliland iska kaashadaan sidii ay Somaliya
uga wada go’I lahaayeen, hadalkaasoo dadka siyaasadda faaqida ula muuqday
xod-xodasho siyaasadeed oo uu doonayay inuu meel fog uga soo wareego sidii uu
dawlada Xasan Sh. Maxamuud xidhiidh adag
ula samayn lahaa, isla markaana uu door muhiima uga heli lahaa talada wadanka.
Si kastaba ha ahaatee safarka raysal-wasaare Saacid ku
yimi Garoowe oo ilaa shalay isha lagu hayay ujeedada uu daaranyahay marka laga
yimaado masuuliyadda ka saaran xogogaal
u noqoshada xaalada Goboladda dalka, waxa uu ku soo beegmayaa xili dawladiisu
Olole dhaqaale raadis ah iyo mid ay Maamulada ka aragtida fog dagaal
diblomaasiyadeed oo ay ugu quus goynayso ka wado Caalamka , isla markaana mudo
todobaad ah uun ka hor Cuno-qabatayntii hubka laga qaaday.
Taasoo abuuraysa dareen ah inay maamulka Garoowe gacanta
ku dhigto, si ay markaasi meel adag oo halkii hore ka fog uga istaagto qadiyada
gooni-isutaaga Somaliland oo maamulada sida
adag uga soo horjeeda Puntland ka mid ahayd.
No comments:
Post a Comment