(Gorfaynta Xeerka
Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo Qalinka) -
Xeer-dejin iyo Xukuumad is-xanbaar ah.
Qoraa Sare Boobe Yuusuf Ducaale |
“Waa ha hadlin,
Oo ha arkin,
Oo ha maqlin,
Waa habaar,
Waa habaar,
Waa habkaynu
nahee,”
Riwaayaddii ‘Kala-haab’, 1966kii,
Cali Sugulle Dun-carbeed,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com ,
www.dharaaro.com
Qormada: 1aad
Bilowga iyo
Ballaysinka:
‘Tabaaragga’ iyo Tiirka ‘Bir’ ah…….Waa tusbax kale…….waa
taxanaheennii oo tufkii iyo taxliishiiba wata…….Tummaati inagu soo maqan ayaynu
ka sii tabaabushaysanaynaa si aanay inoo taf-wareemin…….Si aynaan tubta toosan
uga lumin waa aynu is-tilmaamaynaa is-na toosinaynaa…..Maantana toddobku wuxu
ka dul hoorayaa Xeer la taseeyay oo tubtii uu lahaa, kii u talin lahaa ee
taakuleyn lahaa kala tallaabay.
Qudhu waa ‘qabax’ iyo quud aan qoryo loo guran…..Qabo waa
in qummaati loo carbiyay iyo qaniinyadoodii…….Qolo waa higsad loo quluulay oo
qiyamkii suubbanaa iyo qarannimadii lagu qasaalay…….Laba aan is-qaban…….Laba
aan isu qalmin……Waa laba aan is-qaadanayn……Qof kasta oo isku qaldaa qufac aan
hadhin iyo qunbacashuu ka qaadaa…….Xilliyada qaar waa dhadhaabtii dhamacda loo
quudhay ee Dun-carbeed kala qaab dhigay kana qayliyay in aan la isku
qaldin……Laba aan la isu quudhin oo aan isu qalmin: Waa Qaran iyo Qabiil……Qacdu
waa qori…..Qabtu waa qufullada albaabbadii qadhabida lahaa…..Qamtu waa
laambadihii kolka horeba qiiqayay oo la bakhtiiyay…….Qaaqdu waa qowsaarradii la
qallaxay ee ay nabarradu qudhmeen…..Qaylada iyo hayaaydu waa quruumo ka
qaylinaya qawlallada dhawaan la hoolinayo in la qodbo……Qiriricdu waa diric
birtii qoobabka loo sudhay xubnihiisii kala qaartay……Qasuumadu waa barbaarta
qulubka la luudaysa ee doonyaha qayrkood la qarraqmay ka
qoommamoonaya……Qamuunyadu waa debnaha qarracanka foolasha goostay ee qiirada la
qal-dhebaya.……Qiyaamuhu wuxu ka joogaa qalinka la doonayo in dawaaddii habaysay
la kala qariyo.……Qayladu waa shacbi qowdhamay oo aan qarqarsi iyo qoor-qabad
midnaba biyo ku qudh-qudhin……Waa dadkii qoriga iyo kaaraha qafilan qaaraha ku
furtay……..Qun baa lagu dhaqaa ummad ee qallooc laguma dayo……..Qaniimadda
Qarankuna qurbaan iyo qadhiidh u noqon meyso qof moodaya in ‘qusum’ wax lagu
qaybsanayo.
Waa qormooyin kooban oo taxane ah oo aan dadweynaha
Somaliland ku hoga-tusaaleynayo in aynaan maanta nooleyn xilliyadii Siyaad
Barre ee dadka la xuuraami jiray ee la dabo-geli jiray. Waa qormooyin kooban oo
taxane ah oo aan dawlad iyo dadweynaba ugu muujinayo in aynaan ku jirin
xilliyadii guuxa iyo dareemmada laga tarjumi jiray, bal se aynu ku jirno
xilliyadii la doobinayay ee la dhibi-shaxanayay. Maxaa la xuuraamaa haddii
qallaylkaba la iskugu xiirayo oo aan waxbaba la kala qarsanayn. Maxaa ciidan,
adduun iyo tamar kaleba laga luggoynayaa, kol haddii uu qofka wax maaggani
‘daahir yaa shamis’ kula hor imanayo wuxu tabanayo. Ma cid baa wax qarsata, sow
ta TV-yada iyo war-baahinta kale laga doobinayo. Xuuraanku xaggee ayuu markaa
ka imanayaa. Mise anigaan wax ogeyn e’ qaaddiradii qaxar ina soo maray ayaa
weli ina wada haysa, markaas ayaynu jibbada la qal-dhebaynaa. Bal adba!
Waa qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku
qaadaa-dhigayo: halka uu ka yimid Xeerka Sir-doonka qaranku? Halkii lagu soo
kariyay iyo intii xansaska iyo xaabada lagu huriyaba u doontay? Inta gacmood ee
iska beddeshay diyaarintiisii? Asalkiisu halka uu ka yimid iyo afafkii laga soo
minguuriyay qalin-daraalayntiisa? Inta lagala dhuuntay ee xaq u lahayd
ogaanshihiisa, intii la dhuumatay, intii u dhuumatay iyo sida aan la iskaga
xil-saarin oggolaanshihiisa ee la inoogu qariyay.
Waa qormooyin kooban oo taxane ah oo aynu ku eegayno sida
ay iskugu dhex daateen Golaheennii Wakiillada iyo Golaheennii Xukuumadda ee
kormeerka iyo dabo-galka isku lahaa. Ma maqli jirteen: “Heedhe dhanna inooma
fayooba.”
Xilow ba’! Haddii xaynka loo sudhay nimaan xilba
dhibayn……Nimaan xilba solin…….Nimaan ku xasilin…..Nimaan ku xamdiyin. Nimaan
xeer iyo xaagaanba wixii uu lahaa aan marin. Wixii laga xishoon jiray ayaa lagu
xarragoonayaa. Oo weliba inta xariir loo xidho lagu xafladaynayaa. Niman aynu
xulannay oo xoolaheennii ku doorannay ayaa xilkoodii baal-maray oo Xeerkan ina
xidh-xidhaya inagu xeeriyay. Xil-dhibaanno ayaynu u naqaannaa. Lixdankii markii
la is-raacay waxa loo yaqaannay ‘Dibitaatiyaasha’ iyo ‘Anuun baa nool.’ Magac
iska baxay ma ahayn, bal se wuxu ahaa mid loo xiddigiyay. Lixadannadii waxay
wadan jireen nimankaasi baabuur yar yar oo u badnayd Fiat, 1,100 (millecente D
ama R) ah. Waxa baabuurtaa yar yar ugu oolli jiray lambar laga horreysiiyay AN.
Labadan xaraf waxay u taagnaayeen ‘Assemblea Nazionale’ oo af Talyaani ahayd
una dhigmaysay ‘National Assembly’ oo loo tarjumi karo ‘Golaha Shacabka’.
Shacbigu markii ay arkeen dhaqankoodii dad-nacaybka ahaa iyo sidii aanay
ummaddii soo dooratay dan uga lahayn, waxay shacbigii ku suntadeen: ‘Anuun baa
Nool.’ Sidaas ayay dadku isku waafajiyeen lambarkii ay siteen iyo dhaqankoodii
danayn la’aanta, dillaalnimada iyo dadnimo-ka-baxa ahaa. Sida raha loo arko
xilli-roobaadka, ayaa iyagana loo arki jiray marka ay doorasho jirto oo keliya,
sida immikaba mararka qaarkood dhacda. Markaana hadhuudh cas-casaa oo kii
fardaha la siin jiray ahaa ayay dadka ula iman jireen.
Intaas kuma ay koobnayn e’, maansooyinkii iyo heesihii
halkudhegyada noqday ayaa raacay. Sow tii Cabdillaahi Suldaan, Timacadde lahaa:
(la soco qayta
2aad………………………………..)
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment