Sarkaalka Waaheen Xogta siiyay waxa uu intaas ku daray Ciidanka Booliiska Laascaanood waxay u soo dhaadhiciyeen dhinaca Hargeysa, balse ilaa hada ma cada sababta loo soo qabtay wiilka iyo gabadhaasi.
Dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo aanu goor dhaweyd la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino sababta Wiilka uu dhalay loo xidhay ayaa yidhi ” Inanka anigaa dhalay waxa ay wada socdaan Gabadh Reer Wajeer ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Booliiska waanu ka wada soconay qabashada Wiilka iyo Gabadha, waayo ma garanayo meel ay tagayaan laakiin waxaan doonayaa in la hubiyo oo baadhitaan lagu sameeyo” ayuu yidhi.
Feysal Cali Waraabe waxa uu intaas raaciyay ” Gabadhu waa Reer Wajeer markaanu ogaanay inaybaxsanayaan ayaanu baasaaboorkii ka qaadnay, xalay abaara kowdii habeenimo ayay Hutelkii ay deganayaan ka guureen, saaka kowdii ayuu JPS ku sheegay Burco inay gaadhi ka raaceen, markaa Laascaanood ayaa nasiib wanaag lagu qabtay, waxa aad moodaa in dabeecadiisii wax laga bedelay oo ay heleen kooxaha Xag-jirka ah. mar hore waxay isku dayeen inay Yeman tagaan laakiin waan ka joojiyay” ayuu raaciyay.
No comments:
Post a Comment