Tuesday, January 15, 2013

Abwaan Hadraawi oo ka Waramay Shaqsiyadii Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd Eebe Naxariistiisa Jano Haka Waraabiyee.


Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi

"waxaanu ummadda u ahaa iftiin iyo cadceed oo waxa uu ahaa nin aragti fog oo aqoonyahan ah, isla markaana bulshada noocwal oo ay tahay u jajaban oo hadii Ilaahay ka dhigo gacan leh"


Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi oo waraysi uu siiyay Wargayska Haatuf waxa uu kaga hadlay Shaqsiyadii iyo Sifooyinkii uu lahaa Guddoomiyihii Baanka dhexe ee Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo maalintii Jimcihii ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isla markaana tacsi u diraya Shucuubta labada dal ee Djibouti iyo Somaliland, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Alle ha u naxariistii Jaamac Maxamuud Xayd saaxiib ayaanu ahayn oo waxa uu ahaa nin lagu soo hirto oo raganimadiisa iyo waxtarkiisa aan la malayn karin, waxaanu ummadda u ahaa iftiin iyo cadceed oo waxa uu ahaa nin aragti fog oo aqoonyahan ah, isla markaana bulshada noocwal oo ay tahay u jajaban oo hadii Ilaahay ka dhigo gacan leh. Aniga oo aan caawa halkan ku dhamaynkaraynin raganimada iyo shaqsiyadii fiicnayd ee Alle ha u naxariistee Jaamac Maxamuud Xayd”



Isagoo hadalkiisa sii wata Hadraawi waxa uu intaa ku daray “waxaan leeyahay geeridu waa xaq ee Ilaahay ha u naxariista oo Janooyinkiisa ha ka waraabiyo isagaa awood lehe. Shaqsiyadiisa iyo miisaanka uu ummada ku lahaa Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd waxa aad ka garankartaa sidii markii geeridiisa la soo sheegay looga dareemay gayiga Soomaalida oo dhan laga oogsaday, isla markaan dadku ay aad uga naxeen oo ay bulshadu cadaysay shaqsiyadiisa dhabta  ah iyo qofkii uu ahaa Alle ha u naxariistee.



Abwaan Hadraawi waxa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay “Mida kale Jaamac Maxamuud Xayd waxa uu ka tagay reer oo ummad dhan ayuu ka baxay Alle qabriga ha u nuuriyee, waxaanan jeclahay inaad tacsi iga gaadhsiisaan oo aad kaw ka dhigtaan qoyskii uu ka baxay, laba waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu ina siiyo badelkii Jaamac Maxamuud Xayd. Mida kale geeridu waa xaq oo xaqii ayaa helay Marxuum Jaamac laakiin waxa inala gudboon inaynu u ducayno oo aynu xusno sidaan filayo-na aaskiisii xalay ayuu dhacay oo waanan ka xumahay inaan goobtaas ka maqnaado, waxaanan hadalkayga ku soo koobayaa Alle ha u naxariistee Jaamac Maxamuud Xayd waxaynu ku xasuusan doonaa raganimadii iyo sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa”.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment