Tuesday, December 18, 2012

Mudaharaad ay is-rasaasayni weheliso oo caawa xaafada jidka 150 ka ku dhex maray Booliiska iyo Kooxo Gadoodsan

 | 
Hargeysa(Waaheen) salaadii cishaa kadib waxa ay xaafadda jidka 150-ka is-rasaasayn iyo Mudaharaado Rabsahada wataa ku dhex mareen Ciidamadda Booliiska iyo Dadweyne Gadoodsanaa oo saacadaasi soo istaadhay.

Waxa lagu war-helay mar kaliya iyadoo uu is qabsaday Ololka Taayiro lagu gubayay badhtamaha Jidka 150-ka, kuwaasoo ay shideen dadweyne Gadoodsan kuwaasoo ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeedaan Natiijadda Doorashadii lagu dhawaaqay ee Hargeysa ee ay Komishanku is weydaariyeen Afar Musharax oo ay sheegeen Natiijadoodii lagu dhawaaqay inay qaldantay.
Kooxahan waxa markiiba soo gaadhay Booliis hubaysan kuwaasoo ay isweydaarsadeen rasaas, kadib markii ay isku dayeen inay ka bakhtiiyaan taayiradii ay gubayeen, iyagoo Booliisku markiiba bilaabay rasaasta.
Qof goob-jooge ahaa oo Waaheen u waramay ayaa sheegay dadweynaha laftoodu inay Rasaas iyo shied ugu jawaabeen, isla markaana ay Booliiska Goobtii ka eryadeen, iyagoo sii watay rabshadihii ay dib u istaadheen.
Lama sheegin wax khasaare ah oo labada dhinac dhex maray, hase yeeshee waxa ay dad goob joog ahi sheegeen xaaladda xalay inay ka cuslayd tii ay doraad dadweynaha iyo Booliisku isku baacsanayeen shaaracyada Hargeysa.
Short URL: http://waaheen.com/?p=55690

No comments: