Sunday, December 23, 2012

War Degdeg ah: Maayarka Magaaladda Hargeisa oo loo Doortay Eng. Yuusuf Warsame Siciid iyo ku Xigeenka oo Noqday C/casiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne”.





Eng.  Yuusuf Warsame Siciid
Mr. C/casiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne













Fadhi ay iskugu yimaadeen Golaha Deegaanka Hargeisa ee cusub ayaa lagu doortay, Maayarka Caasimadda oo loo doortay Eng.  Yuusuf Warsame Siciid iyo ku xigeenkiisa oo loo doortay Mr. C/casiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne”,  kaas oo ay joogeen 15 xubnood. Garsooraha Maxkamadda ayaa ka dib markii uu dhaariyey xildhibaanadda Golaha Deegaanka cusub, waxa si rasmi ah, sida uu sharcigu dhigayo, furay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed X. C/laahi Xamarje.

Kulanka dhaarta iyo doorashadda maayarka iyo ku-xigeenka ayaa ay fadhiyeen 15 xildhibaan. Iyadoo murashaxa Maayarku uu kaligii isku sharaxay Eng. Yuusuf Warsame oo cid kula tartantay aanay jirin, halka Murashaxa ku xigeenkuna ahaa C/casiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne”  cid  kula tartayna aanay jirin. Fadhigan ayaa ay ka maqnaayeen oo aanay ka soo xaadirin 10 xildhibaan.
15 ka xildhibaan ee fadhigan goob-jooga ka ahaa fadhiga ayaa kala ahaa:
  1. Maxamed Aw Adan Wayrax
  2. Maxamed Daahir Axmed
  3. Axmed Siyaad Muxumed
  4. Cismaan Xassan Faarax
  5. Maxamed Warsame Caalin
  6. C/casiis Adan Habane
  7. C/raxmaan Max’ed Caydiid
  8. Maxamed Cabdi Adan Yoon
  9. Ilyaas aw Xuseen
  10. C/laahi Adan
  11. C/casiis Maxamed Xaashi
  12. Hanad Xaashi Axmed
  13. Yuusuf Warsame Siciid
  14. Ismaaciil Jaamac Aar
  15. Cabdi Cali Yuusuf.
Kulanka xildhibaanaddu dhexdooda ku dooranayeen maayarka iyo ku xigeenka waxa guddoominayey, xildhibaanka labaad ee ugu da’da weyn golaha deegaanka Hargeisa, oo ah Maxamed aw Adan Wayrax, maadaama uu xildhibaanka ugu da’da weyni oo ah Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo uu murashaxa maayarka u taagan ahaa.
Short URL: http://waaheen.com/?p=56037

No comments: