| Monday, 31 December 2012 |
|
Dalka Jamhuuriyadda
Somaliland waxa ka jira sharci dhaqan-gal ah oo waajibinaya in la
diiwaangeliyo hantida xildhibaannada cusub ee golayaasha degaanka si loo
ogaado mudane kasta maalkiisa ka hor inta aannu bilaabin shaqada qaran ee loo doortay.
Sida ku cad Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr. 23/2002 oo madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku dhaqan-geliyey digreeto lambarkeedu yahay 283/2007, soona baxday 24 June 2007, waxa waajib ah in xildhibaanka goleyaasha degaanka ee la doorto muddo bil gudaheed ah lagu diiwaangeliyo hantidiisa gaar ah mood iyo noolba si loogula xisaabtamo muddada uu xilka hayo wixii ku soo kordha maalka loo diiwaangeliyey markii la soo doortay. Qodobka 22aad ee xeerkaas oo lagu caddeeyey waajibnimada diiwaangelinta hantida xildhibaannada golaha degaanka iyo qaabka loo kaydinayo, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhigan yahay sidan: “Qodobka 22’aad DIIWAANGALINTA HANTIDA MUDANAYAASHA 1. Mudanuhu wuxuu bil gudaheed marka la doorto ku diiwaangelinayaa hantida uu leeyahay mood iyo noolba. 2. Xoghayaha Fulintu wuxuu samaynayaa, ilaalinayaa, kaydinayaa diiwaanka hantida mudanayaasha.” Ujeeddooyinka ka dambeeyey diiwaangelinta hantida mudanayaasha cusub ee degaanka, ayaa u muuqata mid lagula dagaalamayo musuqmaasuqa iyo sidii xildhibaannada looga ilaalin lahaa inay hantida ummadda boobaan, maadaama diiwaan lagu hayo mid kasta hantidiisa gaarka ah, isla markaana lagu ogaanayo maalka u soo kordha muddada uu xilka qaranka u hayo. Dhinaca kale, waxa uu Jamhuuriya akhristayaashiisa iyo bulshada Somaliland u soo gudbinayaa qaabka loo maamulayo fadhiga u horreeya ee golaha cusub ee degaanka la doortay, habka loo dooranayo Maayirka iyo Maayir-ku-xigeenka iyo weliba doorka Wasiirka Daakhiligu ku leeyahay fadhigaas, iyadoo la raacayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka dalka. Sida sharcigu dhigayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku dhawaaqaya maalinta fadhiyada golayaasha degaanka, isagoo muddo 15 maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta xildhibaannada cusub la dhaariyo warbaahinta ku faafinaya furitaanka fadhiyada golayaasha degmooyinka Somaliland. Haseyeeshee, haddii wasiirku tallaabadaas ku guuldaraystana golayaashu iskood bay u kulmayaan oo fadhiyadooda u qabsanayaan. Qodobadda 62aad iyo 63aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka, ayaa qeexaya hannaanka loogu dhawaaqayo fadhiyada golayaasha degaanka iyo qaabka loo dooranayo maayirka iyo maayir-ku-xigeenka. Labadaas qodob oo faahfaahsan waa sidan: “Doorashada duqa iyo ku-xigeenkiisa: Qodobka 62’aad 1. Laga bilaabo maalinta ku dhawaaqidda Maxkamdda Gobolka natiijada kama dambaysta ah ee doorashada mudanayaasha cusub, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu wuxuu ku dhawaaqayaa maalinta fadhiyada golayaasha deegaannada ee demooyinka dalka ay qabsoomayso, isagoo ka baahinaya warbaahinta, (15) casho gudohood. 2. Haddii wasiirku ku dhawaaqi waayo, gole walba isaga ayaa iskii u kulmaya (10) casho gudahood oo ka dambaysa (15) casho ee hore. 3. Kulanka ugu horreeya waxa guddoominaya, isla markaana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka amma garsoore uu u igmaday oo ka tirsan kuwa gobolka iyo kuwa degmooyinka gobolkaas ka tirsan. 4. Fadhigaas lagu dhaarinayey mudanayaasha waxa guddoonka shirka lagu wareejinayaa mudanaha ugu da’da weyn, waxana lagu dooranayaa Duqa iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo ay goob-joog ka yihiin garsoorayaashii dhaariyey. Qodobka 63’aad Habka doorashada duqa iyo ku-xigeenkiisa: 1. Duqa Degmada iyo ku-xigeenkiisa doorashadoodu waa keli-keli, lammaane maaha. 2. Marka la magaacabo ama uu isu sharraxo hal murrashax in loo doorto duqa amma ku-xigeenkiisa, wuxuu shirguddoonka fadhigu ku dhawaaqayaa codayntii iyo natiijadii codbixinta. 3. Marka laba murrashax amma ka badan la soo jeediyo amma ay isu taagaan in loo doorto Duqa ama ku-xigeenkiisa, habka doorashadu waxay noqonaysaa gacan-taag oo ku ansaxaysa cod hal (1) dheeri ah,” ayuu yidhi qodobku. |
This is where you can follow the important socio-economic, geopolitical and security developments, going inside the Republic of Somaliland and Horn of Africa region
Search This Blog
Saturday, January 5, 2013
Diiwaangelinta Hantida Xildhibaannada Golayaasha Degaanka Somaliland Iyo Sharciga Waajibinaya
Friday, January 4, 2013
Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer ayaa usoo jeediyay Xisbiga mucaarirka ah ee Wadani in oo Mucaarid-nimadiisa Muujiyo
Cuqaasha
iyo waxgaradka gobolka Togdheer ayaa usoo jeediyay Xisbiga mucaarirka
ah ee Wadani in oo mucaarid-nimadiisa muujiyo isla markaana uu ka
qaybqaato ka hortaga marxaladaha siyaasadeed ee wadanka ka jira iyo
arimaha bulshada.
Madax-dhaqameedkan ayaa sidaasi ku
sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga Wadani ku xusaayay
xisbinimadiisa uu kaga midka noqday Sedexda xisbi Qaran ee Somaliland
usoo baxay ,taasi oo ka dhacday Hoteelka Cigaal ee magaalada Burco oo ay
ka soo qaybgaleen dadweyne aad u farobadan oo ka tirsanaa
taageerayaasha xisbigaasi iyo masuuliyiintiisa gobolka Togdheer.
Caaqil Siciid Muxumed Marti-ilaaq oo
ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa
hadaladiisii ka mid ahaa ." Anagoo ku faraxsan guusha Xisbiga ka gaadhay
doorashadii dalka ka qabsoontay ,waxa looga baahanyahay xisbigu in uu
noq-do xibi mucaarid oo sheega dhaliisha jirta iyo halka ay dawladu ka
qal-dantahay oo uu jawaab cad ka bixiyo si uu uga faa´idaysto oo uu
dadka usoo jiito ,hadii kale Xisbiga waa laga sii soconayaa oo ma hanan
karayo madaxweynanimada hadaanu waxa jira sheegin ,taasina waa xaqiiq
markaa waxaanu leenahay xisbigu ha is cadeeyo ilayn waxa lagu doortay
waa siyaasade ,waxa dadka lagu kala jiidanayaana waa siyaasad " Sidaasi
ayuu caaqilku hadalkiisa kaga baxay.
Chief. Caaqil Cabdi Cali X.Cabile oo
isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. " Waxaanu idiin dooranay in aad
noqotaan xisbi mucaarid ah ,oo ka hadla siyaasadaha jira iyo marxaladaha
uu dalku ku jiro ,anagu madax-dhaqameed idiinmaanu dooran ,markaa waxa
loo baahanyahay maadaama Xisbigi noqday xisbi Qaran in aad la
jaan-qaadaan siyaasadaha socda ,iyo qaladaadka wadanka ka jira oo aydaan
ka aamusin idinkoo aan cidna dhinaca saaraynin " Sidaasi ayuu Cabdi
Cali yidhi waxaanu u mahad-naqay guusha uu xisbigu ka gaadhay
.doorashadii wadanka ka dhacday.
Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee gobolka
Togdheer Xuseen Kaahin Xayd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo
dhaweeyay guusha xisbigoodu gaadhay ,waxaanu ku wargaliyay
taageerayaasha Wadani ee Togdheer iyo bulshada kale-ba in Xisbiga Wadani
uu yahay xisbi mucaarid ah isla markaana noqon-doono mucaarid wax dhisa
oo aan waxba dumin dhaliilaha jirana uu ka hadli-doono.
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay
isla markaana soo dhaweeyay guusha Xisbiga Wadani kaga midka noqday
Sedexda xisbi Qaran Caaqil Maxamed Biixi ,Jaamac Sidiiq ,Cabdikariin
Yuusuf Maxamed iyo marti sharaf kale kuwaasi oo dhamaantood balan-qaaday
in ay taageero mugleh la garabtaaganyihiin Xisbiga Wadani..
Cilmi-badhayaal Ingiriis ah ayaa beeniyey in maadada nikotiinta ee ku jirta sigaarku ay yarayso murugada
Cilmi-badhayaal
Ingiriis ah ayaa beeniyey in maadada nikotiinta ee ku jirta sigaarku ay
yarayso murugada, taasoo daraasado hore sheegeen in marka qofku
cadhoodu hadduu sigaar cabbo uu hoos u dhacayo heer kulka dhiiggiisa ee
cadhada sababay.
Saynisyahannadan oo cabbiraad ku
sameeyey 500 qof oo dadka sigaarka aadka u cabba ah, kuwaasoo ku jiray
xaalad cadho, isla markaana waqtigaassigaar cabbayey, ayaa lagu ogaaday
inaan cadhadoodu hoos u dhicin, sidoo kalena kor aanay u kicin.
Shantii qofba mid ka mid ah dadka
tijaabada lagu sameeyey, ayaa sheegay inuu sigaar badan cabbo marka uu
cadhoodo, taasina aanay waxba ka dejin, balse naftiisa ku samirsiiyo.
Dadka cilmi-baadhistan ka qaybgalay oo
waqtigii la tijaabada lagu sameeyey aad u cabbi jiray sigaarka, ayaa la
xaqiijiyey in murugadu aad ugu badan tahay, laakiin lix bilood kadib oo
ay badankoodu qiijintii sigaarka joojiyeen ay sidii hore ka farxad
bateen.
Cilmi-baadhistan oo ay si gaar ah u
hirgeliyeen khubaro ka kala socday jaamcadaha Oxford iyo King?s College
London ayaa lagu yidhi; ?Rumaysnaanta in sigaarku yareeyo murugada waa
wax jiray, balse waa shay aad u khaldan oo aan waxba ka jirin, waxana
dhab ah in sigaarku kor u qaado murugada iyo cadhada, waana in dadka
sigaarka cabbaa sidaas la socdaan.?
Daraasaddu waxay intaa ku dartay in
dhibta ugu badan ay la soo daristo dadka iyagu damca inay sigaarka
joojiyaan, hase ahaatee ku guuldarraysta inay ka midho-dhaliyaan
go?aanka ay qateen, isla markaana dib ugu noqda cabbista sigaarka,
iyagoo tilmaamay inay baadhitaan dheeraad ah ku samayn doonaan sababaha
dadka joojiyey qiijintiisa ee dib ugu ku noqda in dhibaato weyn oo
caafimaad soo gaadho.
War Degdeg ah Ceelka Dameera Boob ee ay Xoolaha iyo Dadku Ka Cabaan oo Jabey iyo Kumanaan Xoolo ah oo Dul Hoganaya
Friday, January
04, 2013
Ceelka Dameera-Boob ee ay Biyaha ka cabaan Sanad kasta
xiligan dabayaaqada jiilaalka Xoolaha ugu badan ee Deegaanada Bariga Kililka
Shanaad iyo nawaaxiga Tuulooyinka Somaliland ee ku teedsan Xuduuda Itoobiya iyo
Somaliland u dhexeysa ayaa maanta jabey kadib markii ay dumiyeen Biro cusub oo
lagu gurey dhawaan Ceelklaasi
Maamulaha Ceelka Dameera-Boob Cabdi Hirad Ismaaciil ,oo
khadka isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews,
isagoo ku sugan Ceelka Dameera-Boob ee jabey oo Shan kiiloo mitir dhinaca
Galbeed ka xiga Magaalada Alleybadey ayaa Qeylo dhaan culus u gudbiyay Guud
ahaanba Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Maamulada Degmooyinka iyo
Gobolka Gabiley, si loogu soo Gurmado dhibaatada xiligan ka timid Ceelkaas oo
sida uu Sheegay ay Dul hogayaan Kumanaan Xoolo ah oo u badan Geel oo Ceelka
Dameera-Boob uga soo aroorey Deegaano aad u fog oo ah deegaanada Bari ee
Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo Dhulka Xoola Daaqeenka madarka Sare.
"Waxaa Dumay oo Ceed kusoo gambiyay Gudaha Ceelka
Biro dhawaan lagu gurey Ceelka Cusub marka Mushiinka la istaadho ayuu is
bakhtiinayaa isagoo, markii hore soo qaadey Ciid ciladan oo aanaan ilaa hada
anagu garaneynin waxa mar kaliya isla oogsadey kadib markii Ceelku jabey
Kumanaan Xoolo ah oo u badan Geel oo dhul aad u fog uga soo Aroorey Ceelkan
dameera Boob oo ay Sanad walba Xiligan oo kale Aroorkoodu habeeno usoo dhaxa
hadaba waxaanu si degdeg ah uga codsaneynaa Wasaarada Macdanta iyo Biyihu in ay
noosoo Gurmadaan, oo Maamulka Gabiley iyo ka Degmada Alleybadeyna noo qeylyaan
Xaaladu aad ayay u adag tahey waxaana dararka Ceelka dul hoganaya Guul ooman oo
bahaayinkaas ah hadaba waxaanu Codsaneynaa in Si degdeg ah naloogu soo
Gurmado"Sidaa waxa Yidhi Maamulaha Ceelka Dameera Boob Cabdi Hirad
Ismaaciil.
Ma aha Markii u horeysay ee uu sidan oo kale oo jabo
Ceelka Dameera-Boob oo shan kiiloo mitir qiyaastii dhinaca Galbeed ka xiga
Magaalada Alleybadey waxaaney Sanadkii kal sadexaad markii uu sidan oo kale
degdeg ugu jabey Ceelkani iyadoo, ay dul hoganayaan Kumanaan Xoolo ah oo ay
Qaarkood usoo dhexeen Geediga oonka Shan iyo Toban Caana-Maal xiligaas oo ay
Wasaarada Macdantu si degdeg ah ugu gurmatey.
Thursday, January 3, 2013
Markab Cusub oo Nooca Xamuulka ah oo uu soo iibsaday Ganacsade reer Somaliland ah oo Shalay ku soo xirtay Dekeda Berbera
![]() |
| MV IDIL SHIP |
Markabkan oo ah nooca xamuulka (cargo) qaada ayaa sida uu sheegay mulkiilaha markabkani Cabdcasiis Sisto waxaa uu ka dhex shaqayn doonaa dekadaha wadamada gacanka carabta iyo khaliijka iyo dededa Berbera, ganacsatada dalkana wax badan ayay uga faa'iidaysan doonaan markabkan oo tanaaasulaad ah haddii EEBE idmo.
Markabkan ayaa tankiisu yahay 3000 oo tan waana cusub oo seefitigiisu wanaagsan yahay,
Markabakan ayaa hadaba saaka loogu wanqalay dekada berbera ama loogu duceeyay iyadoo xafladaa loo sameeyay aay kazoo qayb galeen madaxda dekada oo uu ugu horeyo marreeyaha cali cumar maxamed xoor xoo,mareeye ku xigeenka labaad ee dekada mustafe maxamed yoonis, badhasaabka gobolka saaxil cali maxamed cilmi,maayorka berbera cabdishakuur maxamuud xasan cidin iyo madax kale oo goob jog ka ahayd ,
Ugu horayn masuul ku hadlayay afka maamulka markabka ayaa sheegay in aay aad ugu faraxsanyihiin shaqda uu markabkani ka bilaabayo dekada berbera ,ganacsatada reer Somaliland na uu faaiido u yahay in sii rartaan soona rartaan markab aay leeyihiin rarkoodana si wanaagsan u xafidaya,
Waxa kale oo uu masuulkani u mahadnaqay madaxda sare eedekada iyo gobolkaba ka socday ee munaasibadan kazoo qayb galay.
Mareeye ku xigeenka labaad ee dekada berbera mustafe maxamed yoonis ayaa isna siwayn usoo dhaweeyay markabkan iyo mulkiilahaba waxaanu ku balan qaaday maamul ahaan in aay si hufan ugu shaqayn donaaan ,wixii talo iyo khibradana maamulka dekadu ula diyaryahay markabkan cusub ee kusoo biiray Asadka ganacsatada Somaliland waxaa oo uu yidhi yidhi maareeye ku xgeenka dekada berbera hambalyo hambalyo ganacsatada kale ee awoodaana haku daydaan mulkiilahah markabkan oo badeeena aaynu dhinacwalba uga faaiidaysano,
Badhsaabka saaxil cali maxamed cilmi oo hadalo kooban soo jeediyay ayaa isna yidhi , horta waan ku hambalyaynayaa mulkiilaha bada soo camiray iyo dekadaba waxaanan ilaahay ka rajaynayaa ayuu yidhi badhasaabku in qaar kan ka tan badana uu keeni doono ,waxaana leeyahay ayuu ydhi iyadoo hada jaamacadii badanu inoo shaqaynaysa in aay ganacsatadu ka qayb qaataan ka faaiidaysiga bada laguna dhiirado sidii aynu bada uga faadiidaysan lahayn, maamulka dekadana waxaan filayaa maadaama uu markabku yahay somalilander kana xigo kuwa kale wixii tanaasilaad ah in looga fadhiyo lana dhiiri galiyo milkiilaha markabka,
Ugu danbayna maayorka berbera cabdishakuur maxamuud xasan cidin ayaa wuxuu yidhi ,
Horta waa sanad cusub maalintiisii kowaad waxaanu inoogu bishay waxyaabo cusub sida dhisme hotel oo casri ah oo saaka aaynu xadhiga ka jarnay iyo hada oo aynu u wanqalayno markabkan cusub ee ganacsadaha somalilanderka ahi soo iibsday waana inoo farxad waanan soo dhawynaynaa cidkasta oo horumark dalka ka qayb aadanaysa,mida kale naguna maamul ahaan waanu cusubnahay markaa waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu sanadkan inooga dhigo mid riyadeenu inoo wad rumawda inteeda khayrku ku jiraa.
Source URL: http://waaheen.com/?p=56660
Wednesday, January 2, 2013
Monday, December 31, 2012
Mudaharaadyo Xoogan oo Shacbiga Magaalada Boorama Sameeyeen iyo Ciidamada Booliska Somaliland oo u addeegsaday Rasaas Nool Dadwaynihii Mudaharaadayay taasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac
Boorama – saakay xaalada magaalada Boorama
ee xarunta gobalka Awdal waxa ay ahayd mid degan balse daqiiqado ka hor
Barqanimadii maanta (11:15 AM) waxaa ka bilowday bartamaha suuqa weyn ee
Boorama dibadbax xoogan oo rabshado wata, waxaana halmar guud ahaan Boorama
laga maqlay Rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ciidamada Booliska & kuwa
Militariga ku ridayaan dhalinyarada gadoodsan ee maalintii labaad dibadbaxyada
ka sameynaya gudaha magaalada Boorama.
Dhalinyarada
dibadbaxyada sameyneysa ayaa ka cadhaysan qaabka Xukuumada Somaliland u
faragalineyso doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday degmada Saylac ee
gobalka Awdal, halkaasoo qaar kamid ah Xildhibaanadii Beesha Samaroon ugu soo
baxay golaha deegaanka degmada Saylac ay doorteen Maayar beeshaasi kasoo
jeeda, waxaana diiday in Maayarkaasi la
dhaariyo Maxkamada Degmada Saylac oo wakiil ugu aheyd Dhaarinta Wasaarada
arimaha gudaha Somaliland, iyadoo dhanka kale ay arintaasi ka biya diideen
Xildhibaanada degmada Saylac ugu soo baxay Beesha Ciise oo iyaguna wata Maayar
kale oo beeshooda kasoo jeeda, waxeyna dadka dibaxyada sameynaya gubayaan
taayirada baabuurta iyagoo guud ahaan xidhay wadooyinka halbowlaha u ah isku
socodka magaalada oo dhagxaan waa weyn ku xidhay iyagoo ku dhawaaqaya erayo ay
ku sheeganayaan magaalada Saylac kagana soo horjeedaan faragalinta Xukuumada
Somaliland ay degmadaasi ku heyso.
Guud ahaan
xaalada Boorama waa ay cakiran tahay waxuuna dibadbaxaan maalintii labaad socda
kusoo beegmaya xili shalay galinkii dambe ay Boorama soo gaadheen wafdi uu
hogaaminayo M/weyne K/xigeenka Somaliland Eng. C/raxmaan Saylici & 6 Wasiir
oo kamid ah Xukuumadiisa, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye & Qaar Kamid Ah
Odoyaasha Guurtida.
Dadweynaha
Boorama ayaa ka argagaxsan Rasaasta sida xoogan ugu dhaceysa bartamaha Boorama
& qaar kamid ah xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana guud ahaan la
xidhay goobihii Ganacsiga ee gudaha Boorama ku yaalay.
COMING SOON: WARBIXIN SANNADEEDKA 2012 XAALADA XUQUUQDA AADAMAHA SOMALILAND
COMING SOON!!!!!!!!!!!!!!COMING SOON!!!!!!!!!!!!!!!!! COMING SOON!!!!!!!!!!!!!!!!
QAYBTA 1AAD-XADHIGA
SHARCI DARADA AH & JID-DILKA HAY’ADAHA SHARCI FULINTA SOMALILAND U GAYSTAAN
MUWAADINIINTA IYO AJAANIBKA KU SUGAN SOMALILAND
QAYBTA 2AAD –DILKA
SHARCI DARADA AH EE HAY’ADAHA SHARCIFULINTA SOMALILAND U GAYSTAAN RAYIDKA
QAYBTA 3AAD –
GABOODFALADA XUQUUQDA XUQUUQDA QAXOOTIGA IYO MAGANGALYODOONKA
QAYBTA 4AAD
–XADGUDUBYADA XORIYADA RA’YI DHIIBASHADA & WARBAAHINTA
- Falalka Musuqmaasuq ee Xukuumada Siilaanyo oo maraya heer laga werwero
- Fadeexadaha Maamulxumo iyo Musuq ee ka dhacay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo daboolka ka rogay Xubno ka mid ah Qoyska Madawxwayne Siilaanyo oo ku lug leh musuq baaxad wayn
- Fashilaada Doorashadii Golayaasha Deegaanka Somaliland waxa kow ka ah Musuqmaasuqa
- Guurka oo ah munaasibad farxadeed oo qoysasku is maamuus ka helaan Marmar Gabooyaha Somaliland wuxuu ku noqdaa masiibo burburisa nabadgalyadoo, noloshooda dhaqan dhaqaale iyo wax kastoo kale oo ay deegaankooda ku haysteen-Casharada laga baran karo Boorama
QAYBTII KOWAAD WARBIXIN SANADEEDKII 2O12 XAALADA XUQUUQDA AADAMIGA SOMALILAND
![]() |
WARBIXIN
SANNADEEDKA 2012
XAALADA XUQUUQDA
AADAMAHA SOMALILAND
Waxa soo Saaray:
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (Horn
Watch)
31st December 2012
Hargeisa, Somaliland
TUSAMADA WARBIXINTA
_____________________________________________________BOGGA
HORDHAC........................................................................................ 1
-
Qaabka
Xogaha Warbixinta loo Ururiyay......................................... 2
CUTUBKA 1AAD.................................................................................. 3
XADHIGA SHARCI
DARADA AH & JID-DILKA HAY’ADAHA SHARCI FULINTA SOMALILAND U GAYSTAAN
MUWAADINIINTA IYO AJAANIBKA KU SUGAN SOMALILAND................................................................................... 6
CUTUBKA 2AAD
–Dilka sharci darada ah ee Hay’adaha Sharcifulinta Somaliland u gaystaan
rayidka............................................................................ 11
CUTUBKA 3AAD – Gaboodfalada Xuquuqda Xuquuqda
Qaxootiga iyo Magangalyodoonka......................................................................... 12
CUTUBKA 4AAD
–XADGUDUBYADA XORIYADA RA’YI DHIIBASHADA & WARBAAHINTA .............................................................................. 13
-
Shacbiga Somaliland Ma haystaan qaab ay cabashadooda ugu
gudbiyaan Madaxdii dalka ee ay doorteen
CUTUBKA 5AAD
MUSUQMAASUQA XUKUUMADA SOMALILAND............. 16
-
Falalka
Musuqmaasuq ee Xukuumada Siilaanyo oo maraya heer laga werwero 16
-
Fadeexadaha
Maamulxumo iyo Musuq ee ka dhacay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo daboolka
ka rogay Xubno ka mid ah Qoyska Madawxwayne Siilaanyo oo ku lug leh musuq
baaxad wayn............................................... 18
-
Fashilaada Doorashadii Golayaasha Deegaanka
Somaliland waxa kow ka ah Musuqmaasuqa ...................................................................... 22
CUTUBKA 6AAD TACADIYADA
AY LA NOOL YIHIIN BEELAHA LA TAKOORO SOMALILAND WAA KUWO ARGAGAX LEH OO AANU
AADAMIGU KU NOOLAAN KARIN
-
Guurka
oo ah munaasibad farxadeed oo qoysasku is maamuus ka helaan Marmar Gabooyaha
Somaliland wuxuu ku noqdaa masiibo burburisa nabadgalyadoo, noloshooda dhaqan
dhaqaale iyo wax kastoo kale oo ay deegaankooda ku haysteen-Casharada laga
baran karo Boorama
CUTUBKA 7AAD DARAASAD HORDHACA AH: Xadgudubyo Xaasaasi ah oo aan Cidina ka hadli
karin iyo Doorka ay Xukuumadu ku leedahay
HORDHAC
Jamhuuriyada Somaliland waxa ay culayska
saartay sidii xuquuqda aadamigu bud-dhig ugu noqon lahayd dibudhiska dalka.
Waxana taasi daliil u ah Dastuurka dalka, cutubkiisa 2aad waxa uu si cad u
jidaynayaa ilaalinta iyo hirgalinta xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee
muwaadiniinta, kuwaasi oo waafaqsan qaanuunka xuquuqda aadamiga ee heer caalami
iyo mid qaaradeed labadaba. Inkastoo ku dhawaad 20 sano qaab-dhismeedkii iyo
hay’adahii heer qaran ee masuulka ka
ahaa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadamigu ay wali dib u dhacsan yihiin
oo ay ragaadiyeen maamul xumo, musuqmaasuq iyo khibrad yaraan, kuwaasi oo aan
lahayn awoodii iyo xirfadihii lagu joojin lahaa xadgudbuyada xuquuqda aadamiga
amase lagaga hortagi lahaa dhicitaankoodaba.
Dib u curashadii Jamhuuriyada Somaliland
bilowgii sagaashanaadka Somaliland waxay ku guulaysatay abuuritaanka haykal
dawladeed oo cusub, waxay soo dabaashay nidaamkii iyo kala dambayntii waxay
dhistay hay’adihii dawladaha hoose iyo tan dhexe, waxa dalka dib uga bilowday
nidaamkii cashuuraha, waxa dib loo furay dugsiyaddii waxbarashada oo ay gacanta
ku hayso wasaarada waxbarashadu dedaalkaasi oo dhan muu suurto galeen in la
gaadho hadii aanay Somaliland adeegsan nidaamka hidaha iyo dhaqanka ee
furdaaminta shaqaaqooyinka. Hogaamiye dhaqameedka ama guurtida dalka ayaa fure
u noqday ku soo dabaalida dalka Somaliland degenaashiiye siyaasadeed.
Tan iyo 2001 dalka waxa ka dhacay
doorashooyin kala duwan: aftidii Dastuurka Somaliand ee 2001, doorashadii
Golayaasha Deegaanka 2002, 2 doorasho Madaxtooyo oo kala qabsoomay 2003 iyo
2010 iyo Doorashadii Aqalka Hoose Baarlamaanka Somaliland 2005. Doorashadii
labaad ee Golayaasha Deegaanka ayaa Somaliland ka qabsoontay 28 Nov. 2012
iyadoo ilaa hada aan si rasmi ah loo shaacin natiijooyinkii rasmiga ahaa ee
doorashada. Marka laga reebo doorashadan u dambaysay dhamaan doorashooyinka
Somaliland ka dhacay tan iyo sanadkii 2001 waxay ku dhamaadeen si nabadgalyo
ah, iyadoo dhinacayadii ku loolamayayna ay wada aqbaleen natiijooyinkii ka soo
baxay balse, doorashadan ugu dambaysay ayaa ka duwan kuwaasi hore, iyadoo
difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland bilowgii ololaha doorashada
golayaasha deegaanku bilaabantay muujiyay walaaca ay ka qabaan in Somaliland ay
ka dhici karto sidii hore looga bartay doorasho xor ah oo xalaal ahi iyagoo
hoosta ka xariiqay in aanay dalka xukuumada Madaxwayne Siilaanyo u diyaarin
saaxad ay ka dhici karto doorasho xor ah oo xalaal ah marka loo dhaboglao
xadgudubyada Xukuumada Somaliland caadaysatay oo ay ka mid yihiin:
1-
Xadhiga
Sharci-darada ah iyo Jid-dil ay hay’adaha amaanka qaranku u gaystaan shacbiga iyo ajaanibka ku sugan
dalka;
2-
Xabsiyada
dalka oo maxaabista ku xidhani ay duruuf argagax leh ku nool yihiin;
3-
Heerka
gaboodfalada warbaahinta madaxabanaan ay xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ku
haysa oo maraya heerkii ugu sareeayay abid
4-
Musuqmaasuq
baaxad weyn oo ay si toos ah ugu lug leeyihiin xubno ka tirsan qoyska
Madaxwaynuhu iyo madaxda sarsare ee xukuumadda oo ku baahay hay’adaha qaranka
5-
Tacadiyada
tirtiray gabi ahaan xuquuqihii Beelaha la Takooro ee Somaliland heerka ay
marayaan
CUTUBKA
1AAD
TILMAAMAHA
GUUD EE SOMALILAND
I.
Tilmaanta Guud
Dalka
Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed dhan 137,600km² (68,000 sq.
miles oo dhaca ama ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30' Waqooyiga
Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45' ilaa 490 Bariga. Jamhuuriyadda
Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari
Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah
ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti. Tirada guud ee
dadka dalka Somaliland inkastoo aanu jirin tiro koob rasmi ahi hadana wasaarada
Qorshaynta Qaranka Somaliland buug la yidhaa Country Profile - Republic
of Somaliland oo ay soo saartay 2002, tirada dadka Somaliland waxay ku
sheegtay 3.5 million1).
Dhinaca kale waxa lagu qiyaasay tirada dadka Somaliland laba ilaa seddex milyan
oo ruux, gaar ahaan waxa runta ugu dhow qiyaasta ah in ay tahay labo milyan oo
ruux tirada dadka Somaliland2).
Dadka
Somaliland waa dad isku af iyo isir ah, 100% waa islaam Mahdabta Shaaficiya
dariiqada Qaadiriya ku dhaqma marka laga reebo tiro aad u yar oo ku dhaqanta
dariiqada Saalixiya oo iyaduna ka mid ah Mahdabta Shaaficiya. Luqada rasimiga
ah ee dalku waa afsoomaali, Carabi iyo Ingiriisi, dugsiyada hoose dhexena waxa
waxbarashada lagu bixiyaa luqada afka soomaliga, halka waxbarashada sare lagu
gudbiyo luqada ingiriisiga.
Caasimada
dalka Somaliland waa Hargeisa, magaalada ugu balaadhan uguna tirada dadka badan
guud ahaan dalka Somaliland. Sidoo kale waa xarunta ganacsiga Somaliland,
dhamaan xafiisyada maamulka dawladu waxay ku yaalaan caasimada dalka ee
Hargeisa. Magaalada Berbera ee dekeda ah ayaa iyaduna ah halbawlaha ganacsiga
Somaliland dhoofin iyo soo dajinta labadaba marin u ah, magaalo madaxyada
gobolada dalka Somaliland oo kala ah Burao, Boorama, Ceerigabo iyo Laas-caanood
ayaa ah tirada dadka ku nooli ay badan tahay waxana ka socda dhaqdhaqaaqyo ganacsi
oo aan yarayn.
Baanka
adduunku wuxuu celceliska cimriga-nolosha raga ku sheegaa 50 sanadood,
dumarkana 55 sanadood3).
CUTUBKA 2AAD
– XADHIGA SHARCI DARADA AH & JID-DILKA........... 6
Dastuurka Somaliland muxuu ka qabaa Xidhiga Sharcidarada ah iyo Jidh-dilka?
Qodobka 24
ee Dastuurka Somaliland, oo la xidhiidha “Xaqa Nolosha, Nabadgalyada qofka,
Danuubta lidka ku ah Xuquuqda Aadamiga” ayaa u dhigaya sida tan:
1. Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq
leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu
ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka
iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa
iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4. Dambiyada laga gab xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la'aan ah,
jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf
Dastuurka Somaliland ayaa ayidaya ku dhaqanka
Axdiyada Caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga sida ku cad Qod. 10 farqadiisa
1.
Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore 1o
odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka
hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand. Iyo
2.
Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada
Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa
Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}.
Xadgudubyada la Diiwaan Galiyay:
June 29th, 2012
Haybe Faarax Nuur oo Gabayo uu ku dhaliilayo Madaxweyne Siilaanyo tiriyay ayaa
hay’adaha sharcifulinta Somaliland xabsiga u taxaabeen waxanu iyadoo aan
maxkamad la horkeenin uu la haye ahaan ugu xabisnaa jeelalka dalka in ka badan
seddex bilood. Abwaankan ayaa isagoo cabiraya ra’yigiisa wuxuu tiriyay tiraba
Afar Gabay oo uu ku Dhaliilayo Madaxwayne Siilaanyo.
Ku tagrifalka awooda dawlada ee madaxda
gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa sanadka 2012 kor u kacday iyadoo nasiibdaro
madaxdani awoodaasi u adeegsanaya dano gaar ah tusaale ahaan 3 ilaa 5 July 2012
xoghaya dawladda hoose ee degmada Boorama ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid
ah iskaashatada bulshada ee karaaniyiinta
magalaada Boorame, kaariyiintan la xidhxidhay wax aka mid ah Gudoomiye
xigeenka iskaashatada kaariyiinta Boorame Cali Daahir Cali. Difaacayaasha
Xuquuqda Aadamiga Horn Watch ayaa helay cadaymo daaha ka rogaya in Xoghayaha
D/hoose ee Degmada Boorama uu karaaniyiinta ku xidhxidhay kadib markii ay ku
dari waayeen Iskaashatada Karaaniyiinta Boorame nin ay isaga walaalo yihiin.
12 July 2012 ciidamada Booliska
Somaliland eek a hawlgala magaalo madaxda gobolka Sool ayaa xabsiga u taxaabay
in ka badan 20 ka mid ah ardayda dhigata dugsiyada sare ee magaalada Buuhoodle
oo Laascaano u tagay ka qaybgal tartan aqooneed ay qabanaysay Jaamacada Nugaal
oo ku taala Laascaanood. .
25 July 2012 Maayarka Caynaba khaliif Saleebaan ayaa
magaalada Caynaba ku xidhxidhay dad ka mid ah shacbiga ku nool magaalada
Caynabo oo ka mudaharaaday dhul dan guud ah oo ay Maayarka iyo madax kale oo ka
tirsan masuuliyiinta sarsare ee gobolka Saraar ay si shaqsi ah ugu
tagrifalayaan

22 October 2012 Booliska
magaalada Gabiley ayaa xabsiga u taxaabay nin dhalinyaro ah oo abwaan ah Maxamed
Mawliid Caabud (Maxamed Dhako) difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland aya
helay xog iftiiminaysa in amarka xadhigiisa ay bixiyeen Afhayeenka Madaxtooyada
iyo Guddoomiyaha Dawan isku Haystaan kuwaasi oo uu ka dabo joogay balanqaad
lacageed oo laga siiyo heestii lagu furay munaasibadii loogu wanqalayay Idaacada
Cusub ee Radio Hargeia
12 Sept 2012 Labo Weriye oo la kala yidhaa Haashim Good
iyo Mursal Cilmi Cumar oo ka kala hawl-galayey TV-yada Somalisat iyo Bulsho TV ayaa
ciidanka booliska magaalada Boorame xabsiga u taxaabeen
Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee
Somaliland. Kormeerayaasha Xuquuqda Aadamiga HornWatch ayaa ogaaday in sababta
kali ah ee lagu xidhay labadan wariya ay la xidhiidho warar iyo ra’yiga
dadwaynaha ku dhaqan Boorama ay ka qabaan doorashada Madaxwaynaha ee ka dhacday
magaalada Xamar ay ka direen magaalada Boorama oo aanay raali ka ahayn
xukuumada madaxwayne Siilaanyo. Waxayna talaabadan xadgudub ku tahay
mabaadii’ada xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha aasaasiga ee uu jideeyay
dastuurka qaranka Somaliand.
20 October 2012 Ciidamada Qaranka ee
fadhigoodu yahay Bariisle oo duleedka Lawyocado ku taal ayaa 18 ruux oo rayid
ah kuwaasi oo isugu jiray 15 reer Somaliland ah, 2 reer Somalia ah iyo hal
Itoobiyaan ah ka soo qabqabteen magaalada xuduuda ku taala ee Lawyo-cado,
iyadoo markii ay qabqabanayeen ciidanku ragaasi si fool xun u garaacay,
habeenkii koowaad waxa lagu xidhay Lawyo-cado, habeenkii labaadna waxa loo
qaaday oo lagu xidhay tuulada Geerisa, iyadoo aroornimadiina lagu soo qaaday
baabuur Ciidanka Qaranka Somaliland leeyihiin iyagoo dhamaan ragaasi xadhko
loogu xidhxidhay dhigahii baabuurka ayaa si toos ah waxa loo keenay oo lagu
xabisay xerada ciidamada qaranka ee Birjeex oo ku taal Hargeisa. Qaar ka mid ah
dadkan rayidka ah waxa ay ka mid ah
1.
Jamaal Cabdi Habane
2.
Ahmed Cabdi Habane
3.
Maxamed Carab Maxamuud
4.
Cabdi Farax Samade
5.
Ahmed Abdilaahi
6.
Liibaan Sahal
7.
Cabdixakiim xuseen Liibaan
8.
Cilmixakiim Xaashi Hufane
9.
Maxamed Barkhad Aanayte
10.
Muuse Xasan Warsame
11. Faarax Maxamed Xasan
12. Najax jaamac Roble
22 Sept. 2012 -Ciidamada Booliska ee Boorma
ayaa soo xidhxidhay dad ay tiradoodu dhan tahay 9 qof oo shicib ah kadib markii
ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen rabshado qasaare gaystay oo degaankaasi ka
dhacay, dadkaasi ayaa ka gadoodsana adeegxumo iyo musuqmaasuq bariinsaday MCH
magaaladaasi.
13 August 2012
Ciidamada Booliska magaalada Xariirad ayaa xabsiga u taxaabay dad shacab ah oo
ka mid ah reer guuraa ku tabaaloobay abaaraha deegaankaasi naafeeyay dadkaasi
oo ka gadooday raashin mucaawimo ahaa oo la sii dhexmariyay kaasi oo loo waday
tuulada caqbdiqaadir.
Subscribe to:
Comments (Atom)




