Monday, February 11, 2013

Al-shabaab oo nidar ku gashay Qaraxyo ay Somaliland ka fuliso iyo Xukuumada Somaliland oo Heegankii ugu Sareeyay Galisay Xoogagii Nabadsugida ee ugu tirada badnaa

Profile Photo: Ciidanka Qaranka Somaliland
Shirkii golaha Wasiirrada dawladda Somaliland ee Khamiistii doraad, ayaa isku raacay in amaanka dalka guud ahaan la adkeeyo isla-markaana laga feejignaado wax kasta oo amaanka qaranka khatar amni daro ku keeni kara.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu Guddoominayey Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku Simaha Madaxwaynaha, ayaa waxa Wasiirka wasaarada arimaha gudaha lagaga dhageystay war-bixin dheer oo ku aadanayd guud ahaan xaalada nabadgalyo ee wakhtigan uu dalku ku sugan yahay, waxaanu Wasiir Duur uu shirka uga waramay nabadgalyada dalka iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii aanu cadowgu uga heleen galdaloolo uu falalkiisa guracan uga faa’ideysanto.

Xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa markaa ka dib fadhigooda aad ugaga dooday xaalada amaanka iyagga ku salaynayey war-bixinta Wasiirka, waxaana doodaasi oo dheerayd ka dib la isku raacay in amaanka dalka guud ahaan la xoojiyo isla-markaana laga taxadaro mushkilado amni daro oo cadowgu dalka ka sameeyo.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in Guud ahaan dalka la galiyo Heegankii ugu sareeyay abid ee dhinaca sugida amaanka iyadoo durba la hawlgaliyay xoogaga kala duwan ee Nabadsugida.

Dhinaca kale waxa iyagana Ciidamo xoogan oo khibrad gaar ah leh lagu xoojiyay Madaarada dalka, kaantaroolada iyo meelo aan la magacaabin.

Tallaabooyinka noocan ah ayaa qayb ka ah qorshe xukuumada Somaliland ku sugayso amaanka dalka, maadaama oo ay soo baxeen dhawaaqyo lagaga dayriyey amaanka.

Dhinaca kale, wargayska Waaheen oo ka soo baxa caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in uu illo wareedyo u dhuun daloola kooxda Al-shabaab ay sheegayaan in shir ay dhawaan Madaxda Ururkaasi yeesheen ku go’aamiyeen in dhamaan Somaliya laga fuliyo Qaraxyo Ismiidaamin ah si ay sumcadii iyo Magacii ay Al-shabaab falalkaasi ku lahayd u soo noqdo. Sida ay xogahaasi sheegayaana waxa la sheegay Somaliland inay ka mid tahay meelaha ay dagaalkooda Is-miidaaminta ah ku fidinayaan.

Weerarada Is-miidaaminta ah ee ay Al-shabaab qorshaynayso in ay ka fuliso Somaliland  ayaa dabada ku haya Qaylo dhaanta Hay’adaha Siordoonka ee Matayakanka iyo Ingiriisku bixinayaan kuwaas oo ay suurtogal tahay sida ay u sheegayaan inay wax ka jiraan maadaama ay il-gaar ah ku hayaan cabsida ay kooxdaasi ku hayso Dunida.

No comments: