Monday, January 21, 2013

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Meesha Ka Saaray In Tixgalin Gaar Ah La Siiyo Somaliland Si Ay Uga Qaybgasho Shirka London Ka Dhacaya May 2013




Washington - Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cadeeyey in aanay jiri doonin tixgalin gaar ah oo Somaliland loo siiyo ka qaybgalka shirka lagaga wada hadli doono arimaha Soomaalida ee lagu qabanayo magaalada London bisha May ee sanadkan. Waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacada VOA-da, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku sheegay in maamulkiisu Somaliland u arko qayb ka mid ah Somalia, isla waxa uu shirka ka dhici doona London ku tilmaamay mid lagu qabanayo magaca Somalia.

Mar wax laga waydiiyey in qaabka ay Somaliland shirka uga qaybgalaysaa uu la mid yahay sidii kii ay ugaga qaybgashay shirkii London ee hore, waxa uu ku jawaabay inay Somaliland u aqoonsan yihiin qayb ka mid ah Somalia oo ay duruufo dhacay geeyeen halkay maanta taagan tahay arimahaasna laga wada hadli doono. Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo Raysal Wasaaraha Britain David Cameron ay wada jir u gudoomin doonaan shirka London, waxaanu intaas ku daray in durtaba ay sameeyeen gudi qaban qaabo labada dhinac ah iyo in hada lagu hawlan yahay diyaarinta ajandihii iyo martiqaadyadii loo kala dirayey wufuuda beesha caalamka uga soo qaybgali doona shirka.

Source: Haatuf Newspaper

No comments: