Monday, January 7, 2013

Gawaadhida Jaadka oo Rasaas Ooda kaga Qaaday Kastamka Caynaba kuna Dhaawac ay Taliyaha Kastamka iyo Afar Askari

Rag hubaysan oo saaran gawaadhida shirkada jaadka 571 ee Ina Afdiinle ayaa rasaas ooda kaga qaaday Kastamka magaaladda Caynaba, waxana ku dhaawacmay Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Caynabo Saleebaan Maxamed 'Gorayo eri', Darawalkii Duqa magaalada Caynabo Cilmi Baaruud iyo 2 askari oo kale.

 Wararku waxay intaa ku darayaan in Maamulaha Kastamka Caynabo uu isagana dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur ka dib markii uu isku dayey inuu baabuurkiisa ku eryado baarbuurka jaadka ee falka gaystay balse uu la gadoomay baabuurkii uu watay.

Dhacdadan ayaa sida wararku sheegayaan ka dhalatay ka dib markii cashuurta qaadka la kordhiyey, balse ay ka dhaga-adaygeen baabuurta jaadku inay bixiyaan, taasina ay keentay inay xoog ku jiidhaan isla markaana ay rasaas ooda kaga qaadaan kastamka Magaaladda Caynabo. 

Dhinaca kale, taliyaha Kastamka oo gaadhi ka daba kaxaystay si uu u baacsado baabuurta qaadka ayaa isna gaadhigiisii la gadoomay, dhawaacna uu ka soo gaadhay shilkaasi.

No comments: