Wednesday, February 20, 2013

Warbaahinta Qaraabada Hogaamiyaha Al Shabaab Ahmed Abdi Godane oo Dagaal Dhinaca Saxaafada ah oo Yool Habaabin ah ku Haysa Somaliland


Source:http://homesecuritywatch.wordpress.com/2013/02/20/warbaahinta-qaraabada-hogaamiyaha-al-shabaab-ahmed-abdi-godane-oo-dagaal-dhinaca-saxaafada-ah-oo-yool-habaabin-ah-ku-haysa-somaliland/

Dalka Ingiriiska ayaa soo saaray digniin nooceeda ah tii ugu horaysay ee uu muwaadiniintiiisa ku wargalinayo in si degdeg ah ay uga baxaan muwaadiniintiisa ku sugan dalka Somaliland, maadaama oo ay ka jirto Somaliland khatar la xaqiijiyay oo amaanka dadka reer galbeedka ah ee ku sugan Somaliland ku soo foole.

Daraasad iyo baadhitaan ilaa hadda Socda oo HomeSecurityWatch samaysay oo ku saabsan Khataraha amni ee la sheegay in ay Somaliland ka jiraan, baadhitaankan oo ay naga caawiyaan dad ku sugan magaalooyinka, tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee Somaliland ayaa diirada lagu saaray xarakooyinka dhinaca diinta ee kala duwan ee ka jira Somaliland, wararka ay qoraan warbaahinta iyo afkaarta mulkiilayaasha warbaahinta qoraalka, muqaal araga raadiyaha, mareegaha iyo baraha internetka iyo xidhiidhada ka dhaxayn kara warbaahinta Somaliland iyo kooxaha xag jirka ah iyo siyaabaha kala duwan ee ay kooxaha xagjirka ahi u adeegsadaan ama u adeegsan karaan warbaahinta Somaliland,

Dhinaca kale, xogaha baadhitaanadan qaarkood waxa laga helay hay’adaha qaabilsan dhinaca amaanka ee ururada caalami ah oo aan noo fasixin in aanu halkan ku magacawno

Xogaha Warbixinta baadhitaanka oo si taxane ah ugu soo bixi doona afka soomaaliga ayaa waxa qayb yar maanta diirada lagu saaray.

Warbaahinta ay Leeyihiin Qaraabada Hogaamiyaha Al Shabaab oo Dagaal Dhinaca Saxaafada ah Ku Haya Madaxda Somaliland.

Waxa la hubiyay in Hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Abdi Godane, uu taageero balaadhan ka helay qabiilka uu ka soo jeedo oo dega caasimada Somaliland ee Hargeysa markii uu fulinayay qaraxyadii Octobar 2008 lagu qaaday xafiiska UNDP, Safaarada Ethiopia ee Hargeisa iyo Xarunta Madaxtooyada, kuwaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux badankoodu ahaa rayid, tiro kale oo badanina ku dhaawacantay.

Guriga lagu soo diyaariyay guri ay leeyihiin qaraabada Hogaamiyahay Al Shabaab  Axmed Abdi Godane oo ku yaala xaafada Half London, gurigaasi oo waardiyaha joogaa uu ahaa qabiilka uu ka soo jeedo Godane,

isku xidhaha dhinaca Maaliyada ee hawlgalka qaraxyada oo lagu magacaabo Cabdilaahi Gaab waxa ay qaraabo yihiin Godane,

Xaaska iyo caruurta uu dhalay Godane ayaa loo dhoofiyay dalka Iimaaraadka Carabta bil ka hor qaraxyada iyadoo taasi lagu macneeyay in Gadane ka baqayay in laga aar goosto qaraxyada kadib caruurtiisa iyo ooridiida dadka ambabixinayay waxay ahaayeen qaraabada Godane,

Xataa waxa la shaqeeyay Godane shaqaalaha ka hawl gala Madaxtooyada Somaliland ee ay isku qabiilka yihiin Godane kuwaasi oo siinayay xogo dhinaca sirdoonka ah iyo qaar dhinaca farsamada ah

Dabcan wax lala yaabo maaha in dalka Ingiriiska iyo Maraykanku haatan digniino amaan daro oo Somaliland ku wajahan marka lagu xisaabtamo arimahan hoos ku qoran.

Gunaanad hay’adaha amaanka shisheeye soo saareen ayaa tibaaxaysay in kooxaha xagjirka ah ee Alshabaab si wayn uga faa’iidaysatay Guuldaradii uu Ururka Xaqsoor kala kulmay doorashadii golayaasha deegaanka oo uu diiday in uu aqoonsan waayo natiijadii kama dambaynta ahaa ee Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqeen.

iyadoo xaafada laga soo weeararay xafiiska UNDP, safaarada Ethiopia iyo xarunta Madaxtooyadu ahayd xaafada ay dagaan qabiilka Axmed Abdi Godane,

Sidoo kale dadka xidhiidhinta iyo isku duwida hawlgalkaasi lahaa iyo maalgaliyayaashuba waxay ka soo jeedaan qabiilka Axmed Abdi Godane ee ku nool Caasimada Somaliland, iyadoo xataa wiilashii watay baabuurta miinaysan qaarkood la hubiyay in ay qaraabadiisa ahaayeen.

Intaasi marka lagu daro mucaaridada fog ee taageerayaasha ururka Xaqsoor oo ee caasimada Somaliland ay 100% yihiin qabiilka hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Abdi Godane isla markaasina ay dib ugu soo noqdeen Hargeysa dagaal yahan farobadan oo ka soo jeeda beesha Godane kuwaasi oo qaarkood leeyihiin waanu isa soo dhiibanay qaar kalena ay dhuumasho ku yimaadeen.

Warbaahinta Hadhwanaag iyo Baligubadle ayaa xiliyadan ay dagaal yahan badan oo Godane reerkiisa ahi ay Hargeysa ku soo laabteen waxay qaadeen olole jahwareerin ah oo ay ku sheegayaan madaxda Somaliland qaarkood in ay yihiin Alshabaab, tusaale waxay si gaar ah u bartilmaameedsadaan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Xasan labadan mareegood ee Hadhwanaagnews.com iyo Baligubadle waxa mulkigooda leh ehelka Axmed Abdi Godane xogo dhinaca wardoonka ah oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa ah oo la isku halayn karaa ayaa ifitiiminaaya in si toos ah ama si dadban mid ahaan uu Axmed Abdi Godane u isticmaalo Hadhwanaagnews. iyo Baligubadle, ololaha balaadhan ee labadan mareegood kaga faafinayaan wararka ra’yi caamka lagu luminayo laguma weeraro wasiirada ka soo jeeda beesha Godane. Waxana ka muuqanaysa xidhiidho dhinaca niyada ah oo ay iskaga dhowyihiin  Alshabaab iyo Beesha Godane.

Al Shabaab ayaa lagu yaqaanaa in lacag adag oo xad dhaaf in ay u isticmaalaan fursadaha noocan oo kale ah.

Nasiibdarada jirtaa waxay tahay, iyadoo cida kali ah ee suurto galisay in si dhib yar baabuur miinaysan loo galiyo Madaxtooyada Somaliland ay ahaayeen sidii dhacday 2008 dad ka soo jeeda qabiilka Ahmed Abdi Godane oo shaqaale ka ahaa Madaxtooyada, ayaa wali fursadii oo kale ay muuqataa wakhtigan xaadirka ah, waxan taasi Home Security Watch xog ururiyayaasheeda Hargeysa ku sugani ay xaqiijiyeen in qaar ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada Somaliland oo ka soo jeeda beesha Ahmed Abdi Godane ay xog ku saabsan isgaadhsiinta Madaxtooyada bixiyeen balse markan si ka duwan sidii 2008 u isticmaaleen iyagoo cidii ay siiyeen oo isugu jirta rag iyo haween fariimo aan caadi ahayn uga soo dirayeen mudo madaxda ugu saraysa dalka.

Tani waxay ka mid tahay arimaha werwerkooda leh ee ka jira dhinaca Somaliland

Wadamada daneeya Somaliland ayaa iyaguna ka xun in ay ogaadaan in wardoonka Alshabaab xoog ku leeyihiin Somaliland gudaheeda.
Wararka u eeg Yool Habaabinta ee mareegaha Hadhwanaagnews.com iyo Baligubadle faafinayaan ayaa u muuqda qaar maro saaraya khatarta muuqata ee wali Somaliland ka imanaysa kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab. 90% waxay labadan mareegood isku dayaan in ay Al Shabaab ku sheegaan madaxda Somaliland oo uu ku jiro madaxwayne si dimuquraadi ah loo soo doortay iyo wasiirkiisa madaxtooyada iyagoo labadan mareegood diirada ka weeciya khatarta dalka Somaliland kaga imanaysa Kooxda Alshabaab oo uu hogaamiyo nin mulkiilayaasha iyo tafatirayaasha mareegahan la ah qaraabo dhow. Home Security Watch ayaa ka heshay xarumaha warqabadkeeda ee Hargeysa Uganda Muqdisho Gaalkacayo iy Bu’aale ku kala sugan in labadan mareegood helaan xogo sir ah oo kooxda Al Shabaab leedahay balse wali waxa aan noo cadaanin sida ay xogahaasi  u isticmaalaan mareegahani.

Talo Soo Jeedimo:

Ku: Xukuumada Somaliland

Waa in Xukuumada Somaliland sida ugu dhaqsaha badan taxadir uga yeelataa shirarka saxaafadeed ee ay ka soo qaybgalayaan warbaahintu waxana suurtogal ah in dad is miidaaminayaa oo magaca warbaahinta dalka isticmaalayaa fursad u noqdaan shir saxaafadeed.

Juquraafi ahaan iyo dhacdooyinka ka jira wadamada la dariska ah Somaliland gaar ahaan dalka Somalia ayaa khasab ka dhigaya in siyaasad gaar ah ka yeelato xukuumada Somaliland warbaahinta madaxabanaan ee dalka oo galangal badan u leh madaxda dalka, haya’adah Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka caalamiga ahba.

No comments: