Search This Blog

Thursday, February 28, 2013

Nin Madaw oo Saboola Gidaarna Seexda Cimrina jooga oo saacado gudahood Maalqabeen ku noqday waa maxay sababtu?

Nin darbi jiifa oo Maraykanka Madow ah oo magaciisa la yiraahdo Billy Ray Harris ayaa helay Far gashi Daimond ah,Ninkani oo koob yar is hordhiga oo kaalmo waydiisata dadwaynaha maraya dariiqa magaalada Kansas ee dalka Maraykanka,ayaa maalin haweenay lacag ugu ridaysay Koobkiisa uu fargashigii ay gashanayd iyadoo aan dareemin uu kaga dhacay koobkii lacagta sadaqada ah ugu ridaysay miskiinka, Fargashigaasi oo Daimaond ahaa ayaa haweenaydu xasuusatay markii ay gurigeeeda gaadhay,

Fargalkan oo qiimo weyn ugu fadhiyay Haweenaydan sababtoo ah waxa uu ahaa faraatigii doonisteeda, waxana ay ka raadisay dhamaan meel kasta oo ay maalintii soo martay, marnaba isma ay odhan Fargashigaagii waxa haya miskiinkaasi.


Maalin dambe ayay soo martay goobtii ninkaasi miskiinka ahi ku dawarsan jiray ee uu fadhiisan jiray, waxana ay is tidhi maad odaygana waydiisid bal in uu arkay maalintii aad wayday waadigii soo maraye,

Inta ay is agtaagtay ayay ku tidhi "Waxan filayaa in aanad i xasuusan karin maalin dhawayd ayaan halkan adigoo fadhiya ku soo maray waxana iga lumay alaab aad qaali u ahayd? Inta uu kor u eegay ayuu odaygii wuxuu ugu jawaabay sow fargalkii ma sheegaysid dheemanta ahaa ma adiga ayaa lahaa? si degdeg ah ayay ugu jawaabtay Haa mudane, inta uu jeebkiisa gacanta galiyay isagoo qosal yari ka muuqdo wajigiisa ayuu u soo fidiyay fargalkii waxanu ku yidhi Hoo,


Iyadoo fajac iyo amakaag la anfariirsan ayay ka qaadatay fargalkii.

Dhacdadan ayaa si wayn u soo jiidatay warbaahinta dalka Maraykanka waxaana Odaygii miskiinka ahaa ee Darbijiifka ahaa ee Haris gidaarkii ku soo booqday gayaysiisay Telefishanada Maraykanka ugu caansan oo waraysiyo la yeeshay. Markii warbaahintu dhacdadan baahisay ayaa shacabka Maraykanka ah waxa soo jiidatay daacadnimada Odaygan faqiirka ah ee baahan oo helay fargal Diamond ah oo qiimihiisu dhamaa US$145,000.

Dadwaynaha Maraykanka ku nool ayaa dhacdadan kaga falceliyay tabarucaad ay daacadnimadiisa awgeed ugu fidiyeen Odaygan miskiinka ah ee dariiqa ka dawarsada 90 maalmood ee ugu laga soo bilaabo maalintii warbaahintu dhacdadan baahisay ayaa waxa gacantiisa soo gashay odayga miskiinka ahaa in ka badan US$100,000.

Ninkani oo ka waramay daacadnimadiisa ayaa sheegay in awoowgii oo soo koriyay kula dardaarmay daacadnimo ilaahay isku xidho,taasi ayaa keentay in aan celiyo fargashi uu sanado badan lacagtiisa cuni lahaa,balse uu maanta gaacadnimadiisa kaga baxay gaajadii uu gidaarka la jiifay ,oo gacantiisa soo gashay lacag baahidiisa kafaynaysa

No comments: