By. Abdi Aziz
Ali
Qoraagii ruugcadaaga ahaa ee dad badani ugu yeedhaan
suugaan dhaadhiga waayadan danbe, Boobe Yuusuf Ducaale ayaa baryahan danbe
noqday nin qisadiisa iyo maqaaladiisa si weyn bulshadu u hadal hayso.
Tan iyo markii uu waayay xil wasiirnimo oo muda
gaaban majaraha u hayay, waxa uu cagta
saaray wadada mucaaradada.
Maqaalo iyo waraysiyo aan kala go’lahayn ayuu mar qudha
ooda ka soo rogay. Wuxuuna ku dooday in uu ka aamusi kari wayay waxa uu ku
tilmayay maamul xumo umada mija xaabisay. Inkasta oo aan Odayga ixtiraan weyn u
hayo, waxa ii cuntami weyday maqaal kiisii ugu danbeeyay kaas oo uu magac uga
dhigay (Qiimee qofkaaga qalloocan, si’aad u qiimo-tirto qofkaaga qumman)
Inkasta oo aanan 100 qof ee guushaa helay ku jirin isla
markaana aanan wada aqoon difaacidooduna
danseegnimo ku astaysantahay. Hadana marka aan
arkay Sh.Dirir iyo Hadraawi. Waxa
aan ka marakacay in ay yihiin Niman istaahila wax qiimayntan ka weyn.
Aan ku soo dhawaadee waxa ii bixi wayay shaqsiyada
dhabtaa ee Boobe. Boobe ma nin xafiiltan
qaadaybaa, ma nin mucaaradnimadu mansabkuu umada ku dhex lahaa ilowsiisay
baa, ma kurtinkii habeenkii la arkee
bahalka la moodaybaa, Odaygu inta la moodayo miyuu ka fududyahay, Boobe miyaan u oynaa oo oday weyn oo gabi dhacleeyay ayaan
ku tilmaanaa mise nin magac u duulay oo dib u saqiiray baynu u daynaa.
Mise Waa madaale daacada oo guluf ugu jira la dagaalanka
maamul xumada iyo musuqa, Ma ildheer garad arakayaa wax ka daahan dad ka
intiisa kale. Mala oynaa Boobe, oo ma
yahay haldoor dirir ugu jira toosinta umada. Bal Adba ??????????????????
Qalinkii Abdi Aziz Ali
No comments:
Post a Comment