Sunday, January 6, 2013

Boolis Ku Labisan Dharka Dhakhaatiirta oo Baadhaya Heerka Wacyiga Dadka

Ciidamadda Booliska ee dalka Turkiga ayaa xidhay, iyagoo iska dhigaya dhakhaatiir, koodhadh cadcad iyo sameecadaha dhagaha, ka dibna garaacayey guryaha dadka shacabka ah si ay u wacyi-galiyaan dadka.




Booliskan dhakhaatiirta iska dhigayey ayaa u sheegayay dadka inay ka baadhayaan dhiig-karka ka dibna waxay u siinayeen kiniin. Waxaana ka yaabiyey Booliskii markii 86 guri oo ka mid ahaa 100 guri oo ay booqdeen dadkii ku noolaa ay liqeen kiniinkii ay siiyeen. Ka dibna waxay dib ugu soo laabteen isla guryahii waxaanay dadka ka wacyigaliyeen inay feejignaan dheeraad ah falalka noocan oo kale ah u yeeshaan.

Kiniinaddan ay boolisku bixiyeen ayaa ahaa kuwo aan wax dhibaato ah lahayn. Waxaanay sheegeen boolisku inay tallaabadan ay qaadeen ee wacyi-galinta ah ay ka danbaysay markii ay soo baxeen kooxo tuugo ah oo dadka guryaha ku garaacaya, oo iska dhigaya dhakhaatiir dawladda ka socota, oo dadka guriga ku nool siinaya kiniino xoogan oo seexiya, ka dibna dhacaya oo raranaya dhammaan waxa guriga yaala oo dhan.

Isla talaabadan oo kale ayay ciidamadda Booliska Turkigu ka sameeyeen gobolo kala duwan oo dalkaasi ku yaala si ay dadka uga wacyigaliyaan tabaha ay la imanayaan tuugadda tallaabooyinka noocan oo kale ah adeegsanaya.

No comments: