Search This Blog

Monday, January 14, 2013

EEDO MUSUQMAASUQ OO GUDOOMIYAHA WAKIILADA C/RAXMAN CIRO LOO JEEDIYAY IYO MOOSHIN MAAMUUS KA XAYUUBINTIISA OO SOCDA

“waxaan sidaan berri inaan dhimanayo u huba in lacagtaasi uu Ciro musuq maasuqay isla markaasina ay tahay lacagta uu hadda ku furtay urur siyaasadeedka”

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Gud. Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gud. Xisbiga Wadan 
Hargeysa (Halbeegnews)-13/12/2013- 

Ilaa 30-meeyo xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland oo ka soo kala jeeda xisbiyada KULMIYE, UCID iyo xisbigii hadhay ee UDUB ayaa xogo ay Halbeegnews helshay u xaqiijiyeen inay dhawaan golaha wakiiladda keeni doonaan mooshin xilka xayuubin iyo dacwad ay ku oogayaan guddoomiyahooda golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo ay ku eedeeyeen inuu musuq maasuqay lacag ku dhaw 3 ilaa 4  malyuun oo dollarka maraykanka ah oo ka mid ah miisaaniyadda 2-da malyuun ee dollar ah ee sannadkii la siiyo aqalka golaha wakiiladda Somaliland.


Mudanayaashani oo qaarkood hadda ay ka qayb gallayaan aaska Guddoomiyaha baarlamaanka Jibouti Jaamac Maxamuud Xayd oo khadka telefoonka ugu waramaayey Halbeegnews ayaa sheegay in tan iyo sannadkii 2005-tii aanu guddoomiyaha wakiiladda Cabdiraxmaan ciro aanu habayaraate wax xisaab celin ah soo siin golaha wakiiladda sidii loo bixiyey ama loo maamulay lacagahaasi labada malyuun ee dollarka maraykanka ah oo sannadkii ah miisaaniyadda golaha wakiiladda la siiyo.


“sida laga warqabo golaha wakiiladdu waxay hellaan lacag ka badan 2 Malyuun oo dollarka maraykanka ah sannadkii oo ah miisaaniyadda golaha u soo hagaagta lacagtaasi  qaybina waxay  tahay mushaharka mudanayaasha iyo shaqaalaha golaha wakiiladda inta kalana waxaa  loo qorsheeya  hawlaha golaha wakiiladda, 7-dii  sannadood iyo badhkii aanu golaha joognay waraaq xisaab celin ah oo Ciro iyo shirguddoonku ay golaha ku soo celiyeen ma jirto sida loo bixiyo miisaaniyadda golaha, waxaan sidaan berri inaan dhimanayo u huba in lacagtaasi uu Ciro musuq maasuqay isla markaasina ay tahay lacagta uu hadda ku furtay urur siyaasadeedka” ayuu yidhi mudane Dable oo ka tirsan golaha wakiiladda.


“xaashi dhawaan la soo mal-maluuqay oo guddida joogtada ah loo keenay ayaa waxaa lagu yidhi 1 malyuun ayaa sannadkii 2012 ku baxay safaradda dalalka dibadda waar ilaahayban idinku dhaarye safarka halka malyuun ee dollar ah ee meel golahu ku tagay waa ayo, waxaan ku nidhi noo keena tigidhaddii safaradda lagu gallay, hudheeladdii la seexday iyo halkii loo baxay, weli waa la isku maqanyahay, haddii musuq maasuq jiro oo uu cid aafeeeyey golaha wakiiladda ayuu aafeeyey” ayuu yidhi Xildhibaan Dable


Halbeegnews ayaa dhawaan idiin soo gudbin doonta liiska mudanayaasha dacwada gudbinaya la soco

No comments: