“waxaan sidaan berri inaan dhimanayo u huba in lacagtaasi uu Ciro musuq maasuqay isla markaasina ay tahay lacagta uu hadda ku furtay urur siyaasadeedka”
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Gud. Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gud. Xisbiga Wadan |
Hargeysa (Halbeegnews)-13/12/2013-
Ilaa 30-meeyo xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland oo
ka soo kala jeeda xisbiyada KULMIYE, UCID iyo xisbigii hadhay ee UDUB
ayaa xogo ay Halbeegnews helshay u xaqiijiyeen inay dhawaan golaha
wakiiladda keeni doonaan mooshin xilka xayuubin iyo dacwad ay ku
oogayaan guddoomiyahooda golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi Ciro oo ay ku eedeeyeen inuu musuq maasuqay lacag ku dhaw 3
ilaa 4 malyuun oo dollarka maraykanka ah oo ka mid ah miisaaniyadda
2-da malyuun ee dollar ah ee sannadkii la siiyo aqalka golaha wakiiladda
Somaliland.
Mudanayaashani oo qaarkood hadda ay ka
qayb gallayaan aaska Guddoomiyaha baarlamaanka Jibouti Jaamac Maxamuud
Xayd oo khadka telefoonka ugu waramaayey Halbeegnews ayaa sheegay in tan
iyo sannadkii 2005-tii aanu guddoomiyaha wakiiladda Cabdiraxmaan ciro
aanu habayaraate wax xisaab celin ah soo siin golaha wakiiladda sidii
loo bixiyey ama loo maamulay lacagahaasi labada malyuun ee dollarka
maraykanka ah oo sannadkii ah miisaaniyadda golaha wakiiladda la siiyo.
“sida laga warqabo golaha wakiiladdu
waxay hellaan lacag ka badan 2 Malyuun oo dollarka maraykanka ah
sannadkii oo ah miisaaniyadda golaha u soo hagaagta lacagtaasi qaybina
waxay tahay mushaharka mudanayaasha iyo shaqaalaha golaha wakiiladda
inta kalana waxaa loo qorsheeya hawlaha golaha wakiiladda, 7-dii
sannadood iyo badhkii aanu golaha joognay waraaq xisaab celin ah oo Ciro
iyo shirguddoonku ay golaha ku soo celiyeen ma jirto sida loo bixiyo
miisaaniyadda golaha, waxaan sidaan berri inaan dhimanayo u huba in
lacagtaasi uu Ciro musuq maasuqay isla markaasina ay tahay lacagta uu
hadda ku furtay urur siyaasadeedka” ayuu yidhi mudane Dable oo ka tirsan
golaha wakiiladda.
“xaashi dhawaan la soo mal-maluuqay oo
guddida joogtada ah loo keenay ayaa waxaa lagu yidhi 1 malyuun ayaa
sannadkii 2012 ku baxay safaradda dalalka dibadda waar ilaahayban idinku
dhaarye safarka halka malyuun ee dollar ah ee meel golahu ku tagay waa
ayo, waxaan ku nidhi noo keena tigidhaddii safaradda lagu gallay,
hudheeladdii la seexday iyo halkii loo baxay, weli waa la isku
maqanyahay, haddii musuq maasuq jiro oo uu cid aafeeeyey golaha
wakiiladda ayuu aafeeyey” ayuu yidhi Xildhibaan Dable
Halbeegnews ayaa dhawaan idiin soo gudbin doonta liiska mudanayaasha dacwada gudbinaya la soco
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment