Saturday, December 15th, 2012
Hargeysa(Waaheen) Hay’addaha Amniga Somaliland oo
toddobaadkan ku qaday magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal ayaa ku fashilmay
Hawl-gal ay ku beegsanayeen Haweenay lagu magacaabo Umu Shabaab(Hooyadda
Al-shabaab), taasoo ay raadinayeen Ciidamadda Sirdoonka maraykanka iyo
Ingiriisku FBI iyo CIA oo ay weheliyaan Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ,
kuwaasoo sitay Waaran qabasho ah oo Caalami ah, waxaanay Hawl-gal ay ku
sameeyeen Guri ku yaala Magaaladda Boorama oo ay u filayeen inay ku jirto ku
soo qab qabteen Saq-dhexe oo ay u daateen Dumar kale iyo Carruur.
Hawl-galka ay kooxdani ku Guul-daraysatay oo dhacay
horaantii toddobaadkan ayay badhistiisii wali ka socotaa Hargeysa, waxaana ka
qayb qaadanaya Ciidanka Baadhista Danbiyadda ee Somaliland iyo Kuwa Maraykanka
iyo Ingiriiska, hase yeeshee xogo Waaheen heshay ayaa sheegaya qaar ka mid ah
qoyskii ay Ciidamadaasi Boorama ka soo kaxeeyeen in la sii daayay kadib markii
ay waxba ka cadaan waayeen, balse waxa ay wali ku hawlan yihiin Haweenaydii
Gurigaas deganayd oo ah Hooyo da’ ah oo waliba xanuunsanaysa, isla markaana
dhalasho ahaan ka soo jeeda Muqdisho muddo badana daganayd Boorama.
Gabadhan ay haystaan ee ay baadhayaan ayaa wakhti hore ka
soo guurtay Dalka Maraykanka waxaanay degtay magaaladaasi kadib markii ay
Amaanka Muqdisho u badheedhi kari weyday, balse Ciidamadda Sirdoonka Maraykanka
iyo kuwa Ingiriisku waxay u haystaan inay tahay Haweenaydan ay doon doonayaan
ee la yidhaahdo Umu shabaab, taasoo la sheegay inay sidato baasaabooro Ingiriis
iyo kanadiyaan ah oo ay ku socdaasho.
Warkan waxa uu Wargeyka Waaheen ku daba joogay tan iyo
intii ay Ciidamadda Amniga Somaliland ku soo qabteen Qoyskaasi, hase yeeshee
Xogo dheeraad ah waxa uu ka helay kadib markii uu Taliyaha Ciidanka Baadhista
Danbiyadda CID-da Daahir Muuse Abraar uu Tafatiraha Wargeyska Waaheen Maxamud
Cabdi Jaamac ugu yeedhay Xarunta danbi baadhista, isagoo Waaran Qabasho ah oo
uu Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka soo qaatay u hayay.
Tafatiraha Waaheen oo booqday Xarunta Baadhista
Danbiyadda ee CID-da aroornimadii ayaa kula kulmay Saraakiil ka tirsan
Sirdoonka Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, kuwaasoo ku guda jira baadhista
Dacwada gabadahaasi loo haysto inay tahay Umu shabaab, iyadoo ay goob jog ka
ahaayeen Taliyaha CID-da iyo Saraakiil kale, balse wakhtigaasi waxa uu
Tafatiruhu fursad u waayay inuu la kulmo Taliyaha CID-da ee u yeedhay.
Afartii galabnimo ee isla maalintaasi oo Khamiistii ahayd
ayuu hadana Mar kale Taliyaha CID-du u yeedhay Tafatiraha Waaheen iyadoo ay
isla wakhtigaasi xarunta ku sugnaayeen Ciidamadii Sirdoonka ee Ingiriiska iyo
Maraykanku, waxaanu la kulmay Taliyaha kaasoo ku Amray in uu ka jawaabo Dacwad
uu Qaranku dhibane ka yahay oo loo haysto, wakhtigaasi oo ahayd Salaadii Casar
kadib ilaa iyo Maqribkii isagoo intaasna la socday Hawl-galka Kooxdaasi kale ee
Maraanmaraysa Haweenaydaasi.
Ilaa hada ma cada Baadhista Kooxdaasi halka ay ku
danbaysay, hase yeeshee xogo dheeraad ah oo Waaheen ka helay arrintaasi kadib
markii aanu dabagal kale ku samaynay ayaanu ku helnay in ay baadhistii
Gabadhaas lagu waday dhamaatay isla xalayba kadibna ay waji Gabax kala kulmeen
balse wax Natiijo ah oo ay ka soo saareen ma jirto.
Hawl-galkani maaha kii koowaad ee Somaliland iyo
Ciidamadda Sirdoonka ee la shaqeeya ee maraykanka iyo Ingiriiska ee ay ku
fashilmaan Hay’adaha Amniga Somaliland, balse inta la ogyahay waxa dhacay
hawl-galo sidan oo kale la yidhi waxa lagu baadi goobayaa kooxo Argagixiso ah,
kuwaasoo ay dhamaantoodba hagayeen Ciidamo shisheeye ahi, isla markaana ay kuwa
Somaliland fuliyayaal ka ahaayeen, balse waxay dhamaantoodba ku danbeeyeen
fashil.
Hawl-galadaas waxa ka mid ah mid lagu galalafay Guriga
Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Aadan dhagax,
kuwo kala danbeeyay oo lagu qab qabtay dhawr xaafadood oo ku yaala Axmed
Dhagax, iyo mid xafadda New Hargeysa ay ku soo qab qabteen Macalimiin wax ka
dhiga Madarasado ku yaala Hargeysa iyo kii ugu danbeeyay ee ay ku qabteen nin
Dhago cuslaa oo ay ku sheegeen inuu ahaa Ibraahim Af-gaanistaan.
Dhaman Hawl-galadaasi la qaaday waxay ahaayeen kuwo laga
badbadayay oo lagu qaaday Guluf Ciidan, waxaanay sababeen khasaare ay siyaabo
kala gedqaaday toona wax Mag-dhaw ama raali-gelin ah midna kamay bixin.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment