Sunday, January 6, 2013

Munaasibad uu xilka uu kula wareegayey Maayarka cusub ee Caasimada Hargeysa Eng.Yusuf Warsame Siciid

Munaasibad uu xilka uu kula wareegayey Maayarka cusub ee Caasimada Hargeysa Eng.Yusuf Warsame Siciid, ayaa maanta lagu qabtay Maglada Hargeysa gaar ahaan Hoolka Shaqalaha.

Munaasibadan oo si qurux badan loo soo Agaasimey ayaa wax ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxmaed Nuur Caraale Duur, wasiirka Cadaalada Xusseen, Guddomiye kuxigeenka koowad maxamed kaahin, wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh khaliil, maariyaha waakalada Biyaha, qaar ka mid ah maayiradii soo maray hargeysa, saladiin, aqoonayahano haween, dhalinayro, iyo Xildhibaanda Golaha deeganka ee la doortay.



Ugu Horeyan wax halkasi ka hadlay Badhsaabka Gobolka Maroodijeex Xamarji iyo Mareyaha wakalada Biyaha Hargeysa Ibraahin siyaad yoonis waxay illahay uga baryeen in uu xilkaasi loo dhibay maayirka iyo maayir ku-xigeenka ku asturo.

Wax kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Marwo Adna A
adan iyo wasiirka Cadaalada Xusseen Axmed Caydiid waxayna dardaaran u jeediyeen Xogaanka Cusub ee xilka lagu wareejiyey iyo Xildhibaanada kale ee golaha ka tirsan waxay xuseen in caasimada hargeysa oo baahiyo badan qaabta ay sugayso.




Maxamed Kaahin oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa ka
hadlay isaguna madashaasi waxanu hambalyo u diray maayarka cusub iyo golaha deegaanka ee caasimad kuwaas oo uu sheegay in looga fadhiyo sidii ay gudan lahaayeen xilka loo igmaday.

Maayarkii hore ee caasimada Hargeysa Eng:Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in mudadii uu xilka maayarka caasimada hayey ay u qabsoomeen waxqabadyo badan kuwaas oo uu tilmamaay inay u hir galeen sidii loogu tala galay, waxanu hoosta ka xariiqay in muddadii 10sanno ee xilka ay hayeen Shan sanno ay muran kaga dhamatay lakiin shantii sanno ee kale wax qabteen, waxanu tilmaamay in wadooyin badan ay ka hirgaliyee magalada hargeysa, bilicda magaladan ay hagaajiyeen, isaga oo sheegay in magaalooyin badan hargeysa la mataaneeyeen.

Maayirka Cusub ee Magalada Hargeysa.Eng. yusuf warsame Siciid oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa balan qaaday in ay u qorshaysan tahay in ay wax badan qabtaan.

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in maayarka cusub looga fadhiyo wax qabad, waxanu tilaamay in wax badan ay wasarada arrimaha guduhu la qaban doonto.





No comments: