Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale |
Guddoomiyaha Golaha Sare ee kacaanku markii uu arkay
Axdiga Koowaad ee Kacaanka isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo Hay’ad
Nabad-sugideed,
Wuxu oggolaaday
isla markaana dhaqan-geliyay Xeerkan:
Qodobka: 1aad
(Dhismaha
Hay’adda)
Laga bilaabo 8da Jeeniweri, 1970ka, waxa la dhisay
Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed,
Qodobka: 2aad
(Hawl-wadeennada)
1. Iyada
oo la raacayo Amarka Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka, hawl-wadeennada NSS-tu
waxay ka koobnaan doonaan xubno laga soo wareejiyay ciidanka Xoogga dalka,
Booliska iyo qaybaha kaleba,
2. Hawl-wadeennada
NSS-ta waxa lagu maamuli doonaa, Xeerka Anshaxa ee Ciidammada Xoogga dalka iyo
wixii Xeerar kale jira. Xeerarkani waxay dhaqan-gal ahaanayaan ilaa inta
Guddoomiyaha GSK Xeerar u gaar ah Hay’dda NSS-ta u soo saarayo,
Qodobka: 3aad
(Sharciyadda)
Hay’addu NSS-tu waxay awood iyo sharciba u leedahay in ay
ka hawl-gasho dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo dhan. Sidaas oo kale
adeegyada iyo hawl-gallada NSS-ta haddii ay baahidu timaaddo, waxa lagu fidin
karaa dalka dibaddiisa,
Qodobka: 4aad
(Awoodda baadhista
iyo qabashada)
Hadddii ay dantu qasabto ama ay baahiduba timaaddo,
hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ u qaadan, waxay awood u
leeyihiin ama u idman yihiinba in ay baadhaan qof kasta, hantidiisa iyo gurigiisa
iyaga oo la wareegi kara hanti kasta. Waa haddii ay sidaa war ku helaan ama uu
jiro shaki xoog leh oo tilmaamaya in Qaranka denbi laga galay,
Qodobka: 5aad
(Awoodda ay
meelaha ay u baahdaan ku gelayaan)
Hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu waxay awood u leeyihiin
ay ku galaan meel kasta si ay baadhis ugu sameeyaan wixii la xidhiidha ammaanka
Qaranka,
Qodobka: 6aad
(Awoodda qabashada
iyo xidhista)
1. Hawl-wadeennada
NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ sidan waxay awood u leeyihiin in ay cid kasta
qabtaan/xidhaan,
2. Arrimaha
lagu soo qaaday Qodobbada 4aad, 5aad iyo 6aad, waa in iyada oo aan lala daahin
ama lala habsaaminba loo gudbiyaa Maxkamadda Badbaadada,
3. Maxkamadda
Badbaadada ee xil-gudashadan u idmani, marka ay hesho ogeysiinta Qodobbadan la
xidhiidha, waa in ay soo saartaa oggolaansho ay ku amrayso go’aan-qaadasho
kama-danbays ah,
4. Golaha
Sare ee Kacaanku (SRC) wuxu beddeli karaa ama dhinac iska dhigi karaa, iyaga oo
dhan ama qayb ahaan arrimaha lagu xusay Qodobbada sare,
Qodobka: 7aad
(La-shaqayn qasab
ah)
Marka laga reebo ergooyinka diblomaasiyadeed ee deggen
Jamhuuriyadda Soomaaliya, qof kasta oo Soomaaliyeed wuxu ku qasban yahay in uu
la shaqeeyo NSS-ta si ay u gutaan xilalkooda,
Qodobka: 8aad
(Baabi’inta
Hay’adihii hore ee jiray)
Marka la dhiso Hay’adda NSS-ta, waxa tir-tirmaya oo
baaba’aya Laantii Gaarka ahayd (Special Unit) ee Booliska iyo War-doonkii Sirta
ee Ciidanka Xoogga dalka, isla markaana faylashooda, agabkooda,
aarkiifiyadooda, gaadiidkooda iyo qalab kasta oo ay leeyihiinba waxay ku
wareejinayaan NSS-ta,
Qodobka: 9aad
(Xuquuqda iyo
hawl-gabka)
Inta Xeer u gaar ah laga soo saarayo, xuquuqda iyo
hawl-gabka hawl-wadeennada NSS-ta waxa lagu maamuli doonaa Xeerarka lagu
xaq-siiyo Ciidammada Qalabka Sida,
Qodobka: 10aad
Xeerkani wuxu dhaqan-gelayaa 8da Jeeniweri, 1970ka, waana
in lagu daabacaa, laguna baahiyaa Faafinta rasmiga ah,
Muqdisho, 15ka Feeberweri, 1970ka,
Saxeexa
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka (GSK)
Sarreeye Guuto Maxamed Siyaad Barre
(Tarjumad aan
rasmi ahayn oo aan anigu si degdeg ah u sameeyay si aad fikir uga qaadataan
xeerkan ummadda Soomaaliyeed ku reebay ma-hadhadan ilaa maanta ku taairiisiga ahaan.
Xidhiidhka Mareegta fadlan ka daalaco nuqulkii asalka ahaa ee Ingiriisiga ahaa)
Taliskii milleteriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre intaas
oo keliya iskuma uu koobin, bal se markii uu muddo joogaba baahi ka qarsoonayd
ummadda ayaa isaga hadba u muuqanaysay, markaa ayaa lagu dhaqaaqayay in Hay’ad
cadaadineed oo sir-doon la sameeyo, waxaana ka mid ahaa Hay’adahaa dhagareed ee
ummadda Soomaaliyeed lagu xasuuqay:
1. Guddidii
Baadhista ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed,
2. Hangashtii,
3. Halgankii
Hoose,
4. Iyo
qaar kale oo badnaa oo midiba mid basaasaysay kana daba-shaqaynayay,
Dadweynaha in ay daba-galaan ka-sokow, iyaga ayaa isku
maqnaa oo midiba mid daba-guraysay, meelo kala duwanna waa laga kala xukumayay.
Ilaa heer gobol iyo degmo ayuu dhismahoodu u soo dhaadhacayay. Ma in ay cidi ka
badbaadday ayaad u haysatan. Idinka waa idin ku sheeko.
Qoysaskii is-dhalay ee is-qabay ayaa is-basaasay.
Ardaydii iyo macallimiintii wax baraysay ayaa is-basaasay.
(La soco Qormada
8aad ………..)
No comments:
Post a Comment