Sunday, February 3, 2013

Somaliland: Ciidamada Amniga iyo Sirdoonka Somaliland oo gacanta ku dhigay Lix qof oo lagu xidhiidhinaayo inay ka tirsan yihiin ama gacan saar la leeyihiin Alshabaab

Ciidamada Amniga iyo Sirdoonka Somaliland (Intellegence unit) ayaa maanta Jimcihii gacanta ku dhigay ilaa Lix qof oo lagu xidhiidhinaayo inay ka tirsanyihiin ama xidhiidh dhow la leeyihiin Kooxda Alshabaab.

Sida ilahaasi sheegeen dadka la qabqabtay ayaa waxaa ka mid ah Nin ay walaalo yihiin Amiirka Kooxda Alshabab Axmed Cabdi Godane, ninkaas oo xoguhu sheegayaan in beryahan Sirdoonka Somaliland ku dabajiray balse ugu danbayn Duhurkii lagu qabtay badhtamaha magaalada Hargeysa.

Sidoo kale dadka la qabqabtay Maanta waxaa ku jira laba nin oo laga shakiyey inay xidhiidh dhow la leeyihiin kooxda Alshabaab oo la qabtay maray ka soo baxeen Masaajid ku yaala badhtamaha suuqa weyn ee Hargeysa.

Ku darsoo waxaa isla maanta Kantaroolka Bariga Hargeysa isna lagu qabtay qof kale oo looga tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab.

Tu kale waxaa magaalada Berbera Maanta lagu qabtay Qof isna la sheegay inuu awel hore ka tirsanaan jiray kooxda Alshabaab balse shaqo ka helay hayada Sirdoonka Somaliland hase yeeshee aakhirkii dib ugu biiray Alshabaab.

Warar iyagana naga soo gaadhaya magaalada Burco ayaa sheegaaya in maanta halkaas ciidamada Amniga Somaliland ku qabteen nin looga shakisan yahay inuu haystay walxaha qarxa ama laysku qarxiyo kaas oo la sheegay inuu ku jiro gacanta ciidamada Booliiska.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxamed Bootaan oo maanta u anbabaxay dalka Itoobiya ayaa xogaha Qarannews heshay tibaxayaan inuu xilkii ka qaadey Taliyahii Sirdoonka Gobolka Hargeysa Muxsin Aw-cali.

Taliyaha Sirdoonka Somaliland ayaa xoguhu sheegayaan inuu maanta u dhoofay dalka Itoobiya si uu halkaas kulamo khaasa ugula yeesho Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Ingiriiska si ay u siiyaan xogo dheerada oo ku saabsan tuhunada iyo xogihii sababay digniintii ay u jeediyeen muwadiniintooda ku sugan Somaliland.

Isku soo wada duuboo waxaa isa soo taraaya xogaha u garaabaaya digniintii dawlada Britain u jeedisay muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland iyo kuwa quudaraynaayey inay u socdaalanba,waxaana taas xoojinaaya in durbaba isla maanta oo qudha ugu yaraan lix qof oo lagu xidhiidhinaayo kooxda Alshabaab lagu qabtay gudaha Somaliland.

Qarannews

No comments: