Wednesday, December 26, 2012

War Deg-Deg Ah: Guddida Diwaangelinta Ururada Oo Ku Dhawaaqay Saddexda Xisbi Qaran Ee Ku Soo Baxay Doorashadii Golaha Deegaanka



Hargeisa (HORNWATCH) - Munasibada ku dhawaaqista Saddexda Xisbi Qaran waxay ka dhacday Hotel Maansoor, waxana ka soo qayb galay Madax ka socota Tobada Urur ee ka qayb galay Doorashadii Golayaasha deegaanka, xubno ka mid ah Madaxda dhaqqanka Somaliland, xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka qaranka, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Maayirka iyo Maayir ku-xigeenka cusub ee Caasimada Hargeysa iyo shakhsiyaad metelayay Ururadqa Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, Academi-yada Nabad iyo Horumarinta iyo todobada xubnood ee Guddida Diwaan-gelinta Ururada.
NEW UCID

Xafladadaasi waxa lagaga dhawaaqay inay Xisbiyo Qaran u soo gudbeen Saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye, Ucid iyo Wadani, halka aanay soo bixin Ururadda Dalsan, Xaqsoor, Rays iyo Umaddu, sida uu halkaasi kaga dhawaaqay Afhayeenka Guddida Diwaan-gelinta Ururadda iyo Anxisixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Macalin oo isagu shaaciyay Natiijada

Doorashada guud ee wadanka iyo Saddexda xisbi ee soo baxay " sidaad wada ogtihiin Jaran-jaro dheer ayaa la soo maray, waxaad ogtihiin jn la diwaan geliyay 18 Urur, jaran jaradii labaad waxa ku soo baxay lix Urur iyo saddexdii Xisbi Qaran ee hore u jiray"ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Xisbiga kulmiye wuxuu ka gudbay natiijadii ahayd 20% ee gobolada wadanka , sidaasinu xisbi Qaran ku noqday, Xisbiga Ucid ayaa isna buuxiyay tirada Boqolayda ee codadka Gobolada wadanka, Ururka wadani ayaa isna u gudbay Marxalada Xisbinimo, sida uu qeeyo Xeerka Doorashada ee Ansixinta Asxaabtu".

 
KULIMYE

Mar shaacinayay Ururada hadhay waxa uu yidhi "Ururrada Umadda, Dalsan, Rays iyo Xaqsoor uma soo gudbin Xisbiyo Qaran, waanay ku mahadsanyihiin tartankii ay ka soo qayb galeen".
Guddoomiyaha Guddida Diwaan-gelinta Ururada Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq-ciyaale) ayaa isaguna halkaasi ka sheegay inay Doorasho bilaa diwaan gelin ahi khatar badan dalka ku keenayso, loona baahanyahay in Diwaan-gelin rasmiya la sameeyo.

Ugu dambeyn waxa munaasibadaasi shahaadooyinkii Aqoonsiga lagu guddoonsiyay Saddexda Xisbi Qaran ee soo baxay ee UCID, KULMIYE IYO WADANI.
WADANI
Guddoomiyaha Ururka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa isagana halkaasi shahaado uu ku mutaystay Maamul wanaaga lagu guddoonsiiyay, iyadoo Guddoomiyaha Ururka Umaddana shahaado uu ku mutaytay Kartida iyo Calool adayga Doorashada uu kaga qayb galay.

No comments: