Dawladda Ingiriiska iyo Itoobiya ayaa manta si deg deg ah magaaladda Hargeysa uga duuliyay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jaamac Maxamed Bootaan.Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland iyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland ayaa lagu aaday Diyaarad khaas ah oo loo soo Diray
Sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waaheen u xaqiijiyeen goor dhaweyd waxa uu labada dhinac kulan uga furmay magaaladda Addis ababa ee Dalka Itoobiya, balse kulankaasi oo bilowday isla markii ay diyaarad khaas ah oo hargeysa ka qaaday ka degeen wali wuu socdaa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa toddobaadkan Addis ababa ka soo laabtay hase yeeshee wakhtigaasi Dawladda Itoobiya may qaabilin wallow uu war-saxaafadeed uu ku qabtay Hotelka Hilton ku sheegay inuu u socday Olole doceed uu ka bar bar waday shirka Midawga Yurub, kaasoo uu sheegay inuu kula kulmay Dyblamaasiyiin Kiiniyaan iyo Jarmal ah.
Wakhtigaa uu Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ku sugnaa Addis ababa ayaa ku beegnaa isla maalintii ay Dawladda Ingiriisku ku dhawaaqday qaylo dhaanta ay Dadkeeda ugaga digayso u safarka iyo joogitaanka Somaliland, taasoo ay ka soo saartay baaq dhiilo ah oo xambaarsanaa Somaliland inaanay amaan ahayn, balse wax kulan ah iyaga oo aan la yeelan wasiirka ayuu wasiirku deg deg uga soo baxay isagoo Hargeysa ku qabtay kulan saxaafadeed uu ku beeninayo.
Lama oga ujeedada dhabta ah ee ay labada Dawladood ee Ingiriiska iyo Itoobiya ugu yeedheen wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Masuulka ugu sareeya Sirdoonka Somaliland, hase yeeshee waxay u muuqataa inay u bandhigayaan xogaha ay ka hayaan Somaliland ee la xidhiidha cabsida ay sheegeen.
Xukuumadda Somaliland ayaa bilowday tan iyo intii ay Qaylo dhaanta Ingiriisku soo baxday hawl galo ay ku qab qabanayaan dad looga shakisan yahay Al-shabaab, inta la ogyahayna sida ay waheen Xogo ku heshay waxa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa laga qabtay sadex qof oo uu ka mid yahay nin ay walaalo yihiin Amiirka Kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane iyo laba nin oo kale.
Xukuumadda Somaliland ilaa hada may sheegin dadkaas ay qab qabatay inay yihiin kuwa ay Dawladda Ingiriisku ka shakisnayd inay hawl galo fulinayeen iyo inkale, hase yeeshee waxa la filayaa sababaha keenay in si deg deg ah loogu yeedho inay ka mid yihiin Ragaas ay qab qabteen.
Si aksta ha ahaatee talaabada loogu yeedhay Madaxda Somaliland ayaa calaamatul su’aal sii saaraysa wada shaqaynta Dawladahaasi iyo Somaliland, waxaana loo baahan yahay Xukuumadda Somaliland inay qaado talaabo ay ku xaqiijinayso amaanka Dalkeeda.
Short URL: http://waaheen.com/?p=58649
No comments:
Post a Comment