Saturday, December 1, 2012

MUNAASIB AD SOO DHAWAYN IYO XOGWARANKA XUKUNKII KU DHACAY KALI TALIYE GENERAL CALI SAMANTAR OO LOO SAMEEYAY DHIBANE XADGUDUB XUQUUQ AADAMI MR. BAASHE ABDI YUUSUF


Munaasabad soo dhoweyn ah isla markaana ah xog waran ku saabsan Ali Samatar iyo xukunkiisii ayaa loo sameeyey Baashe Abdi Yusuf


Munaasabad ku saabsan soo dhoweyn farxaddi ku dheehan tahay isla markaana ah xog waran oo loo sameeyey Baashe Abdi Yusuf ayaa lagu qabtay xarunta West London Somaliland Community ee ku taal Hays, London oo uu soo qabanqaabiyey Masuulka West London Somaliland Community Eid Hassan muuse ayaa habeenimadii Khamiistii la qabtay 29/11/2012.waxa ka soo qayb galay dadweyne fara badan oo waliba halkaasi ku waydiiyey su’aalo Baashe oo isagu ah ninka wax walba u huray in Ali Samatar abaalkiisa la mariyo! waxaad maqli doontaan goordhowna,isla markaana aad daawan doontaan munaasabada oo dhan ee la soco.



Gabayganan hoos ku qoran oo munaasibadan laga akhriyay waxa loo tiriyey Baashe waxaana curiyey Mustafe Ismail oo ka mid ahaa ka soo qaybgalayaashii munaasibadan.

Baashow halyeeyow
Hubanti weeyaane
IJmadadii la hagradee,
Hortaaada lagu xasuuqay
Inaad maanta u hiilisaa
Waajib ku huran weeyi
Hurinttii faqashtee
U hub qaatay burburintee


Hargaisa iyo Burco
Ceerigaabo iyo Berbera
Gabilay hareereheeda
Oodwayne iyo Hawd
Ku hurgufay hubkee
Ulradkii halgadee


Huq iyo ciil
Ku-abuuIa hoo
Hurin hurin u safee
Hogaga ku guray
Hor ilaahhay
Inaad u hiilisaa
Hubanti weeyaan

Halyay Qaran inaad tahay
hohe waa 1a ogsoon yahay’
hadhow iyo faalona 
taariikhdaa hufi doonta


No comments: