“Maxkamadaha Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland” SOLJA
Hargeysa(Waaheen) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa shalay oo Jimce ahayd soo saaray qoraal ay ku Canbaaraynayaan Maxkamadda Amartay Xadhigii Tafatiraha Wargeysa Waaheen Maxamud Cabdi Jaamac ee ay kula kaceen Ciidanka Baadhista Danbiyadda CID-da, kuwaasoo khamiistii ku xidhay Xaruntooda, iyagoo ku xidhay Waaran uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/rashiid Duraan soo siiyay.
Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu Canbaaraynayaa xadhiga noocaas ah oo aan noociisa hore loo arag, iyagoo sheegay in ay qalad tahay War masuulkii ama qofkii baahiyay uu Cad yahay in Suxufi lagu xidhaa.
Warsaxaafadeedka Solja waxa uu u dhignaa:-
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamayaa warka maanta salaadii casar loogu xidhay tafatiraha wargayska waaheen maxamuud cabdi jaamac (xuuto) xarunta c.i.d ee magaalada hargeisa ,
Warkaas oo ah inuu wargaysku baahiyay shir jaraa’id oo khamiistii dhawayd ay qabteen difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland xaflad lagu xusayay maalinta xuquuqal insaanka dunida oo ka dhacday huteelka xaraf ee magaalada hargeisa sida ay u sheegeen ururka Suxufiyiinta ee solja goobjoogayaal xadhiga tafatiraha in taliyaha CID-du markuu u yeedhay uu tusay waaran qabasho ah oo maxkamdeed iyo warkii lagu soo eedeeyay oo joornaalkii ku qoran ,halkaana uu ku xidhnaanayo ilaa maalinta sabtida oo maxkamada la gayn doono ,
Inkastoo taliyaha CID-du beeniyay inuu tafatiraha xidhay mar uu caawa ururka solja khadka tilifoonka kula xidhiidhay balse wuxuu yidhi taliyuhu “waan u yeedhay oo wax ayuun baan waydiiyay oo sabtida ayaan ku idhi igu soo noqo
Si kastaba ha ahaatee ururka solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga tafatiraha wargayska waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac oo aan noociisa hore loo arag war qofkii sheegay joogo in wargays lagu qabsado maxaad u baahisay dhinaca kale ururka solja wuxuu canbaaraynayaa maxkamada soo amartay qabashada tafatiraha wargayska waaheen ee ay ahayd inay yeedhmo usoo dirto maadaama oo aanu weriyuhu dalka ka baxsanayn iyadoo aanay jirin yeedhmooyin hore oo uu ku iman waayay tafatiruhu
Ugu danbayntii maxkamadaha Somaliland iyo garsoorkaba waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland
ALLAA MAHAD LEH
M.RASHIID MUXUMED
FARAX
XOGHAYAHA GUUD EE
URARKA SOLJA
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment