Sunday, January 6, 2013

Laba Ciidan Beeleed oo qarqarka u saaran in ay ku dagalaamaan gacan ku haynta Degmada Saylac

Wararka naga soo gaadhayay Xalay Degmadda Saylac ayaa sheegaya in laba Ciidan Beeleed oo ka kala tirsan Beelaha Ciise iyo Samaroon ay isku Urursadeen Deegaamadda Degmadda Saylac ee Bariisle iyo Fiqi Aadan oo ka tirsan Gobolka Salal.Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobolkaasi mid ka mid ah Ciidan Beeleedyadaasi waxa uu sheegay shalay inay u tageen Badhasaabka Gobolka Salal iyo Taliayaha Qaybta Booliiska balse waxa ay ku guul daraysteen inay kala kaxeeyaan Ciidan Beeleedkaasi oo degay buurta u dhaw Bariisle.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ciidan Beeleedka kale ee ka soo jeeda Beesha Samaroon in ay iyana shaly galab isa soo urursadeen oo ay degeen Duleedka tuuladda Fiqi fuliye, kuwaasoo difaac ka galay balse labada dhinac ilaa hada mid kood-na ma uu samayn wax talaabo ah.Xaalada Deegaanka Saylac ayaa u muuqda mid kacsan oo aanay Xukuumaddu ilaa hada wax xal ah u haynin, waxaanay ilo wareedyo u dhaw Xukuumaddu Waaheen u sheegeen in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur Madaxtooyadda ku war geliyay in dhakhso wax looga qabto, hase yeeshee wax talaabo ah oo ilaa hada la qaaday ma jirto.

No comments: