"waxaanu ummadda u ahaa iftiin iyo cadceed oo waxa uu ahaa nin aragti fog oo aqoonyahan ah, isla markaana bulshada noocwal oo ay tahay u jajaban oo hadii Ilaahay ka dhigo gacan leh"
Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi oo waraysi uu siiyay
Wargayska Haatuf waxa uu kaga hadlay Shaqsiyadii iyo Sifooyinkii uu lahaa Guddoomiyihii
Baanka dhexe ee Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo maalintii Jimcihii ku
geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isla markaana tacsi u
diraya Shucuubta labada dal ee Djibouti iyo Somaliland, waxa uu hadalkiisa ku
bilaabay “Alle ha u naxariistii Jaamac Maxamuud Xayd saaxiib ayaanu ahayn oo
waxa uu ahaa nin lagu soo hirto oo raganimadiisa iyo waxtarkiisa aan la malayn
karin, waxaanu ummadda u ahaa iftiin iyo cadceed oo waxa uu ahaa nin aragti fog
oo aqoonyahan ah, isla markaana bulshada noocwal oo ay tahay u jajaban oo hadii
Ilaahay ka dhigo gacan leh. Aniga oo aan caawa halkan ku dhamaynkaraynin
raganimada iyo shaqsiyadii fiicnayd ee Alle ha u naxariistee Jaamac Maxamuud
Xayd”
Isagoo hadalkiisa sii wata Hadraawi waxa uu intaa ku daray “waxaan
leeyahay geeridu waa xaq ee Ilaahay ha u naxariista oo Janooyinkiisa ha ka
waraabiyo isagaa awood lehe. Shaqsiyadiisa iyo miisaanka uu ummada ku lahaa
Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd waxa aad ka garankartaa sidii markii geeridiisa la
soo sheegay looga dareemay gayiga Soomaalida oo dhan laga oogsaday, isla markaan
dadku ay aad uga naxeen oo ay bulshadu cadaysay shaqsiyadiisa dhabta ah iyo qofkii uu ahaa Alle ha u naxariistee.
Abwaan Hadraawi waxa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay “Mida
kale Jaamac Maxamuud Xayd waxa uu ka tagay reer oo ummad dhan ayuu ka baxay
Alle qabriga ha u nuuriyee, waxaanan jeclahay inaad tacsi iga gaadhsiisaan oo
aad kaw ka dhigtaan qoyskii uu ka baxay, laba waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu
ina siiyo badelkii Jaamac Maxamuud Xayd. Mida kale geeridu waa xaq oo xaqii
ayaa helay Marxuum Jaamac laakiin waxa inala gudboon inaynu u ducayno oo aynu xusno
sidaan filayo-na aaskiisii xalay ayuu dhacay oo waanan ka xumahay inaan
goobtaas ka maqnaado, waxaanan hadalkayga ku soo koobayaa Alle ha u naxariistee
Jaamac Maxamuud Xayd waxaynu ku xasuusan doonaa raganimadii iyo sifooyinkii
wanaagsanaa ee uu lahaa”.
No comments:
Post a Comment