Qoraa Sare Boobe Yuusuf Ducaale |
Intaas kuma ay koobnayn
e’, maansooyinkii iyo heesihii halkudhegyada noqday ayaa raacay. Sow tii
Cabdillaahi Suldaan, Timacadde lahaa:
“Dan Soomaaliyeed lama hayee, waa
dabbaal kale e’,
Shacbigii dagaalka u gala, daadsan
suuqyada e’,
Danbarkeedi Maandeeq nimaan, doonin
baa dhamaye,
Dastuur iyo qawaaniin ayaan, cidina
doon-doonin,
Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw
dabbaal-degine,
Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw
madhiyay,
Ee daasaskeennii wixii, yaallay lagu
doortay,
Dikhsi lama xisaabsanid haddaad, daw
ku kulantaane,
Dibjirkiyo haddaan lala hadlayn,
dumarka gaajaysan,
Goortaan horoo loo durkiyo, derejo
eegaayay,
Hadduun baa sidii Buul Duqeed, daaha
loo rogaye,”
Axmed Ismaaciil oo Qaasin,
loo yaqaannay markii uu ka yaabay arxan-darradoodii iyo dareen-la’aantoodii sow
kii laha:
“Dayaxaa la kala boobayaa, Dirirkii
cawleede,
Xiddigtii Dagaar iyo la dhaaf, Diillintii
Guray e’,
Dib baa Laxaha loo eegayaa, sacana
waa daafe,
Duqii samada lagu sheegayiyo, dide
Cir-jiidhiiye,
Dabaylaha rag baa kala yaqaan, dawga
loo maro e’,
Hadba waqalka dihin Ruushku waw,
doogsin-cararaaye,
Daruuraha la weeraray nin ogi, dib
uga faallooye,
Nin da’dii halkaa gaadhay oo, daallan
baan ahaye,
Hayeeshee dabkeedu ha ba’ee, doqoni
waa mooge,
Daab gudimo weli sooma jarin,
wiilashaan diraye,
Halka dunida lagu geeddi yahay,
deyiba maayaane,
Umaddii daryeel weli ma helin,
daacadda ahayde,
Sidii bay u dooyeysan tahay, damashii
weyneyde,
Sidii bay duleedadda dhar-li’I, ugu
dab-jeexaane,
Sidii baa du’ddada aar dhiciyo, dacaw
u joogaaye,
Sidii baa dugaag uga gurtaa, daaqa
xoolaha’e,
Sidii bay docii aqalladii, uga
daloolaane,
Sidii baa darroorimada iyo, daad u
gelayaaye,
Sidii baa degmadu ceelashii, ugu
dar-leeftaaye,
Sidii baa Ducaaloow biyaha, loo
dawariyaaye,
Sidii bay u daba goosi tahay, haradii
Doolloode,
Oo weliba dibindaabyo-iyo, diriri
joogtaaye,
Waa kaa dareersaday Axmaar,
dayr-cadkii dhalaye,
Denbi ku hadli mayo e’ ma arag,
dawladdaan rabaye,
Is-ma doorin gaalkaan diriyo, daarta
kii galaye,
Dusha midabka Soomaali baad, dugulka
mooddaaye,
Misna laguma diirsade qalbigu,
waadirkii Karal e’,
Meeshaan dad aan urursho iyo, darar
ka eegaayey,
Iyaba waa darxumo ii hadhaye, dacar
miyaan leefay,
Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu
soo laabtay,
Sidii aan deyeys nahay miyaan, dawgii
ka habaabay,”
Axmed Ismaaciil Diiriye oo
Qaasin loo yaqaannay wuxu sawirkan bixinayaa waa 1964kii. Bal hadda isu eega
xaaladda aynu maanta ku sugan nahay, iyo xaaladdaa murugada leh ee uu Qaasin
xilligaa fog sawirayay. Miyaanay maansooyinkani noolayn!
Haddii aynu godollo ka soo
qaadanno Xaaji Aadan Af-qallooc, sow kii isaguna lahaa:
“Tallaabada mid gaalkii shabbaha,
tegay ma-liibaane,
Adigoo wuxuun tabanayoo, tegay halkuu
joogo,
Kolkuu sida libaax raqi u taal,
qoorta kor u taago,
Oo uu ‘tayga’ luquntiisa sidhan,
taabto faraqiisa,
Oo in aad addoonkiisa tahay, taana la
ahaatay,
Oo aan dadkana taakulayn, calanna
taageerin,
Oo in uu adduun badan tabcado, taa
qudhaw jeeda,
Iyana waa tabaalaha waqtiga, taynu
aragnaaye,
Tu’ kaloo ka daran baa jirtee, taana
bal an sheego,”
Sawirkaasi waa kii taagnaa
1960kii ilaa 1969kii, markii ay ciidammadu taladii dalka qoriga ku
maroorsadeen.
Nidaamkii Maxamed Siyaad
malaha qiyaastii markii uu 10 sannadood xilka hayay, ayaa wax doorasho-ku-sheeg
ahaa lagu soo dhisay wax markaa la odhan jiray Golaha Shacabka oo dhoob-dhoob
ahaa. Berigaana dadweynuhu ma ay mahadin oo waxay ku suntadeen oo ay ula baxeen
‘Darka Sacabka’. Haddii aanan qaldanayn ama aanay xusuustayduba I dagayn, waxa
kale oo ay beryahaa dadweynuhu ula baxeen oo ay Golahaa ma-dhalayska ahaa u
qarin jireen ‘Shinbirayahow heesa.’ Hees ay Xaliimo Khaliif (Magool) qaadi
jirtay oo aan u malaynayo in uu Xasan Sheekh Muumin lahaa ayaa halkudheggaa
hadaaqa dadweynaha noqday laga soo qaatay.
Sow tii uu Muuse Cali
Faruur, maansadiisii Deelleeyda ee ‘Deelleey markhaati leh’ ku lahaa:
“Ummad uma danaynin e’,
Waa darajo-siin iyo,
Dibitaatiyaashaan,
Darka Sacabka geynnee,
Doorashada ku sheegnee,
Ma mid aan dareen iyo,
Dar Ilaah ku keennoo,
Danta hoos u eegnaa,
Nagamana dahsoonee,
Dadku waxay ogsoon yiin,
In ay tahay duruuftani,
Dalka maanta taallaa,
Mid la sii diyaarshoo,
Dan-yar lagaga xoogsado,”
(La soco qaybta 3aad ………..)
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment